Adduunyada dhammaanteed haddii adi laguu dhiibo, hadduu aqalku kaa guda xun yahay aayatiin ma laha e.

qoraalkani waxa fasixi kara qoraaga oo keliya
 

ku qor websitkani waxaad jeceshahay ee ra'yigaaga ah, uma baahnid in aad codsi i weydiisato, keliya buuxi meelaha bannaan dabadeedna qof fikirkaaga.

Name:
Your Email address:
Your MSN-name:
Your Yahoo-ID:
Your rating for this website:
Your message:

<-Back

 1 

Continue->

Name:Nolosha qoyska
E-Mail:noloshaqoyskayahoo.com
Rating:1
Time:12/06/2012 at 2:09pm (UTC)
Message:Sidee qofku u gaadhi karaa guulo uu ku faani karo? dadka qaar ayaa ka baqa inay keligood wax qabsadaan, waxanay sheegaan inay adagtahay in wax uu qabto, sidee kaasi oo kale loogu soo celin karaa awoodiisa uu ku fahmi lahaa in aanay jirin wax adagi haddii loo dhaqaaqona la fulin karayo.

mahadsanidin.

Name:-
Rating:1
Time:11/03/2012 at 8:33am (UTC)
Message:

Name:Yahoo Messenger
MSN-name:noloslahqoyska
Rating:1
Time:11/15/2011 at 11:44pm (UTC)
Message:Haasaawaha been ku bilaabmaa muxuu ku dambeeyaa? guul waarta mise guul darro?

Name:Yahoo Messenger
MSN-name:maxamed-welihotmail.com
Rating:1
Time:08/29/2011 at 10:19am (UTC)
Message:aniga waxa ra'yi ah ma hayo, laakiin waxaan ku talin lahaa in barnaamijyadaan oo kale si fiican loo soo qoro.

User: noloshaqoyska
noloshaqoyska
Offline
Rating:1
Time:04/13/2011 at 11:32am (UTC)
Message:Ma fiicnaan lahayd in dhallinyarada talo laga siiyo ka hor intaa aanay guursanin, mise iyaga ayaa khabiirro ku ah noloshani oo taloba uma baahna?

Name:Yahoo Messenger
MSN-name:zabna
Rating:1
Time:10/04/2010 at 1:56pm (UTC)
Message:happy

Name:Yahoo Messenger
MSN-name:dr majoor
Rating:1
Time:08/25/2010 at 4:23pm (UTC)
Message: WAX KASTA KUGU DHACA MARNA NAFSADAADA HA EEDEYN!!!

Name:Yahoo Messenger
MSN-name:adigahotmail.com
Rating:1
Time:09/05/2009 at 10:58am (UTC)
Message:waar meher qarsigu ma banaana waana reer ay ducadii waalidku ka maqan tahay oo laga qariyay mar kaa dad ka yaan lagu waanin in meher qarsigu jiro

Name:Omar  Yahoo Messenger
E-Mail:noloshaqoyskagraffiti.net
MSN-name:omaraliidlehotmai.com
Rating:1
Time:03/26/2007 at 10:08am (UTC)
Message:Nolosha qoysku waa sida maska oo kale oo hadba inta ay xuub siibato cusboonaata. Haddii aanad qalka ka saarin ogow in ay gaboobayso, fool xumaanayso oo jidhfo yeelanayso.

waa odhaahda toddobaadkani.

Name:cumar
E-Mail:omaraliidleyahoo.com
Time:10/10/2006 at 11:26am (UTC)
Message:wuu wacan yahay:o8)
Comment:Meher qarsigu muuxuu keenaa;
1: Jacayl dhab ah?
2: Wixii waalidku diideen ayuu ogolaysiiyaa? tusaale ahaan laba qof ayaa la isku diiday dabadeedna way is qarsadeen, qasab ayey markaasi ku noqonaysaa in la isku meheriy.
3: Maxaa xaaraan ka dhigaya meher qarsiga?

SIRTA NOLOSHA:


Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye
Kol hadday silloonaato
Samaheedu waa dhiige
Sumuc talada loo dhiibye
Sida sida sidaas weeye
Si la yeeli jirey weeye

Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa
Bal sallaankan fuul laalan
Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali
Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho

Raqda solan lafaa soogan
Bal su'aal u celi meydkan
Sababtuu u go'ay raadi
Bal dhegeyso saylaanka
Iyo salowga beer-qaadka
Iyo sebiga yeedhiisa
Waxaad aragtay oo saasa
Waxaad maqashayoo saasa
Maxaad odhan lahayd Suudi?

IDHO BADAN

God abeeso ninkii
Illinkeeda degow
Taladaadu iyaa
Ma allow sahal baa?

Arraweelo markay
Laba eefka lahayd
Igadh geela haddii
Nin aroorsan lahaa
Amarkeedu hor yiil
Odhan mayno kolkey
Awooddii rag dhintay
Sii agaasimatoo
Aakhiruu ku maqnaa
Ugaaskay dhaxashoo
Arrimii dhacay qaar
Utintooda haddeer
Lama oogi karoo
Abba looma hayoo
Sheekadaaba iskeed
Ma amaahan karee
Halka aahdu ku taal
Waa la sii axadhaa
Godob oofa ruqdaa
Aabudhkeeda riddoo
Alolkay jaratoo
Ibahay furatoo
Aslimayno dhaliil
Odjamleedi durkee
Immankaynu hubnaa
Waxa eegga jirree
Awgayow taladii
Ifka maw rogannaa

HOOYO:

Hooyoy la'aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.

 
noloshaqoyska 35682 visitors (92328 hits) bogani
=> Do you also want a homepage for free? Then click here! <=
Garashiyo sugnaan yeelo, falka sami ha kuu raaco, mana jiro sed kaa baaqday.