Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
     Ardaynimo.
     ma ogtahay
     => Home
     dad la dhaqan
     Buugaag soomaali ah.
     Qoraal nolosha qoyska ah.
     Hablaha oo keliya
     duruufo kuu yaal
     dooro dookhaaga
     maxaa loo guursadaa?
     Haasaawaha
     Nala soo xidhiidh
     Farriimaha
     marti u noqo
     Counter



Nolosha qoyska - ma ogtahay


GUURKArose gif
 
animated rose gifMa og tahay in ay nolosha qoysku tahay ta ugu macaan dunidani, waxad mar kasta iyo meel kasta oo aad joogto ogaataa in ninka xaas lihi kaa degan yahay, kaa furfuran yahay, oo weliba uu dhammaystiray qayb idil oo iimaankiisa ah, inta kalena uu uga baqo uun Ilaahay. noloshani dhab ahaan uma fahmi karaan mana dhadhamin karaan macaankiisa iyo waxyaabaha faraha badan ee uu xijaabka kaaga yahay qofka aan weli guursanin, iyo qofka aan ku qanacsanayn xidhiidhka saygiisa iyo isaga ka dhexeeya......
 
(1)   WAA MAXAY GUURKU?
ü      Waa nolol ka duwan ta dhalinyaronimada
ü      Waa mid uu ilaahay aadamahiisa ugu talogalay inay ku degaan, nastaan, tarmaan kuna raaxeystaan.
ü      Waa mid masuuliyaadkeeda iyo waajibaadkeedaba looga gaardhigay
ü      Waa nolol wada tashi iyo wada shaqeyn
 
(2)   MAXAA GUURKA HIRGALIYA INTA BADAN?
ü      Ogolaanshiiyo - Labada dhinacba ah
                                          -Xaga labada dhinac ee waalidka
 
ü      Hantida
ü      Dabeecada iyo dad la dhaqanka qofka
ü      Diinta qofka
 
 
(3)   MAXAA DHIIRIGALIYA FURNIINKA?
ü      Guurka micnihiisa ama waajibaadkiisa oo aan la aqooninba
ü      Khilaaf - labada dhinacba
                    - hal dhinac
        - Mid dusha kaga yimaad (isku dir)
ü      Isfahan la’aan
ü      Kalsoonida oo lunta shakiga/kalsoonidarada oo la horumariyo
ü      Hanti la’aan
 
ü      Iyada oo labada lamaanaha uu mid waliba uu doono in isiga xaqiisii la siiyo
 
ü      Iyada oo aaney isku tanaasulaad sameynin.
 
ü      Wanaagii ama raali galintii wacnayd ee ahayd inay ka dhaxayso labada qof ee isqaba oo aan laysku quudhayn, mararka qaarna ay dhacdaba inay ka xishoodaan hadalka macaan ee igayaga dhexdoodana kalgacayl iyo naxariis ku beeraya, taas oo niyad jabka ama xumaanta labada qof horumarisa, dibad baxna ku keenta labadoodaba.                     
ü      Ismaqal la’aan iyo amar diido inta badan ka timaada dhinaca gabadha iyadoo u arkaysa in la xukumayo ama la amrayo.
ü      Iyada oo lamaanuhu ayna fahnsaneyn macnaha guurku lee yahay oo ay xiise isku guursadaan oo kaliya ah xiisahaasina dhamaado
ü      Iyada oo lamaanuhu uu mid waliba la soo baxo dabeecad qalfsan oo midba uu u qaadan waayo waxa ka kale ka soo burqanaya.
ü       
  
(4)   WAA MAXAY FAA IIDOOYINKA AMA KHASAARAHA UU GUURKU LEEYAHAY?
 
Faaiidooyinka:
  • Ubadka – ku waas oo ku anfici doona mustaqbalka dhaw
  • Dagitaan joogta ah o aad heshid
  • Waaya aragnimo
  • Mecnaha balaadhan ee waalidka oo aad ogaato
  • Naxariis badan oo timaad ubadka dabadiis
 
Khaasaaraha
      Ubadka oo aan lagu tarbiyadayn diinta iyo dhaqankeena suuban
      Ku waas oo waalidka ka dhiga marwalba kuwo buuqsan oo cadhaysan
      Iyagoo xitaa ku khasba waalidkii dhalay in qofba qofka kale uu karho.
 
(5)   FARQIGA U DHEXEEYA GUURKII HORE IYO KA MAANTA
 
Guurkii hore waxa uu ahaa mid inta badan u dhaca si quruxsan, fudud, oo aan marnaba ka fogayn diinteena islaamka.
Halka guurka manta uu yahay mid u dhaca hab aad uga duwan kii hore, diin ahaana wax yaabo badan ku khilaafa.
Guurkii hore waxa uu ahaa mid la xidhan jiray ama lagu soo bandhigi jiray wax yaabaha aynu hidaha iyo dhaqanka u leenahay, halka ka maanta aynu ku soo bandhigno ama aan xidhano wax yaabo badan oo reer galbeed ku dhaqan u leeyihiin oo dhaqan keenana aad uga fog .
 
(6)   HADABA MAADAAMA WAKHTIGAN AAN KU JIRNO DALKA DIBADIISA IYO GUDIHIISABA UU FURNIINKU SAAMEEYEY QOYSAS AAD U TIRO BADAN TAASOO TIRADA FUNRNIINKU AY SII KORDHAYSO MARWALBA
 
a)      Maxay tahay dhibaatada ka danbaysa furniinkan faraha badan
Diintii,Dhaqankii suubanaa oo aad looga fogaadey.
 
