Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - Hablaha oo keliya


 

       

Aaminaadu waa shay qaali ah oo qofka aadamaha ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee hagaya. Noloshani aynu inta badan ku talax tagnay waxay u baahan tahay sixir. Waxay rabtaa in ay negaato oo degto dabeetana midho dhaliso.

Dumarro faro badan ayaa hodmay oo ku jira khayaali aad u daran oo aanay xataa garanaynin waxa ay samaynayaan in uu ku soo noqon doono iyo in kale. Marka jacaylku gabadha ka tan bato, Marka ay gabadhi nin raadinayso, amma marka ay ka shikisan tahay waxa abuurma hinaase iyo soo jiidasho, intuba waxay gabadha ku abuuraan fikir noocyo kala geddisan leh kaasi oo uu hagayo dareenkeega (lahashadeeda) ee aanu hagaynin caqligeedu. Ugu dambaynta ayey ku dhacaan hog aan abid laga soo noqonin oo mugdi dhab ah geliya farxadii ay iyada aawadeed waxani oo idil u samaynaysay. Waa dhib ay goor dambe ka calaacalaan, mana haystaan cid kala calaacalaysa, xataa kuwii lugooyada u horseeday ee haweenka ahaa.

Lahashada gabadha haleeshay waxay xilliyadani dambe abuurtay in ay adeegsato sixir aad u daran oo ku faafay bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Tusaale ahaan, magaalada Gebiley waxa degan sixirooleyaal cad cad oo aan gabasho lahayn, waxa la jooga dumar niqaaman iyo kuwo caadi u soo badheedhay oo raadinaya waxa ugu habboon ee ay ku soo jiidan karayaan wiilka ay caashaqday amma saygeeda. Hargeysa sidaa si leeg, Boorama, Burco, kama madhna meelna.

Sixirka kama sheekaynayo oo maba aqaano, laakiin su'aal ayaan idin weydiinayaa dumarow ah, maxaad ka faa'idaysaan haddaad ninkii ka dhigtaan ma shaqayste fadhiid ah, amma curyaan, amma dhaandhaan adiga uun ku daba meera oo xiniyo siiban, maxaad ka faa'idaysaan haddaad qaarkood waashaanba. Maxaad ugu dhiirran tihiin wax aydaan aqoon u lahayn oo sida la rabo la idinka yeeli doono. maxaad faa'ideen? Imisa gabdhood ayaa calaacal la jiifa kaddib markii ay dhagaroobeen ee cid dambiga ka maydhaana aanay jirin, Imisaa calaacal la jiifa oo reero colloobeen? Badan oo faro badan.

Garan maysaan faa'idada haddiiba aydin noocani u arkaysaan. Daawadu saamayn ayey leedahay mararka qaarkood qofka disha, sixirkuna saamayn ayuu leeyahay macaashkaagii khasaariya, Gaadhigu waa faa'ido hadana waa wed ku dilaya, adigoo taasi garanaya ayaad haddana ku socotaa sixir.

Haddii ay inani wiil caashaqdo, isguna diidan yahay, gabadhani qurux, qaab, dadnimo, magac intaba way u dhalatay, wiilkani se niyad uma hayo sabab kasta ha ahaato e, si ay u hesho ayey u tagtay sixiroole bal in uu iyada ku madiideeyo dabadeetana jacayl kii ay filaysay ka badan ku abuuro. Way yeeshay, wiilkiina iyada ayuu u boholyoobay, reerkoogii ayuu dhibay si uu guursado, gabadhi dabcan waa dhallinyar gashaanti ah oo aan carmal ahayn. Ninkii ayaa loo dhisay. Sow waxay rabtay may helin? Waxa laga shikiyey in uu ninkani sixran yahay, waa lala roorooray oo sheekh baa dabiibay iyadoo afar ciyaal ah u dhashay oo islaan noqotay. Ninkii caafimaaday wuxu garan waayey gabadhii, wuxu inkiray ciyaalkii uu dhalay, wuxu inkiray noloshani uu ku jiro, shaqada uu hayo, gacal iyo xididba. wuxu joogaa xilligii la sixray noloshii uu ku jiray oo afartani sano wuxu ku jiray muudh. Dib ayuu u noqday. Si kasta oo la sameeyey wuu diiday ubad iyo xaas labadaba. Dabcan waxa la ogyahay in ay iyadu sixirtay e, waa laga furay. Noloshee ayey gabadhaasi ku noolaanaysaa, farxad gaaban oo afar sanno ah ayey heshey.

