Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - Sidee laguu jeclaan karaa.


2:-Sidee laguu jeclaan kalraa.

Mar walba waxad rabtaa in ay dadku ku jeclaadaan. Sow maaha? Dabcan haa. Haddaba iyaga jeclow. Laakiinse sided u dareensiin karaysaa kalgacalka dhinacaaga ka soo ifaya? Bal ka warran haddii aad ammaanto. Dadku waxay ka

helaan inad dhanka quruxda ka ammaanto. Waana wadiiqada loo maro kalgacalka kalsoonidu ku dheehan tahay ee ruux walba qalbigiisa ku duugan. Si aad u hesho jacaylkaasi, dooro shay qurux badan oo ku sugan guudkooga oo uga sheekee, waxan hubaa in aan walax qurux badan la waayeyne. Dadku way kala geddisan yihii, waxana lagama maarmaan ah in walax qurux badan laga helo qof kasta guudkiisa. Haddii la waayana waxa laga helaa akhlaaqdiisa iyo dareenka ku duugan.

Maalin ayuu qoraaga buugani aan nuqullo badan ka soo qaadanayaa camal shaqo ugu baxay boosta. Wuxu arkay wiil shaqaalihii ah oo hawlan wejigiisana cadho ka muuqato. Wuxu qoraagu doonay in uu is jeclaysiiyo. Naftiisa ayuu ku yidhi “eeg, maxaa ku habboon ninkani ee la yaab ku noqonaya” wuxu taabtay timihiisa oo ahaa kuwo jilicsan, oo taabashada ku macaan. Hadalkuu ula degdegey “maxaa timahaaga qurux ku dhamaatay!!! Waxan jeclaan lahaa inay madaxayga ku yaallaan timo kuwaaga oo kale ahi, wuxu u gudbay farxadda wejigiisa. Waaba kakanaantii ka muuqatay oo bashaashnimo isku rogtay. “laakiin hadda siday hore u ahaayeen way iska beddeleen” ayuu ugu celiyey. Qoraaga ayaa ku yidhi “sidaa ay yihiin ayaanay haddana waxba iska beeddelin”.

Markii uu qoraagu ka tegey wuxu rumaysnaa inu xaaskiisa ku noqonayo isagoo firfircooni iyo farxadba ku dahaadhan. Waxa hubaal ah in uu su’aalo xaaskiisa inay timiisu ilaa xad dadka soo jiita in ay u qurux badan yihiin.

Sidaasi ayey u hir gashay raallida wiilka oo ay uga degeen culayskii iyo cidhiidhigii saarnaa. Ha illaawin odhaahdii uu ka tegey negigeenii suubanaa, ee ay ku dhaqmayeen raggii diinta hogaanimayey dabadii illaa iyo haddana lagu dhaqmo. “la jeclow walaalkaa waxaad naftaada la jeceshahay”. Waxa ugu horreeya ee aad naftaada la jeceshahay waa farxad iyo dareen raalli ahaansho ah. U ogolow kuwa kale ee kugula walaaloobay diinta iyo bini aadan nimadaba inay kula wadaagaan farxadaasi oo kale.

Waxad rabtaa inay dadku kuu wanaagsanaadaan oo ay qiraan tixgelintooda iyo qiimohoogaba, adiga oo raba inad sharaf ku yeelato dunidani yare e aad ku nooshahay. Sidaasi daraadeed waxad ku qasban tahay inad ku amaanto kuwa kale waxad jeceshay inay kugu amaanaan, waxa dhab ah in aad tidhaahdo kuwa sharafta leh, amma taajir ah, amma madax ah, amma magic leh, ayaan amaanaa oo aan raalli gelintooda doonaa” hadalladaasi waa laga tegey. Nafta bini aadamku waa isku hal qudha, waxay ka helaan in la mahadiyo noocay doonaan ha ahaadaan e. Tusaale ahaan haddii ay adeegtadaadu kuu keento weel aan ahayn kii aad rabtay, oo intaad ka cudurdaarato ka dalbato kii aad rabtay, waxad arkaysaa iyadoo ku aamintay oo kuugu adeegaysa sida aad jeceshay.

