Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
     Ardaynimo.
     ma ogtahay
     dad la dhaqan
     Buugaag soomaali ah.
     Qoraal nolosha qoyska ah.
     Hablaha oo keliya
     duruufo kuu yaal
     dooro dookhaaga
     maxaa loo guursadaa?
     Haasaawaha
     Nala soo xidhiidh
     Farriimaha
     marti u noqo
     Counter



Nolosha qoyska - Qoraal nolosha qoyska ah.


"Fadlan kani waa qoraan qabyo ah oo aan ugu talo galay in la akhristo ka hor inta aanan qodobadiisa oo dhan u dhamaystirin, sidaasi ayaan idiinka codsanayaa in aydaan ka dheegan qoraalkani amma coppy ka dhiganin, waxa kale oo aan idinka codsanayaa in aad igu caawisaan meelaha aan diiniyan khalday iyo meelaha aan habboonayn in laga hadlo."


Mahdsanidin.


Waa maxay guurku.

Sida muuqata amma aynu ka arkayno raadadka marag madoonta ah ee dunidani kor yaallaa waxay caddaynayaan in makhluuq kasta oo dhulka ku nooli ka yimiday meel uu Ilaahay keligii garanayo, waxase aynu aadame ahaan aan garan karnaa in uu shay waliba assal iyo farac leeyahay. Kaasi oo ka bilaabma asalka shay keli ah amma lammaane tafiirma si ay u sii jiri karto dunidani wakhtigeedu dhammaan doono.

Makhluuq kasta oo nooli wuxu ku yimiday tafiir taasi oo tilmaamaysa inu ka soo kala dheehmay lamaane kala jinsi ah oo isku tegey. Waa lab iyo dheddig isku tegey si ay u ilaaliyaan amma u sii jirsiiyaan noociyadooda. Aadamahu wuxu ka yimiday aadam iyo xaawa, jinkuna odaygii jaan ahaa xayawaankuna sidaasi oo kale ayey uga yimaadeen laba shay, (xaawa qudheedu waxay ka soo jeeddaa feedha nebi Aadam, taasina macnaheegu waxa weeyi in nafaha aadamaha ka soo jeedaan meel keliya kaasina waa Nebi Aadam.). Haddii wax kasta dib loo guro oo lagu celiyo halkii uu ka yimiday iyadoo weliba si tartiib tartiib ah loo fiirsanayo, waxa caddaanaysa in bini aadamku ku noqonayo aadam, jinkuna jaan, xayawaankuna sidaasi oo kale ay ku noqonayaan halkii ay asal ahaan ka yimaadeen. Xataa haddii dib loo guro intaasi oo dhanna waxaynu ogaanaynaa in ay ku noqonayaan meel uu Allaha abuurtay uuni ogyahay taasina waa awood ku tusinaysa in aanay jirin cid la barbar dhigo waana Allaha mulkiga iyo abuurkaba iska leh ee wax kasta awoda, haddii uu arrin doonana ahaw uun yidhaahda oo uu ku ahaado wax ka yar isha gibidheeda. Waxaynu ogsoonahay in quraanku caddeeyey Madam iyo cadowgeena jean ahi halka ay ka yimaadeen, intarsia wixii ka dambeeyana aanu caqligeenu sawiri Karin sida uu key ahaaday. Wuxu Ilaahay Aadam ka abuurtay dhoobo, jaana wuxu ka abuuray olol dab ah.

Allaha awoodasi leh ayaa makhluuqaadkiisa kala maareeyey oo mid walba u yeelay dariiq uu ku tafiirmo. Uma baahna xayawaanku inay isku abtirsadaan oo nolol qoys iyo guur ku noolaadaan. Laakiin waxay baahi u qabaan in ay noociyadooda ilaaliyaan oo keli ah, kumana waajib aha inay xaas, reer, iyo qoys xalaal ah unkaan.

Rabitaanka Allaah ma ay san noqonin in uu aadamaha ka yeelo sida xayawaanka, wuxu ka yeelay xidhiidhka rag iyo dumar dhex mara qaab sharafaysan oo ku cad raalli ahaanshohooga si ay u gutaan qariisadooda. Sidaasi ayaa u amaano badan gudashada xaajada, ilaalada dhabarka, iyo abnimada. Islaamkuna uguma talo gelin in ay gabadhu noqoto aallad ciddii soo gaadhaaba wax u dhiibato, iyo aallad lagu ciyaaro oo gumaysi gasha midna.

Nidaamkani ka duwan ka xayawaanku wuxu abuurayaa hooyo leh dareenka hooynimo, tarbiyad fiican ku soo korisa ubadka iyo aabbo leh lahasho aabbonimo oo buuxda. Sidaasi ayaa waxa ku imanaya unkan qoys oo ku dheehan naxariis, kala dambayn, ixtiraam, diin suubban, iyo isku duubni intaba.

Nidaamka guurku wuxu hadab soo marayey marxallado kala geddisan oo ka dhalata mar kasta too aadamuhu ka fogaado diimahooga samaawiga ah. Inxiraafka iyo dhalan gaddoonka ay keeni jireen culimadii diimahaasu hogaaminayey ayaa sababay in in badan oo shareecadii nebiyadu la yimaadeen la beddelo. Mar kasta oo ay dadku ka tagaan diintooda oo si khaldan loo tarjumo amma la dhalan geddiyo waxa imanaysay in xalaasha xaaraan laga dhigo xaaraantana xalaal. Taasi oo u saamaxaysa in uu qofku iskaga noolaado sida uu doono isaga oo aan u aabbo yeelaynin waxa uu samaynayo.

Waxa kale oo iyaguna jiray nidaam guur oo sharciga samaawiga ah ka baxsanaa oo ay farayeen asnaamta ay dadku caabbudi jireen iyo ilaahyadooduba. Xilligii nebi muxamed NNKHA loo dhhibay risaallada waxa jirayey dhowr nooc oo la isku guursado, kaasi oo ahaa sidani hoos ku qeexan.

