Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - Dooda dhaaf si aad uga fogaatid khilaafka.


Dooda dhaaf  si aad uga fogaatid khilaafka.

Jacaylka ismuujinta ah ayaa inta badan hormood ka ah doodaha. Adigu waxad jeclaataa in aad soo bandhigto daalacashadaada (dheegasho) ballaadhan iyo inad ku nuux-nuuxsato mawduuca dooda bedka la soo dhigay ah; sidaasi oo kale ayuu dareemayaa ruuxa aad la doodaysaa. Haddii aad carrabkaaga faseexa ah ku goyso oo aad ka guulaysato, uma qaadaanayo, waxaan meel ka dhac aad u geysatay ahayn iyo sharaftiisa oo aad  dhaawacday. Inta uu ku saamaxaa way yar tahay. Sidaa darted waxad gadatay muran aanu khasare mooyiye dhaqaale kaa soo geleyaa jirin. Franklin wuxu sheegay in haddaad dodo oo aad xad gudubto, amma waad guulaysani amma doodaa kaa guulaysanaysa. Hadday adiga libintu ku raacdo waxay noqonaysaa guul qallafsan, waxad ku khasaaraysaa xidhiidhka wanaagsan ee idinka dhexeeya ruuxaad la doodayso. Waxana yar in aad labadaba hantido (guul iyo xidhiidh wanaagsan). Haddiise uu kaa guulaysto ruuxaad liddi ku tahay waad qasaartay. Jaraa’id ka soo baxa dalka maraykanka ayaa xilli sawirtay nin dhintay kabihiisa oo calaamad uga dhigtay doodiisa gurracan. “wakaa hurda Jetman Wiliam dood buu ku noolaa; isaga oo doodayana wuu dhintay. Dhiniciisa wuu isla saxsanaa. Wuxuse dhintay sidii uu khalad uun ugu jiray”.

 Waxa dhab ah in aanu ninka dooda badan lihi xakamayn karin xubnihiisa iyo dareemadiisaba, marka uu ra’yi kiisa ku lid ah dhegeysanayo, amma aragti tiisa ka duwan. Dooda muranka lihi waa halaq goblin ah waxana habboon inad dariiqa u bannayso ka hor inta aanu miciyaha kula haleelin. Ogowna in dariiqa keliya ee muranka lagaga fogaanayaa yahay in aanad murmin oo waxaad sheegaysaa caqli iyo miisaan ku fadhiyo. Tusaalaha ugu dambeeya ee aan qodobkani ku soo gunaanadayno ayaa ah Quraanka Eebbe inagu farayo in aynu kula doodno dadka teena ugu wacan waxa suurowda in ay inaga iyo kii ay cadaawadi inaga dhaxaysay noqonno saaxiibbo aan la kala dhex marine.

Sidey dadku kuu caawin karaan?
noloshaqoyska 48502 visitors (113698 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free