Waxa laga yaabaa in aad tidhaa “in ka mid ah dadka ayuun baan tix geliyaa” aragtidaada taasi way kula qumman tahay, lamase toosna marka loo eego aragtida dadka kale, oo ruux waliba isagaa naftiisa u muraayad ah. Tusaale ahaan Jabbaanku wuxu ku dhowaadaa inu qarxo haddii uu nin cadi gabadh ka doono cadho daraadeed, laga bilaabo Iskiimoos, ilaa Hindus, waxay xaqiraan caddaanka. Haddan ma jiro wax farqi ah oo u dhexeeya marka loo eego bini aadminimo. Taasi waxan ka daran soomaalida reer reer isku xaqiraysa ee aanu jirin dhaqan, af, iyo diin u kala soocan toona. Maanka ku hay odhaahdii Emerson ku lahaa “

qof kasta oo aan la kulmaa dhan buu iga tix geliyaa, waxana habboon in aan ugu yaraan dhicaasi barto”.

Ammaanta xiisaha leh ee aad qalbiyada dadka ku hanan kartaa waa adigoo ku amaana hawl uu ku guulaystay amma fakir uu hirgelintiisa wado, shay qurux leh iyo hab-dhaqankiisa suuban oo ay dhammaan runi ku dheehan tahay.  Bal in yar dareenkaaga sii qisadani runta ah ee aanu jecelehay buugan ka soo dheegnay sheegidda magacyada dadka oo xilligaa nolol ku sugnaa, aynu ninka x ka soo qaadano yna xaaskiisa.

Mr x iyo xaaskiisa miss y ayaa maalin fasax gaaban ugu booqdey miss y ededeed oo magaalo in doora jirtey degeneyd mr x ayaa gocdey inuu qalbiga islaanta farxad ku abuuro, markaasuu raadiyey walax qurux badan oo uu ku amaano” waxaan filayaa in gurigan la dhisey 1890kii waxaan ku dhashey gurigani mid la mid ah. Waxaa iftey nafteedii oo waxey ku jawaabtey “ haa waa sannadkii la dhisey mr x waa mid qurux leh oo tiirara adag, nasiib xumase dadku may noqon kuwa dhista guryahani oo kale” waa wax laga xumaado runtii, dhalinyarada maantu waxey rabaan qol yar, talaajad, iyo gaadhi ay dharaaroo dhan wataan….. waxa dhisey anigga iyo ninkeyga, waxaanu ku aasney jaceyl qoto dheer oonaga dhexeeyey oo waanu ku barwaaqowney farxad sayinimo oo kalsooni leh, kaalley oo isoo raac aan beertiisa ku soo tusa e. beertii ayey in badan ka sheekeysteen sheekada badankeeduna waxey ka soo burqaneysey dhinica islaanta. Waxey ogaatey ninkii martida u ahaa oo xiise ku dhageysanaya markaasey soo ban dhigtey kumanaan kun xasuusood oo  qurux badanaa waayaheedii…. Beerta dhexdeeda wuxuu mr x ka heley gaadhi yaalley oo ay duqdu eegeyso, dabadeeto iyada oo ay ilmo ka burqaneyso ayey tidhi “gaadhigani waxa ii soo iibeyey ninkeygii wakhti yar uun ka hor inataanu dhiman, waana hadyad aan adiga ku siinayo” intuu ka argagaxay hadalkaasi ayuu sheegey iney tol iyo qaraabo leedahay isagga uga xaq leh gaadhigan, waxeyse jawaab uga dhigtey “ qaraabadeydu waxey sugayaan dhimashdeyda oo kaliya si ay guriga iyo baabuurkaba u qaataan kase yeeli mayo. Adigu qaado waan ku siiyee”.

Ma argtaa habka sixirka leh ee uu ereyga qadarinta leh wax u saameeyo.  Dadka oo dhami waxay jecel yihiin inad tix geliso, qadarintooduna waxay caddaynaysaa jacaylka dhinacaaga ka soo burqanaya. Waana  kaasi midkay kaa dalbayaan.