1. In labadii isla dhuunta aan loo arki karin laba qof oo sinaystay, laakiin uu ahaa guur ubadka ku dhashaana xalaal yihiin, waxa keliya oo dembi la saarayey labada qof ee saaxiibtinamooda caddaysta ee bannaanka ula soo baxa. Waana tani hadda soomaalida ku aragno ee saaxiibtinimada ah ee haddii uu ilme yari ku dhasho qaabkaasi lagu qorayo aabbaha xaaraanta ku dhalay.
2. Guurka kala beddelashada:- In uu nin ku yidhaahdo nin kale iiga tanaasul gabadhaada anna aan xaaskayga kaaga tanaasulo e, taasi macneheegu wuxu yahay in la isku beddello dumarka iyada oo aanu furriin, ciddo iyo guurkii rabitaanka iyo shuruudaha ku dhisnaa jirin.
3. Guurka tijaabada:-Kanina wuxu tilmaamayaa in ninku amro xaaskiisa in marka ay daahir ka noqoto caadada ayay u diri jireen nin kale si ay ula seexato deedna marka halkaasi uur ka dhasho ayey haddii uu raalli ka noqodo oo ay cajabiso guursan jiray inantaasi haddii kalena uu cidlo kaga dhaqaaqi jiray.
4. Guurkani kalena wuxu tilmaamayaa in gabadha ay dhowr nin u galmoonayaan isla meel keli ah oo marka ay uur qaadoo waxay u yeedhaysaa nimankii u galmooday oo dhan, waxay u sheegaysaa in ay uur yeelatay oo ay rabto cid ay ilmaha ugu magic darto, macnaha ciddii u aabbo noqon lahayd. Tani waxay u dhigantaa arrinta soomaalidu sameeyaan ee ah in gabadha la kufsado amma uur qaadda la weydiiyo oo keli ah cidda uuraysay. In badan waxa dhacda arrimo qalad lagu geli karo oo gabadhu inta ay qariso cidda dhab ahaan uurkani iska leh si loogu ladho nin kale oo ay jeclayd amma lacag haysta.
5. Nooca guur ee jirayna waa kani ilaa iyo hadda taagan oo ah kani islaamku fasaxay.

Nidaamkaasi Islaamku jideeyey, kuma dhamaystirmo ilaa la helo tiirarkiisa, kuwaasi oo ah bandhigga, aqbalaadda, iyo markhaatiyada. Sidaasi ayuu ku dhammaystirmayaa meherka isku fasaxaya laba kala caaganaa oo isku oomanaa, si ay u harraad baxaan.

Xikmadda guurka.

Waxa hubaal ah in guurku yahay deganaanta nafta, niyadda, iyo jidhka intaba. Sidaasi ayay guurka suubban raaxo u hadhaysaa. Dareenka rabitaanka jinsi ee qofka ku duugan ayaa ah dareenka qofka ku duugan gudihiisa ka soo burqanaya ayaa ah dareenada aadamaha ku duugan ka ugu awoodda badan sidaasi ayuuna ugu hagayaa inu raadsado meel xalaal ah. Guurku waa dariiqa keli ah ee lagaga dhergi karo raaxadaasi aynu soo soo tilmaanay isagoo isla markaana ah habka keli ah ee ubad xalaal ah oo iftiima lagu dhali karo. Ogow in dreenka aabonimo iyo hooyonimo hoos ymaadaan dalladda ubadka. Taasi macneheegu waxa weeyi in aanad aabbo noqon Karin amma hooyo ilaa guur la helo.

Marka laga soo tago baahida aadamaha xigmadda guurku waxay ku salaysan tahay cibaado buuxda. Nebiga NNKHA ayaa laga weriyey in uu yidhi “Ninka guursadaa wuxu dhamaystiray qayb diintiisa ah inta kalena Allaah ha uga baqo oo keliya.” Waxa kale oo uu tilmaamay in mar kasta oo uu ninku xaaskiisa u galmoodo ajar looga qorayo labadoodaba, sababtuna waxa ay tahay maadaama dambi looga qorayo haddii uu qofku xaaraan ahaan ugu galmoodo. Arrimahani oo dhammi waxay tilmaamayaan in inta ay farxadda qoysnimo jirto ajarkuna soconayo. Taasina waxay ku xidhan tahay qaabka ay lamaanuhu yihiin.

Xikmadaha guurka waxa ka mid ah in Ilaahay ugu talo galay raalina kaga noqday aadamaha in ay nidaamkani Islaamka ku badiyaan ubadka ilaa laga gaadhayo qofka ugu dambeeya ee dunidani yimaadda si loo abaal mariyo. Aadamaha waxa lagu abuuray tabar darnaan oo marka uu gaboobo waxa laama maarmaan noqonaysa in uu helo xanaanayn buuxda, waaka Ilaahay quraanka ku tilmaamaya in uu aadamaha u clinayo daciifnimo iyo asaasaq si aanu aqoon dabadeed garasho u yeelanin. Marka xaalku heerkaasi gaadho wuxu qofku u baahanayaa cid daryeesha. Dawladaha isku dayey inay sameeyaan guryaha dadka waawayn lagu xanaaneeyaa ma siin karaan qofka naxariis u dhiganta tii uu ilmuhu waalidkiisa da’da ah siin lahaa. Arrintani dadka waawayn iyo dawladaha meel kale ayeynu kaga hadli doonaaye, isaga oo aan qofku gaadhin da’da quraanku sheegay, wuxu baahi wayn u qabaa ubad uu ku nasto oo ka furata hawlo badan marka uu da’da xooga ah woxoogaa dhaafo amma ay arrimuhu ku faro bataan. Waxa lama dhaafaan ah in la helo qoys xalaal ah, xaas xalaal ah, ubad xalaal ku dhasha, iyo guri tiirasha uu ku taagan yahay xalaal yahay. Waxa halkaasi ka baxaya reer kasta oo lagu dhisay nidaam aan ahayn ka islaamku jideeyey.


Doorashada qofka kugu habboon.

Shaki kuma jiro in qofku u baahan yahay lamaane la jaan qaadi kara geeddi socodka noloeed oo aanu hir gelin karaynin iyada la’aanteed. Marka uu ku talo galkaagu yahay inad yagleesho guri tiirashiisu adag yihiin, waxa lagama maar maan noqonaysa in aad fiiro dheer yeelato oo aad sahan daacad ah gasho. Sahamintaaduna kuma dhisna muuqaalka qofka lamaanaha kuu noqonaya oo keli ah iyo qaab dhismeedkiisa jidhkiisa. Ishu inay ku nasato ruuxa aad nolol la wadaagaysaa waa lagama maarmaan, waxase ka muiimsan in aad maanka ku hayso su’aasha ah in bilicdani ku qancisay ay la jaan qaadi karto geeddi socodka nololeed ee aad rabto in aanay dheeliyin.

