Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - Maxay dadku rabaan?


6:-Maxay dadku rabaan?

Inkasta oo ay dadku madax adkaadaan, qalbi-dhadhaab ahaadaan, ama aaney hadlba, dabeecadooda aadminimo ayaaah ta ugu dambeynta madoobaysa, way tamar yar yihiin, inad u debecsanaato ayey kaa ttabaan, hadaad qof kuu sheekeynaya tidhaa” inan ku canaanto, waayo, aniguba waxaad samaysaan sameyn laha haddaan halkaaga joogo” taasi waxey dhalisa inaad ruuxa dhankaaga u soo jiiddo oo aad ka saarto cadhaduu kuu qabey, iyo muuqaalkiisii xumaa ee idinka dhexeeyey goor uu khilaaf idinka dhex yaallay.

 Xusuusnow falalkii ay Carilin iyo qayrkii ku kacayeen ee aynu hore uga soo hadalnay. Tusaalayso dabeecadii hadhaysay, mawqufkii ay soo mareen. Miyaanad ka filaynin inay u dhaqmaan habkay soo mareen? Naftaada dhig mid ka mid ah meeshiisa. Ma filaysaa inay noloshaadu ka duwanaato tii ay soo mareen? Waxaa dhab ah inaad tidhaa “Laakiin waan ka sharaf badanahay qayrkay” ma xaqijinaysaa in aanad sharafayn qofna, miyaanad ogeyn inad bini aadmi tahay oo aanad halaq madow ahayn. Maadaama oo ay aabbayaashaa bini aamdi ahaayeen? Maya weeye jawaabtu……… waxad qayrkaa kaga sharfan tahay ma mirto. Ninka

isagoo cadhoonaya cay kuula badheedhaa kaama mutaysto in aad canaanato inta aad u debcsanaanayso; maxaa yeelay, isagu dhiciisa ma sharfana marka uu xaaladaa  ku sugan yahay. Debecsanaan iyo naxariis ku asqee, wuxu u ooman yahay inad qadarisee ha kala bakhaylin, waa wuxuu kaa rabo ee aad adiguna qayrkaa ka naawisho e.

 Dadnimadaada, sumcadaada, wax tarkaaga, waxay ku xidhan tahay hadba sida aad aadamaha ula dhaqanto ee kuma xidhna aqoontaada, ka warran adigoo aanay jirin cid kaa aqoon badan dunidani, laakiin aanad lahayn qaabkii suubanaa ee dadka loola dhaqmayey. Intee in leeg ayaa dadku ku xiisaynayaan? Kolley waa muddo kooban dabadeedna cidlo ayaad ku dhici doontaa.

 Ku dabbaq qoraalkani xaaskaaga, iyo inta kula nool deedna natiijo wanaagsan ula soo bax banaanka.
noloshaqoyska 48436 visitors (113558 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free