Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - Sidey dadku kuu caawin karaan?


Sidey dadku kuu caawin karaan?

Dabeecadda aadamiga waxa ka mid ah inu isku sharfo ra’yigiisa, oo uu ku dhiirranaado fikraddiisa gaarka ah. Maadaama oo ay dabeecaddaasi ku

xidhiidhsan tahay dadka; maxaad isugu deyi weyday inad ra’yiga qayrkaa u deyso? Daa ha fikiro e, ilaa uu go’aan gaadhayo. Waxa keliya oo kugu waajib ah inad uga warranto kalsoonidiisa adigoo ugu caddaynaya aragtidaada guud.

Mulkiile lahaa wershad ay shaqaale badani ka hawl galaan ayaa maalintii Ilaahay soo saaroba lagu soo celin jiray alaabtuu sameeyo oo aan tayo fiican lahayn. Sideay wax u jiraan? Waxa dhab noqotay inay xamaasadi ka maqnayd shaqada, sidaasi ayuu mulkiiluhu u go’aansaday inu shaqaalihiisa la kulmo. Inta uu si saaxiibtinimo leh oo degan uga dalbay waxay ka rabaan inay sheegtaan, ayuu dabeeto ka cudurdaartay sidii aanu u dareensanayn waxani ay ka cabanayaan shaqaalihiisu. Markay u bandhigeen dalabkoogii ayuu ku yidhi “waxan anigu idiin ogolahay wax kasta oo aad iga dalabtaa, laakiin mudanayaal, miyaanay waajib idinku ahayn inad ballan qaadkaasi la kulantaan? Beddelkeega I siiya idinkuna oo ah in aad ballan qaadaan in aanu ruuxna naaqusin amma dhimin ballan qaadkiisa, waad ogtihiin, haddaba maxaad rabtaan inad iigu abaal guddaan?”.

Halkaasi ayey xamaasaddii shaqaaluhu heer sare u gaadhay. Way u jawaabeen, oo waxay u arkeen qof qiimo leh oo ay habboon tahay in isaga oo kale lala kulmo waxay goosteen daacadnimo ay ku dhaqmaan, is-dhex gal wanaagsan, is-gargaarsi midho dhal leh iyo siddeed saacadood oo ay sideeda u shaqeeyaan. Waxaanay gebogebadii noqotay in alaabtii la soo celin jiray dalab yeelato. Hantida shaqaalaha ku baxaysayna waxa saddex jeer ka badatay tani ay iyagu soo saarayaan.

Kaasi waa tusaale dhaqaale iyo ku xidhan caawimaad dano adduun ku xidhan e, bal eeg tusaalahani aanu ka soo qaadanayno ninkii dad ugu sharafta badnaa, ugu caddaallada badna, aqoonta badnaa, ee Ilaahay xikmadda ku mannaystay dunidanina u keenay oo keliya in uu Aadmahani ka badbaadiyo dab iyo naar kulul oo ciqaabteedu qiyaamaha taallo, kaaga darane qof kastaana dul marayo dhabarkeega. Waa Nebi Muxamed, Naxariis Iyo Nabad gelyo Korkiisa Ha ahaato e, markii Maka la furtay, ayaa haddana waxa duulimaad lagu qaaday meel u dhow, dagaalkii ayaa lagu jebiyey gaaladii gardarrada u diriraysay, waxana laga qabsaday xoolo faro badan, Nebigu (NNKHA) wuxu u qaybihii ugu badnaa siiyey raggii dhowaanta ku soo biiray diinta, qolooyinkii kale ee u gargaaray ee Ansaari way ka cadhoodeedn, sheekadii markii ay Nebiga gaadhay ayuu isugu yeedhay Ansaar sooc ah si uu u su’aalo, run ayey noqotay, wuxu ku yidhi ma ogtahay “….ka warrama haddii ay dadka oo dhami la tagaan xoolaha, oo aad idinkuna noqotaan isagoo uu Nebigii Idinla socdo?” Ilmo kulul ayaa indhohooga ka soo qubatay.  

Haddii aad doonto caawimada amma dad gargaarsiga, waxa qurux badan inad dareensiiso ruuxa kale inay fikraddu tiisa tahay. Ruuxa garaadka lihi markuu doono inu dadka laabta u dhigo wuxu noqdaa mid iyaga danaynaya.

Caawimada la bixiyaa waa saddex qaybood oo keliya, Fikrad, Xoog, iyo maal, talada ayaan ah midda ugu qiimo badan oo  shay kastana hoggaamisa. Tusaale ahaan waxad rabtaa inay dadku muruq iyo maalba kula garab joogsadaan. Ma qumana inad si qayaxan u su’aasho waxani aad rabto, marka hore isku day in aad ogaato fikradda ay qorshahaaga ka qabaan, oo u sheeg inad talo uun u socoto,

adiga oo ku ammaanaya caqli suubanaantooda, waayo aragnimadooda, iyo weliba aqoontooda sare. Adiga  oo taladaa wata ha muquunin e, u daa ilaa ay go’aanka gaadhayaan oo ka dhursug iyagaa talo iyo taageeroba bixinaya, markay kula fahmaane. Qaado qisani runta ah. Waxan ahaa arday wax ka barta Magaallada Djabouti, dhinaca kalena ka mid ahaa urur dhallinyaro, maalin ayaa la damcay in olole nadaafadeed la qaado. Ka hor intaan hawshii la gudo gelin ayaa lagu dhaqaaqay halkii taageero laga heli lahaa; waxa la noo diray Diktoor arrimaha nadaafadda qaabilsanaa. Wuxu hayey baabuur kaneecada buufiya iyo suntii kaneecada labadaba. Soo dhoweyn diirran ka dib, ayaanu ka codsanay in uu talo na siiyo intaanaan waydiisanin waxaanu rabnay. Wuu bilaabay, waxannu dhegta wadhnaba waraaqo ayaanu la soo baxnay si aanu ugu sadarno eryada dhaxal galka ah, waaba Dr kii oo bilaabay dardar cusub oo talo kasta oo ay maskaxdiisu maaxatoba soo saaraya. Markuu noo gebogabeeyey ayannu su’aalnay bal inu talo naga siiyo halkii aannu alaab ka heli lahayn. Maanu odhan adigu keen ee talo uun bay ahayd, ma ogtahay waxa dhacay, si degdeg ah ayey afkiisa uga soo baxday inu baabuur, rag, iyo laba kartoon oo suntii ah noogu deeqi doono. Miyaanu weydiisanay, keliya waxanu u muujinay sida aanu hawsha ugu han weynahay iyo sida aanu isaga waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa ugu baahan nahay. Sidaasi ayaanu ku helnay alaabtii aanu gocanaynay ee ay hawshu ku fulaysay.

 Qofka talo weydii oo ururso waayo aragnimada aadamuhu iska dhaxlayo, duniduna inta aad jirtay uun may jirin, maankaaguna ma koobi karo waxa dhacaya ee talo ku noolow.

5:- Fahan dareenka laguu qabo:-

noloshaqoyska 48472 visitors (113654 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free