An kuu fududeeyo su’aasha, wiil iyo gabadh midkaad doontoba ahaw e, waxad rabtaa nolol farxad leh oo qalaase kasta oo dumin kara ka fog. Qofka caynkaasi ah raadintiisa iyo doorashadiisu ma waxay ku idishahay oo keli ah hadba sida ay quruxdiisu tahay, heerka nololeed ee uu joogo iyo qoyska uu ka dhashay qofkaasi oo keli ah, mise waxad sahankaaga u eegi lahayd hadba sida uu ula jaan qadi karo nolosha farxadda leh ee dhibaato iyo murug ka fog?

Haddii qurux la is yidhaahdo sifeeya waxa hubaal ah in marba dhinac loo qaadi doono oo aanay lahayn qaaciido rasmi ah oo u degsan. Quruxda dumarka marka ay raggu tilmaamayaan qaar baa ku qiimeeya, wejiga, sanqaroorka, indhaha, suneyaasha, dhabannada iyo debnaha, iyaga oo weliba awoodda saaraya mid keli ah, raga qaar timaha iyo luqunta ayey sifeeyaan qaar dhererka, qaar buurnida, qaar dhuubnida, qaar gaabnida, qolona midabka. Dhinaca ay dumarku raga ka qiimeeyaan waxa ka mid ah in qaarkood eegaan wejiga iyo intii ku xeeran qololo shafka ayey eegaan, qolona haykalka iyo qaab dhismeedka qofka ayey awoodda saaraan, qolo dhererka amma gaabnida.

Uma baahnin in aynu sii kala qaadno oo ninba tuu calmadaa waa u cambaro luula, waxaynu baahi wayn u qabnaa in aynu ogaano sidii aynu u dooran lahayn qofka ku habboon nolosheena. Nebigeenii suubbanaa NNKHA ayaa qexay inta siyood ee dumarka loo guursado “waa maalkeega, waa quruxdeeda, waa reerka ay ka dhalatay, waa diinteeda” wuxu ku dardaarmay ta diinta leh, ragana afartaasi mid ahaan uunbay dumarku ku doortaan. Nin kasta oo dumar jecel amma nidaamyadani hadda jira ee saaxiibka ah ka shaqeeya ee weliba dumarka kala beddela haddii aad waydiiso su’aasha ah gabadh caynkee ah ayaad rabtaa in aad xaas ka dhigato? Wuxu kuugu jawaabayaa mid diin leh, oo reerkooga joogta. Taasi ma dhici karto oo shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa, taasi macneheegu waxa weeyi in uu qof kastaa guursan doono qofkii ku habboonaa. Wuxu Ilaahay quraankiisa ku sheegay in gabadha sinaysataa ay guursan doonto dhigeeda amma mid mushrik ah. Ninkana sidaasi oo kale u kale rog. Macneheegu wuu wad yahay, ninka raba inu guursado gabadh asturan isagoo xaalladaa xumaanta ah ku jiraa weligii heli mayo cidda uu ku hammiyayo ilaa uu toobad keeno oo arrimahaasi xun faraha kala baxo.


Doorashada dumarka.

Gabadha doorashadeeda laguma degdego, waxa isku xidhiidhsan silsilado dhaadheer. Marka aad dooranayso gabadha waxad dooranaysaa oo kale soddohdaa, iyo hablaha ay inantu la dhalatay, waxa kale oo aad isku miisaamaysaa sida ay u qaabili doonaan hablaha kula dhashay iyo hooyadaa oo iyada soddoh u noqon doonta. Dabeecadda gaarka ah e ay inanta aad dooranaysaa leedahay waxa ka muhiimsan jawiga ay ku soo kortay.

Inantani haddii ay ku nooshahay guri aan kala dambayntii qoys ahaaneed lahayn oo afada reerku talo kasta haysato oo aanay xataa siinaynin ninkeega xaqii uu ku lahaa ee Allaah u qoondeeyey; maalin kasta haddii dirir timaado, ubaka la kala gurto, furriin ay ku degdegto, xataa waxa dhici karta inay kuba faanto inay ninkeega ka adagtahay. Inanta deegaanka caynkaasi ah ku soo kortay waxay rumaysnaanaysaa waxa ay hooyadeed samaynayso haddii aanu Ilaahay u naxariisanin oo aanu ka dhigin mid ka murugoota waxa dhacaya. Inanta hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadiska ayey taqaanaa.

Waxa laga yaabaa inay soddohdaa maamulka gurigaaga fara geliso. Sida in badan oo soomaalida ah ka dhex dhacda. Inanta aad la xididaysid reerkogaa la eegaa.
Inkasta oo ay yartay oo ay weliba adagtahay oday wiilkiisa reerkiisa soo faro geliya haddana waxa doqonimo ah haddiiba aanu wax talo ah ku yeelanaynin arrimaha reerkiisa ka dhacaya. Yaad isku hallayni doontaa oo dumarkani kaga ashkadtoon doontaa. Ma jecli in aan in badan soo guuriyo qisooyinka soomaalida ka dhex dhaca, aan soo gudbiyo qisadii soo yuucan.