Dhaqanka soomaalidu waa caynkee, Gabadhani waxa isugu biiraya saddex shay oo aan weligeed ka hadhaynin saamayna ku yeelata nolosheeda, in badana ka calaacasho.

waxay yihiin:

1: waa la furay: Dhallinyaradu ma xiiseeyaan gabadh la soo furay marka dhaqanka soomaalida dib loogu noqdo, oo wuxuna ka jawaabi karaynin su'aalo faro badan oo qoyskooga kaga imanaya. Gabadha la soo furayna waxay qarisaa in ay qooman tahay oo ay gashaanti baxday ubadna dhashay saamaynta dhaqanku keenay aawadeed. Waxay markaasi in badan ka werwertaa wiilka ay caashaq la bilowdaa waxa uu yeeli doono haddii uu ogaado. Waa wadne hoos u dhacaya.

2: Sidaasi ay tahay ayaa waxa u raacaya, sheeko ah wixii ay samaysay ee lagu soo furay. Ninkeegii ayey madiidaysatay. waa naxdin kale oo gabadha qalbigeega walaaqaya.

3: Arrintaasi waxay ka dhex saartaa bulshadii, ubadkii ay dhashay uma ab tirin karto iyadoo og in uu ninkani dhalay, iyagii waxa lagu akhriyayaa hooyadiin sixir bay idinku dhashay, ma arki karaan.

4: Waa in ay guur kaba xanaaqdo.

Bal eeg, bal eeg dhallinyarnimadii halka ay gaysay, bal eeg waxa ku dhacay, sow noloshii ay raadinaysay ma burburin. maxay faa'iday, waa la kexeeyey, sheeko ayey raacday khayaali ah, calaf ayey ka booday dookh ayey raacday, qalbigeega iyo gabdho ayaa u sheekeeyey, way garab socdeen, oo maalin kasta arrin ayey ka waraysanayeen dhiirri gelinaysa oo waxay ku yidhaahdaan "Guul ayaad gaadhay. Cidi ma oga ninkani...." way ku farxi jirtay oo ku raaxaysan jirtay marka sacabka loo tumayo. Maanta, Maanta maxaa dhacay, way ooyeysaa cid illinta ka tiraysaa ma jirto, way murugsan tahay cid u tacsiyadaynaysaa ma jirto, waxa ka cararaya dadkii, nin kastoo ay caashaqdo, ubadkeegii, cid talo siinaysaa ma jirto. waa keligeed, aaway garabkii iyo gaashaankii, aaway saaxiibadeheegii u botorin jiray, xasuustii wacnayd ee maalmo soo martay waa khasaare.

Gabadh kasta oo soomaaliyeed ha ka fikirto dhinacani, noloshu saamayn faro badan ayey leedahay, xumaana laguma degdego, ka fiirso intaanad falin, waxad tahay walaashay, amma inantaan dhalay, amma xaaskayga oo kale, waxaan uga digi lahaa ee ku dhici lahaa ayaan adigana kaaga digayaa, dab haddii aad ku dhacdo waxa dhaawac gaadhayaa qoyskii soomaaliyeed, waxa dhimanaya dhaqankii soomaalida, diintii iyo ubadkii oo ku noolaanaya murug iyo ciil aanay jirin cid ka badbaadisaa.

waan kuu digayaaye arrimo kale ayaa jira oo waxaad rabto lagu helo, ee raadi, iskana illow faaliyahani ku waalaya, maalintaasi waxba kuuma qaban karo awoodna ma laha e.

Qurux u muuji ninka ku qaba: riix halkani

Cumar cali ciidle:

wixii faahfaahin ah noo soo dir noloshaqoyska@yahoo.com

 

 

noloshaqoyska 48476 visitors (113661 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free