Noloshii guurka oo labadii qof ee is qabay ay si khaldan iskaga dhaadhiciyeen uguna dhaqmeen.
 
Marka uu khilaaf dhex yimaad labadii qof ee is qabay waxay ku dagdagaan in ay xal gaadhaan, waxay aaminsan yihiin in xalka kali ah ee ay dhibaatada dhexdooda ka taagan ku soo afjari karaana uu yahay ‘ iyaga oo is fura’
 
Dhibaato fudud oo iyagu ay dhexdooda ka xalin karaan oo ay u maleeyaan mid culus oo aanay labadooda oo kali ahi xalin Karin, fursadna ay siiyaan shaydaan ama dad kale oo soo dhexgala ku waas oo khilaafkooda sii siyaadsha, kala tagna u hogaamin kara.
         
b)      furniinka ma raga ayaa sabab u ah mise dumarka
Raga iyo dumarkuba sabab way u noqdaan arimaha furniinkooda :
 
Raga qaarkood waxa ay si ulakac ah ugu burburiyaan qoysaskooda wax yaalo dhawr ah sida:
balwada qaadka – waxay u huraan wakhti badan iyagoo dayaca dumarkooda waxay door bidaan oo muhiimada siiyaan balwadan maan dooriga ah, taas oo keenta in ay ka barabaxaan guryahooda oo aanay kaba warhaynin.
Taas oo lumisa kalgacaylkii u dhexeeyey iyaga iyo ubadkooda
Ixtiraamkii ka dhex ahaa iyaga iyo afooyinkooda, waxay dayacaan oo ilaawaan masuuliyadii ka saarnayd dumarkooda iyo ubadkooda.
 
Dumarkuna waxay inta badan ku burburiyaan guryahooda waxyaalo aad u yaryar oo aan macquulba ahayn sida:
- Iyadoo sid fudud u maqasha dad duminaya gurigeeda oo aan dan u hayn
- Iyada oo samaysa wax yaalo aan raali galinayn ninkeeda ama saygeeda.
 
 
7) TIRADA GUURKA MAANTA DALKEENA KA DHACAA AADBUU U YARYAHAY, MAXAY TAHAY SABABTU?
-Guurka maanta ee dalkeena ka dhacaa waa mid dhaqaale aad u badani uu ku baxo taasoo aan dhalinyarada u wada saamaxayn inay guur xalaal ah hiigsadaan, dhibaatadani waxay saamayn ku yeelataa dhalinyaro badan oo danaynaya inay guursadaan.
 
 
8) GUURKA MAANTA EE DALKEENA HOOYO KA DHACAA MA MID DHAQANBAA MISE WAA MID DIINEED?
 
 
9) HADABA DIINTA ISLAAMKU MAXAY KA ODHANAYSAA GUURKA AMASE FURNIINKA?
 A) MAXAY WAAJIB UGA DHIGAYSAA NINKA
                   B) MAXAY KU WAAJIBISAY GABADHA
Waxaa haweenayda waajib ku ah inay sawjkeeda daacad u ahaato maqasho oo ay adeecdo, una yeesho waxkasta oo uu ka dalbado, aan ka ahayn inay Eebbe ku caasido, hadaba xaqa uu ninku ku leeyahay afadiisa waa mid aad u wayn oo hadii aanay gudan gaarsiin kara naar, haday gudatana janno ku gelayso. Waxaa Rasuulka(sallallaahu calayhi wasallam) laga wariyay inuu yiri: (naag kastoo dhimata ninkeedoo raalli ka ah, janaday gashaa). Waxaa la sheegay in ayaamahii Rasuulka(sallallaahu calayhi wasallam), nin safrayey uu naagtiisa amarku siiyay inaanay dabaqa sare ka soo degin oo ay ku jirtay, iyadoo aabaheedna uu ku jiray dabaqa labaad. Dabadeeto aabahii baa bukooday markaasbay rasuulka(sallallaahu calayhi wasallam) u dirsatay dad si uu ugu ogolaado inay soo eegto aabaheed. Markaasuu rasuulku(sallallahu calayhi wasallam) ogaadey amarkii ninkeeda waxa uu ku yidhi: (ninkaaga hadalkiisa yeel). Aabahii baa xijaabtey, markaasay markale Rasuulka(sallallahu calayhi wasallam) amar waydiisatay markaasuu waxuu ku yidhi: (ninkaaga amarkiisa yeel). Markii aabahii gabadha la aasay buu Rasuulku(sallallaahu calayhi wasalam) ergo u soo diray ugu bushaaraysa in Eebbe ugu dembi dhaafay aabeheed amarkii ninkeeda oo ay yeeshay awgii.
Waxaa uu Rasuulku sallallahu calayhi wasallam yiri: (gabadhu haday shanta tukato, bisha soonto, ninkeedana amarkiisa fuliso, waxay gashaa jannada.
 
10) WAA MAXAY FARQIGA U DHAXEEYA GUURKA MUSLIMKA          IYO GUURKA GAALADA?
 
waxa qortay Rooda
 
 
fadalan haddii aad hayso talo iyo tusaale noogu soo dir

     

 

                                  
 
noloshaqoyska 48457 visitors (113628 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free