Gabadh ayaa si khaldan ula dhaqmi jirtay soddohdeed, waxay labada waalid ee hooyadeed iyo soddohdeedba deganaayeen meel ka durugsan guriga ay ku nool yihiin iyada iyo saygeegu gurigaasi oo ka durugsanaa, waxay u dhiibi jirtay ilme yar oo ay dhashay cuntada, waxay u sheegi jirtay in uu cuntada ta fiican oo ay iyadu u calaamadisay siiso hooyaddeed oo ay sida ay ugu dhigatay waa “ayeeyo” saygeega hooyadeedna waxay ugu sheegtay inay ‘soo yuucan’ loogu yeedho. Sidaasi ayuu ilmuhu u aaminay in ayeyda hooyo la yidhaahdo ayeyo ta aabbana la yidhaahdo soo yuucan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu odeygeegii arkay ilmihiisii oo qadadii sida, wuxu waydiiyey cidda uu u sido, wuxu ugu jawaabay “intani ayeeyo ayaan u sidaa intani kalena soo yuucan” “oo soo yuucan waa ayo” ayuu waydiiyay “adiga hooyadaa ayuu ugu jawaabay” wuxu eegay cuntadii mise way kala duwan tahay, wuu u kala beddelay oo tii wanaagsanayd wuxu siiyay soo yuucan, tii xumaydna ayeyo u gee ayuu ku yidhi. Ayeeyo way yaabtay, waxani ugamay baranin in ay inanteedu u keento cuntada noocani ah, halka tii kalena waxay la yaabtay cidda u ducaysay ee cuntada fiican ku tidhi dir. Way aamustay soo yuucan, ayeyo ayaa iyadoo ordaysa tagtay gurigii inanteeda waxay ka ashkatoonaysaa cuntada xun ee loo keenay, iyadoo qaylinaysa ayaa odaygeegii maqlay, deedna wuxu ku yidhi “adiga iyo hooyadaa is raaca, noloshani hooyaday ku noolaan mayso”.

Arrintani waxay dhabarjab wayn ku tahay gabadha, hooyadeed iyo ubadkeega, laakiinse waxa hubaal ah in fikirka khaldan ee ay labadooduba aaminsanaayeen u socon waayay.
Waxa laga yaabaa in ay inantani arki jirtay hooyadeed oo sidaasi soddohdeed ula dhaqmi jirtay, taasi macnaheegu waxa uu yahay in dhaqamada dumarku iska dhaxlaan.

Soddohaha sebenkani ma sahlana, waxa jira qaar ka shaqeeya guriga inanteeda lagu qabo, waxa ay dhigatay iyo waxa ay cunto, xataa mararka qaarkood waxaba laga yaabaa in inantii oo aan aqalka ka dudin iyadu ku dhaliso dudmada.

Waxa laga yaabaa in uu maankaaga ka guuxayo sidii aad u ogaan lahayd afada kugu habboon eek u dhex jirta qoys degan oo kala dambayn leh.

1. Dumarka ayaa kaaga xog ogaal badan ee iyaga u dir. Dumarkaasi ha ahaadaan kuwo aad ku kalsoon tahay oo aan sirtaada faafin Karin, xumaan iyo boholna kuu qodi karaynin, hooyadaa wanaag ayey kula jeceshahay, habar yartaa, eddedaa, walaashaa, intuba waxay kula raadinayaan waxa aad raadinayso. Marka iyaga u diro, marka aad sidani yeelaysana sahankaaga ha ku begin mid keli ahaata waxadse u dirtaa dhowr qof oo iyaga ka mid ah si aanay midi iskaga jeclaysanin arrin keli ah oo illawsiinaya baadhitaankii la samaynayay. Fara badintaasi faa’iidooyin ayay kuu leeyihiin ah in aad maankaaga si fiican u rogrogto marka aad xogo kala geddisan hesho.
2. Ka eeg dhinaca diinta iyo awoodda uu odaygu reerkiisa ku dhex leeyahay. Haddii uu islaanta daba boodo mar walba reerkaasi kuma gelaysid waayo waxaanad hadhow haddii mashaakil dhaco heleynin cid dumarkani kaa qabata.
3. haddii soddohda aad rabto in aad inanteeda guursataa tahay ta reerka isku keen keenta xataa haddii aanu soddogu fiicnayn mushkiladi kuma jirto in aad la xidido, inta aanu soddogu faasiq ahayn.
4. haddii aanay inantu la dhaqan iyo dabeecad ahayn hooyadeed iyo inta kale ee qoyskeega, oo ay mar walba ka murugoonayso dhibkani yaalla; waxad u baahan tahay in aad in badan hubiso inta uu qoto leegyahay fikirkegu. Waa dumar waxa ku badan waxa loo yaqaano ‘Emotion’ kaasi oo degdeg go’aanadeedu isku beddeli karaan, waxay ahaan kartaa mid dhibka ka calaacasha inta ay dhex joogto oo keli ah, laakiin marka ay iyadu gasho noloshani qoyska oo keligeed reer yeelato laga yaabo inay habdhaqankii hooyadeed la timaaddo.
5. haddii ay gabadha aad rabto in aad calmataa ku noolayd nolol ay labadeedii waalid kala tegeen, waxad hubisaa sababta kala tagooda, iyo hadda sida ay isku yihiin. Marlay nacayb ma maqnaado ee haddii ilmaha la isku qabqabsan jiray amma labada qoys is colaadinayaan, ka fogow inantaasi, haddiise ay jiraan waxyaabo kuu xoojinaya fakir saxsan waxa kugu habboon in aad baadho.



Dabeecadaha inanta.

Dhallinyaro waa dhimbiil dambas h


uwan. Weligaa ma aragtay dhimbiil dambas dusha ka fuulay oo aad is tidhi way qabowday amma bakhtiday oo markaad gacanta saartayba ku gubaysa. Sidaasi oo kale weeyaan dhallinyaradu qofna sida aad muuqaalka guud u malaynaysid dhab ahaan uma aha. Qof kastaa ma ahaanayo sida aad u arkaysid, oo waxyaabo badan ayaa ku duugan adiguna ma arkaysid. Kaba soo qaad in ay gabadhi aqalkiina hor marto galab kasta iyada oo labbisan halka aad adiguna ka fadhido catabadda gurigiina. Mar kasta oo ay ku sii dhaafayso amma ku soo dhaafayso waxay kaa eegtaa il qoodha iyada oo weliba xishood kuu muujinaysa, mar dhaqaaq joogsanaysa, marka ku soo eegaysa. Haddii aad la hadashona ereyga ugu horreeya eey leedahay yahay “nabad walaal” oo ka soo baxaya cod naxariisi ka muuqato. Gabadhaasi maxaad ku sifayn kartaa mid wanaagsan mise inan xun? Waxa hubaal ah in aad ku sifaynayso wanaagga. Isla gabadhaasi ayaad haddana meel kale ku aragtay iyada oo caytamaysa oo la kari laayahay, oo weliba dagaal gardarro ah ku jirta, waad u timiday si aad u joojiso adigaba cay iyo dirir ayey indhaha kaaga dhacday? Maxaad ku qiimayn lahayd inantaasi? Waxa hubaal ah in aad marka aad ugu yar tahay odhanayso “waa qalqaali”. Sidaasi ayaan loo saadaalin karaynin qof aadame ah ilaa aad dabeecaddiisa baratid oo gunta u dhaadhacdid.