Qadarintaa midho dhalka nuuraya leh, ee ay dadku inaga rabaan halkaynu ka bilownaa?. Ugu horrayn guriga. Xaaskaagu waa ruux dadkaasi ka mid ah, oo weliba in dheeraad ah iskeed mudan in aad u siiso. Waxase jira dhinac ay kaga wanaagsan tahay haweenka intooda kale. Imisa jeer ayaad quruxdeeda tilmaantaa, amma habwanaaga ay guriga u qurxiso, xattaa dabacsanaanta hadalkeega marka ay ku tidhaa “Subax wanaagsan”  maadaama oo uu haasaawuhu inagu hagayo guur iyo nolosha qoys ahaaneed bal aynu eegno waxa ay tidhi suxufiyad maraykan ahi “amaanidda gabadha guurka hortii waa soo iilasho iyo dareen gelin oo qudha, ammaanteedase iyadoo xaas ahi waxay ka mid tahay baahida farxadeed ee guriga”. Ereyada kulaylka wata, cadhada badan, iyo hanjabaadaha dheeriga ah amma joogtada ahi, waxay niyad jabiyaan oorida, halkaasi oo ay kaga gaabsanayso geeddi socodkii hayaanka dheer ahaa ee ay ubad iyo jacayl ba ku unkaysay, inta ereyada caynkaasi ah la adeegsanayo waxa dhaanta in ereyo macaan oo qalbiga soo jiita iyo ammaan lagu asqeeyo, kuwaasi oo

dhammaantood dhidibadda qoyska sii adkaynaya. Tusaale ahaan ahaan haddii ay xaaskaagu ku soo hordhigto waslad hililb ah oo aad mooddo in hadda uun haraga laga siibay adayg daraadii kuna tidhaahdo “waxan filayaa in uu ku mashquuliyey hilibkani sidaad u lahayd jilci, gacaliso” barbar dhig hadalkani “Hilibkani ilkuhuu saarayaa, naa ma waxad ii malaysay in aan Ey miciyo dhaadheer ahay” haddii aad dariiqaasi hore marto waxad ilaalisay kalsoonidii ay kuu qabtay, maritaanka dariiqa labaad wuxu derbiyo adag ku xidhayaa farxadii gurigaaga, ku qaado habdhaqanka xaaskaaga tusaalahan ay bixisay suxufiyadda maraykankani “Maalin ayaan la kulmay nin lagu soo eedeeyey dumar badnaan (Gododle) markii aan arrinkaasi su’aalayna wuxu degdeg iigu jawaabay inu 32 dumar ah qabo oo uu quluubtooda hantiyey iyo masruufkooga , laakiin sirta taasi ku jirta ayaa ahayd in uu yidhi “weligay lugooyo kulamaan dhaqmin, waxan u horumariyey tix gelin ay u bukeen oo ay u oomaanaayeen u ogolow ha inay dareemaan qiimohooga intaan qiimaynayo.

dhammaantood dhidibadda qoyska sii adkaynaya. Tusaale ahaan ahaan haddii ay xaaskaagu ku soo hordhigto waslad hililb ah oo aad mooddo in hadda uun haraga laga siibay adayg daraadii kuna tidhaahdo “waxan filayaa in uu ku mashquuliyey hilibkani sidaad u lahayd jilci, gacaliso” barbar dhig hadalkani “Hilibkani ilkuhuu saarayaa, naa ma waxad ii malaysay in aan Ey miciyo dhaadheer ahay” haddii aad dariiqaasi hore marto waxad ilaalisay kalsoonidii ay kuu qabtay, maritaanka dariiqa labaad wuxu derbiyo adag ku xidhayaa farxadii gurigaaga, ku qaado habdhaqanka xaaskaaga tusaalahan ay bixisay suxufiyadda maraykankani “Maalin ayaan la kulmay nin lagu soo eedeeyey dumar badnaan (Gododle) markii aan arrinkaasi su’aalayna wuxu degdeg iigu jawaabay inu 32 dumar ah qabo oo uu quluubtooda hantiyey iyo masruufkooga , laakiin sirta taasi ku jirta ayaa ahayd in uu yidhi “weligay lugooyo kulamaan dhaqmin, waxan u horumariyey tix gelin ay u bukeen oo ay u oomaanaayeen u ogolow ha inay dareemaan qiimohooga intaan qiimaynayo.

3:- Dooda dhaaf  si aad uga fogaatid khilaafka.


noloshaqoyska 48518 visitors (113728 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free