Dhaqankii soomaalida ayaa sheegay in qofka lagu baran karo marka aad la gasho saddex arrimood, waa in aad safar la gashay, in aad cunto la cuntay, iyo in aad meel la degtay. Way adag tahay in aad saddexdaasi ka wada hesho gabadh muslimad ah, diinteena islaamku maba ogola waxa loo yaqaan khulwada (in nin iyo naagi isku keliyeystaan). Haddiiba aad la gasho saddexdaasi waxa hubaal ah in aanad ka wada bogan karaynin dabeecadda la tilmaamayo in aad raadiso, safarrada haddu ma aha kuwii hore ee saacadaha ahaa, waa baabuur, tareen iyo diyaarad mid uun, hoyga iyo adeeguna waa huteel aad degtaan oo cunto diyaar ku tahay, haddana waxa hubaal ah in ay gabadhu gabdhaha la joogayso wiilkuna wiilasha amma ragga.

Dabeecado badan oo qarsoonaa amma la qurxin jiray ayaa soo if baxa amma is beddela guurka dabadii oo ku xidhan hadba jacaylka aad isku qabtaan iyo kalgacaylku sida uu yahay, oo derejada ay kordhaanba waxay ixtiraamkeega ayay leedahay, derejada uu is dhimaana halisteeda ayey leedahay. Jacaylka dhabta ah ee labada qof dhex maraana wuxu yimaadaa guurka dabadii, oo dardartani hore ayaa sii korodha amma naaqusanta, waxadse u baahan tahay gabadha aad sahaminaysaa inay astaamahani yeelato.

1. In marka aad eegto ku farax geliso, dabcan ishu waxa ay arkayso ayaa ka farxiya qalbiga amma cidhiidhi geliya. Haddii gurigu is dhex yaallo oo aanay iyadu basar lahayn, quruxdii ubadku muuqan mayso, tii kugu hagaysay in aad hammootaana muuqan mayso. Nasashadii iyo deganaanshihii naftaaduna meesha ayay ka maqnaan doontaa markaasu qalbigaagu gaagixi doonaa, waxana yaraanaya jacaylka aad u qaadi doonto gabadha.
Qodobkani qaybaha kale ayaan ku qaadaa dhigi doonaaye, sida aad ku heleayso gabadh caynkaasi u ekaan doonta marka aad guursato dabadii dadkii hore ayaa tilmaamay. Oday ayaan waydiiyey su’aasha ah sidee ayaan ku ogaan karaa gabadha I anfaci doonta hadhow ee aan basari ahayn, dhaqaale iga burburin doonin, ammaanadana ii dhawraysa? Waxay ku jawaabeen “annagu markii aanu dhallinyarada ahayn waxanu u iman jirnay inanta aanu ilaaqanayno xilliga ay cuntada cunayso, isla marka ay afka cuntada geliso ayaanu u dhawaaqi jirnay, amma inanta sahanka nala wadda ayaanu u dhawaaq odhan jirnay. Haddii ay iyadoo cuntada afka ku haysa ‘hee’tidhaahdo, inantaasi waxanu ku tirin jirnay basari, haddiise inta ay cuntada liqdo amma dhinac iskaga ururiso noo jawaabto, inantaasi waxay ahayd hablaha aanu ku tirino gaarida. Dumar reer magaal waa wada gaari, sida loo cunteeyo waa la wada yaqaan iyo in lagu saxan karo cuntada haddii lagu hadlo adigoo afka ku haya, laakiinse wuxu ii sheegay oo kale in basarinimada inanta laga eego guriga ay degan tahay, miyaa loo shaqeeyaa oo xataa danaheega gaarka ah sida dharkeega rafacadda makhsinkeega ayaa loo qabtaa. Waxad ku ogaan kartaa su’aalahaasi adiga oo amma gabadh u dira reerkaasi soo basaasta amma adiga qudhaaduba la saaxiiba qof reerkooga ka tirsan sida walaalkeed oo kale, markaasi aad indhahaaga ku kala garato arrimo faro badan. Baadhitaankaagaasi yaanu noqonin mid bil uun ahaada, ee ka badi. Hana fashilin sirtaada.

2. In ay ku addeecdo. Waxa jira dhegeysi maqal uun ah oo aan weelayntii lahayn iyo dhegeaysi maqal ah oo fan iyo weelayn leh. Dumarku asal ahaan raga way dhagaystaan oo haddii aad fiiro gaar ah u yeelato inta ninku hadlayo ayaa ka badan inta ay gabadhu hadlayso, maqalkeegaasi ayaa kala qaybsama. Marka aad amar siiso dantiina ka talinaya waa in ay sidiisa uga soo baxdaa. Qiso yar ayaan ka sheekaynayaa “nin ayaa beri isku deyey in uu ogaado sida ay gabadhiisu sirta u qariso, suuliga ayuu galay, wuxu ka soo baxay isaga oo qaylinaya, markay su’aashay waxa dhacayna wuxu gacanta ku sitaa xabbad ukun ah, wuxu ku yidhi “keniifka ayaan galay oo waxaban dhalay xabbadani ukunta ah, waa sir ee Ilaahay ha ina asturee ha sheegin”. Muddo ayey aamusnayd, way is hayn kari weyday oo gabadh jaarkeega ah ayey uga warrantay sirtii ninkeega, iyana ninkeegii ayay uga warrantahay iyadoo aan caddaynaynin qofka uu yahay, waayo gabadhaasi kale waxay u sheegtay oo ay ku tidhi “waa sir ee yaanay labadeena dhaafin” ninkii wuxu fadhiistay maqaaxi isaga oo dhegodhegaynaya waxa dhacaya, sheeko ayuu maqlay la hadal hayo oo ka sheekaynaysa nin beed dhalay oo mucjiso ah. Xaaskiisii ayuu u yimiday oo waydiiyay waxa ku kallifay inay sirtiisii faafiso, waxay u sheegtay inay heblaayo iyadoo iska war la’ u sheegtay, laakiin ay hubto in aanay gabadhaasi sir faafin karaynin. Wuu u digay uun.
Odeyaashaasi aan waraystay waxay ii sheegeen in sida ay ku ogaan jireen gabadha ammaana xafidkeega ay ahayd, in ay subag soo qaadaan iyagoo meel fog ka yimiday, waxay ku soo leexdeen guriga ay u dan lahaayeen iyaga oo iska dhigaya in ay biyo ka rabaan, markii ay biyihii u keentay ee ay fadhiisisay ee ay nasteen ayey kaga tegeen dhiishii subaga ahayd, waxay u sheegeen inay soo noqodkooga soo mari doonaan. Mase ay soo marin, ee dhowr toddobaad markay ka maqnaayeen ayey soo mareen, waxay eegayaan sida ay gabadhaasi samayso, waxay yidhaahdeen, maalmaha ugu horraysa markay sheedda naga aragto amma aanu baxayno ayey dhiishii oo sideedii u xidhan noo soo dhiibi jirtay, muddo ka dib ayaa la kala ogaadaaye, haddii ay sidaasi ku waddo oo ay mar kasta oo aanu soo marnoba ammaanadiinii na xasuusiso iyadoo weliba sideedii ah gabadhaasi waanu iskugu dardaarmi jirnay guurkeega. Haddiise ay wuxuun ka cunto oo markay nagu daasho naba waydiin waydo ammaanada waxa aanu ka damacnay, waxa hubaal ah in aanay gabadhani wax ammaano ahba u xafidi Karin ninkeega. Ammaanadani waxa ku jira nafteeda, taasi waxay odhan jireen iskaga tag. Arrintani adiga oo dhallinyaro ah oo magaalo joogaba waad samayn kartaa, soo qaado wax aad u dhiibto inanta oo ku tijaabiso oo samee caynkaasi.

3. Inay lexejeclo lahaato, haddii aad gabadha aad guur ka damacsan tahay wax u iibiso maalinta ugu horraysa laba mid uun baad ka arkaysaa, inay xidhato iyo inay ku tidhaahdo “xoolaha inoo hay” gabadha gurta ee aanay ka muuqanin adigana kuu lexejecloonin iska ilaali, waayo hadaad guursato waxay noqonaysaa mid dhaqaale kasta gurta oo isku deyda inay ku mija xaabiso, xataa iyadoon dareensanayn inay saamaynayso dhaqaale yaridu nolosheed iyo ubadkeega intaba.
4. Inay ahaato gabadh kalgacayl iyo dhalmo badan. Kalgacaylku qalbiga ayuu ka dhashaa wuxuna rasmi u yimaadaa guurka dabadii, sidaasi ayey u adag tahay in aad ogaato, laakiin waxan qabaa in gabadhu hadba jacaylka ay waalidkeed iyo walaaleheed u qabto uun adigana kuu qaadi karto. Haddii ay ixtiraanto dadkaasi oo iyaga maqasho, waxa hubaal ah inay adigana sidaasi kuu ahaan doonto. Ma aha in ay ereyga uun afka ka tidhaahdo ah “aabbahay wan jecelahay” qofna ma necba waalidkiisa laakiin in ay ka muuqdaan dhamaan astaamihii addeecidda ayaa la rabaa.

Dhalmada badan waxad ka saadaalin kartaa inta ubad ah ee ay hooyadeed dhashay. Taasi ayaa ah saadaasha dhabta ah. Waa run, waxa jira hablo badan oo hooyooyinkood dhalmo badnaayeen oo iyagu dhalmo yar amma aan waxba ifka keenin. Taasi aragti kuma xidhna ee wxa loo noqonayaa saynis ahaan iyo weliba in cidda deeqdaasi bixisaa Allaah yahay. Ninku wuu gaabin karaa oo tuuryadiisa ayaan awoodin inay ugxanta qarxiso, amma manida ayaa bukta. Sidiisa ayuu ugxan siduhu shabag u noqon karaa, amma makaanku rogman karaa, wax kastaa way dhici karaan laakiin qaar la doweeyo ayaa jira iyo qaar aan la dawayn karaynin. Sababtu si kasta ha ahaatee, ma badna dumarka dhalmo yare e hooyooyinkood khilaafa.

5. In ay gabadhu diin leedahay. Diintu ma aha inay muslim tahay oo keli ah, inay tukato, iyo inay asturan tahay. Waa in ay leedahay aqoon diineed oo hagaysa, tusaale ahaan waa inay taqaano xuquuqda uu ninkeegu ku leeyahay, ka ubadku ku leeyihiin waa inay ogtahay oo rumaysan tahay in jannaduba u jirto inta diraceegu cagaheega u jiro, iyo in habeenka keli ah e ay sariirta u diido ee uu cadho la baryo ay malaa’igta oo dhami nacdalayso, aqoonta diineed waa taasi, waxay noqonaysaa gabadha caynkaasi ahi mid dabeecad kasta oo ay leedahay u liqaysa Ilaahay dartii, oo isaga ayay ka cabsanaysaa. Hadda ma lihi adiguna aqoon diineed ha yeealani, noloshu waxay ku qurux badan tahay isku dheelli tirnaanta, ma aha in inta aad gabadh caynkaasi ah guursato marba xujo aad soo maqashay ula timaaddo amma uba soo akhrido kutubta qaybaha qoyska ka shekaynaya, si aad iyada u xakamayso, halka aad adiguna faraha laga qaad u tahay.

Astaamahani oo keli ah gabadha laguma saxo dabeecadeeda e, waxa kow ka ah ta diinta leh, ogow akhristeyahaw suubani in cabsida Ilaahay xoogaysato marka qofku diin iyo iimaan buuxa helo. Haddii intani la helana dabeecad kasta oo xumi way baaba’daa. Imisa gacan fududaa ayaa markay dhadhamiyeen macaanka iimaanka degay oo dulqaad badan. Diintu waxay ku faraysaa in aad cadhad liqdo, in aad cafiso qofka kugu xad gudbaya, in aanad male xun qaadanin, ikk. Ahaw qof toosan ha laguu ahaado qof toosan e.


Doorashada ninka.

Dabeecadaha aadamaha ee key wajahan rabitaanka lammaanuhu way isku dhow yihiin. Tilmaamaha aynu soo sheegnay ee ninku gabadha key dooranayo ayey iyana key dooranaysaa.

Marka aad tahay gashaanti guurmeer ah, ninka kula wadaagaya nolosha waxa muhiim ah in aad key qiimayso dabeecad, diin, dhaqaale iyo balwad la’aan. Maxaa yeelay, wuxu noqonayaan masuulkaaga. Wuxu kaaga dhowaanayaa waalidkaa too wixii ka dambeeya saacadda meherku dhammaado wuxu ninkaagu ahaanayaa qofka aad addeecayso. Dacaddu waa xaqa ninku xaafkiisa key leeyahay too ay fuliso, oo ay yeesho waxa uu amro ee wanaag ah, ee aan ka soo hor jeedin xaqa uu Ilaahay aadamaha ku leeyahay. Waxad baahi weyn u qabtaa in qalbigaagu key xasilo nolosha farxadda leh ee qoyska. Nolosha Ilaahay ammaanay. Waxad u baahan tahay inad abuurto ubax key anfaca too markaad eegto key farax geliya, dunida wanaag ku soo kordhiya, too garta xaqa aad key leedahay. Waxad u baahan tahay nin kugu ammaana waxa qalbigaagu rabo, kuu buuxiya waxa naftaadu raadinayso, oo kaa dhawra mashaakil faro badan. Ninkaasi dabcan waa in uu noqdo nin naxaariis badan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘rag waxa ugu wanaagsan ninka reerkiisa u naag ah’, naagnimada laga sheekaynayaa ma aha tani maankaaga ku soo xaadiraysa, laakiin waa tani ay gabadhu ka dareemi karto ninkeega in uu la fulinayo dano faro badan oo iyaga ka dhexeeya. Tusaale ahaan waxay gabadhu ku faraxdaa marka ay aragto ninkeega oo marka uu guriga yimaaddo hawlaha aqalka inta kaga waajahan qabta, ubadka la ciyaara, oo wakhti dheer haasaawe iyo xodxodasho kula qaata saygiisa.

Uma baahnid in qabta saddexaad ee noloshaadu mugdi gasho, noloshaada waxa ka mamnuuc ah in ay key meerto wareegtada dilmada ee rag fara badan too soomaali ahi hiddaha u leeyihiin, hanjabaadda beerka qoysa dadka, (ninka soomaaliyeed waxad mooddaa in marka uu guriga joogo yahay libaax shaash leh, wuxu gabadha ugu yeedhayaa ‘nayaa’ too run ahaantii markii aanu adhiga jiraynay dacawada ugu dhawaaqi jirnay). Arrimahani marka ay is biirsadaana waxay abuuraan cabudhaad mar keli ah gabadhu qaraxdo, amma inta ay adkaysan waydo furriin dalabto, kaasina waa burbur ku dhacay noloshaada, waxana adag sida aad uga soo kabato. Imisa gabdhood ayaa jaarkaaga ah oo mashaakilkani ku abuurmay, kuwaasi oo meel ay u baxsadaan haysanin, imisa gabdhood ayaa maalin kasta ku seexda nabad geliyo oo waaguna ugu beryaa maxkamad ay ku kallahaan iyo furriin. Eeg hareerahaaga oo fiiri waxa dhacay, yaa sababay ma raga mise dumarka, dhabtu waxa ay tahay inay labaduba sababeen laakiin mashaakilka ugu wayni wuxu soo gaadhayaa haweenka oo keli ah, waayo, waxa weeyi hilib cid kastaa u haliisho oo huga reerka ku asturan.

Marka aanad hammoon noloshu waa mooyi dabadeede, ha u eegin doorashadaada hadba sida aad u fikirayso ee lahashadaadu ku siinayso. Doorashadu hadda ayay habboon tahay waana in aad in badan ka fakartaa ka hor inta aanad odhanin, ‘waalidkay daraadii ayaan u dhaba adaygayaa, amma aanad odhanin ubadka daraadii ayey dhibkani ii soo gaadhayaan. Marka ay xaalladu halkaasi gaadho waa dhaawac cidi aanay ogayn oo aanad adiguna dhayi karaynin. Inan yahay waxad tahay wershed soo saaraysa wixii dunida ugu qaalisanaa, waa ubad, wersheduna waa inay sifaysnaataa oo shay waliba sidiisa u shaqeeyaa, waxad tahay cawrad ku asturan ninkeega oo kolba yeelata sharafka uu huwiyo. Ku dooro saygaaga akhlaaqda si xishoodkaagii dheddignimo u jiri karo, ku dooro saygaaga diin si ay noloshu u macaanaato, oo aakhirona kuugu badbaado, (imisa gabdhood ayaad aragtay kuwaasi oo wanaagsanaa guurka hortii, markay nin xun la gam’eena soo toosay iyagoo diintoodiiba xuuray). U door ubadkaaga aabbo wanaagsan oo ku ilaalin kara fidrada ugu ilaaliyo, ogowna in qof kastaa diinta Islaamka ku soo dhasho laakiin ay waalidkii yuhuudi ka dhigaan amma majuusi amma ay ka dhigaan kiristan. Ku faro adayg diinta maxaa yeelay ninka aanay diintiisu sugnayn wuxu xadka ka saarayaa xidhiidhka adiga iyo Ilaaha ku addoonsaday idiin dhexeeya. Khayr inu ku faro daaye, xaataa kuula fikiri mayo habka iyo wanaaga aad ugu fikirayso ubadkaaga.

Ku dooro saygaaga lexeclada iyo maaraynta iyo kobcinta dhaqaalaha; ma lihi ha ahaado nin taajir ah, laakiin ha ahaado qof isku filan oo ka adag nolosha reerkiisa. Haddii uu ninkaasi yahay waxad ogaataa in Ilaahay idiin barakayn doono waxa aad haysataa, qanaacada ayaa ah shay qaali ah, waa inu qofku ku qanco waxa Ilaahay ku arsaaqay.

Lexejecladu waa laba qaybood; nin noloshiisa iyo dadkiisaba kala lexejecooda wa ay u bahan yihiin ee daruuriga ah, kaasi waa halaag oo wuxu halaagay dadkiisii, wuxu halaagay naftiisii, wuxuna halaagay aakhiradiisii, xoolahani xaq ayey ku leeyihiin ubadka, waalidka, qaraabada, xaska, masaakiinta iyo socotaduba. Hadday lexejecladu heerkaasi gaadho qurux ma leh gacan ku hayteedu; aakhirona su’aal baa taalla; ifkana waa u barako la’aan iyo kulayl aanu garanaynin xaga barakadu ka martay xoolihiisa. Inanyahay ka dheeraw ninka caynkaasi ah.

Lexejeclada runta ahi waa ta xisaabtanku abuuro, qofku wuxu eegayaa waxa u soo hadhaya reerkiisa, waxa mustaqbalka loo baahan karo, waxa xaaraan kaaga baxay, waxa xaaraan kugu soo geleya, waxa israaf kaaga baxaya, iyo weliba waxa uu dar Ilaahay iyo aakhiro ula baxayo. Lexeceladu waa taasi, laakiin qofka diiday inu qof kale jaad u qaado ayeynu gacantii go’day ku tilmaanaa. Bal sidan iyo sidan jeedaali hadba gadaal daymoo, dib u celi xasuustaada, ragga maanta ugu dhaqaalaha badan ee in ay shaqaystaan lagu tilmaamo dalkeena iyo soomaali oo dhan waa ayo, waa nimanka wadaada ah, waa nin Ilaahay ku xidhan oo jecel in ay khayr wax ku soo galaan waxna kaga baxaan, waa ninka aan balwadda lahay, xataa ku darsoo nin la koolkoolinayo marka laga reebo waxad ogaanaysaa in dadka ugu tacliinta badan soomaalidu ay yihiin dadka aan balwad wuxuun shaqo ku lahayn oo gebi ahaanteedba ka dheer. Ishaa macallin ah.


Balwadda:- Waa wax xun balwaddu oo qofkii caadaysta ee ka tegi waaya lagu tilmaamo hebey balwada ayuu leeyahay. Marka aynu tilmaamayno balwad aniga oo aan luuqadda soomaaliga khabiir ku ahayn waxan filayaa in ereyadedu laba qaybood yihiin waa BAL iyo WAD, ta hore waa googol tani labaadna waa geeri. Waa gogoshii mawdka. Balwaddu waxay qofkeega ka dishaa maskaxda, bulshada, dhaqaalaha, iimaanka, xaaska iyo raaxada, ubaka iyo dhalmada iyo wax kasta oo wanaag iyo habsami u socodka fiican ee nolosha ah. Wax kasta oo naftaada halligayaa waa xaaraan.balwadduna waa geeri waana xaaraan.

Inaga soomaalida ah balwadda ugu way nee lala soo ban baxay waa qaadka. Wuxu burbuiyaa dhaqaalaha qofka, wuxu qofka geliyaa caqli dhuuban oo meel gaaban ka fikiray, wuxu yareeyaa cibaadada, wuxuna dhaawacaa noloshani aynu ka hadlayno ee qoyska.

Waxad aragtaa nin qaad sita oo qado raadinaya, nin cadhoonaya oo hurda oo isla saacadda uu qaad helo amma saxansaxadiisu soo dhowaato faraxsan, waxad aragtaa nin qaad daraadii u baadhanaya dulaca habraha, u furanaya dahabka xaaskiisa, oo ku hammiyaya xataa haddii uu ubadka iibin karo in uu iibiyo, waa mashaakil wayn. Walaashayey, xusuustaada dib u baadh oo diiradda saar mujtamaca aynu ka soo jeedno oo soomaali ah, waaqaca eeg oo xaqiiqada is taabsii, imisa nin ayaa la sheegaa oo dumarkooga baadha, imisa nin ayaa la sheegaa oo dahabka xaasaskoogu iyaga iskugu qurxinayaa xaraasha, gaajo ma hayso ee xaraaro waalli qaad ah ayaa wadhfinaysa. Ha ka fikirin dhaqaale uu ninku leeyahay, ha lahaado lacag badan amma uga soo hadha qaadka, eeg noloshaada sida uu ugu filnaan karayo. Waxen naqaanaa in qaadku soo dhoweeyo manida ragga oo darenkooga diciifiyo. Xaallada caynaasi ahina waxay inanyahay kugu beeraysaa olol ay raaxadaadu kala dhinaato mar kasta, waayo wuxu kiciyey dareenkaagii oo muu qaboojin, tiirada halkii loogu talo galay muu gaadhsiinin.

Qisadani runta ah ee aan kuu soo guurinayo ayaa tusaale kuugu filan, gabadh xabashiyad ah ayaa guursatay nin balwad leh oo qayila. Habeen kasta marka uu u galmoodo ayaa isaga karkii shan daqiiqo ka bacdi ka dhacaa xataa mararka qaarkood marka uu sanka saaro farjigeega ayaaba biyihii ka yimaadaan, ‘eeg’ ayey tidhi ‘isagu wuu nafisay oo dhinac ayuu u dhacaa, hurdo dheer ayuu gala aniguna waan ololayaa. Hadba dhan ayaan isku rogaa, waan gaaxdaa. Noloshani in aanay dhib mooye faa’iido ii soo wadin ayaan ogaaday, waxan go;aansaday in aanan uurba u yeelanin, maxaa yeelay haddaan ubad u yeesho waxay naftu igu kellifaysaa in aan ubadka daraadii u samro.l ugu dambayntii waan iska furay oo waxan guursaday nin I dejiya , in kasta oo uu balwado iyo dhaqamo kale lahaa, akhlaaqdiisa ayaa liidatay, isagana sidaasi ayaan ku kala tagnay. Waxa dareemayay intii aanaan kala tegin ka hor wax aanan dareemin intii aan dunida xaaska ku noolaa’.

Qisadani laba arrimood ayay xambaarsan tahay, midi waa balwadda iyo dhibka ay raaxada qoyska ku hayso, ta kalena waa dhaqanka iyo diinta. Ninkani labaad ee ay guursatay wuu dejiyey laakiin akhlaaq xumno ayey u wada noolaan waayeen. Tani labaadi waxay toos u wiiqaysaa sharafta gabadha oo laga yaabo inay xishoodka ka tagto.

Walaashayda muslimada ahay, uma baahnid in ay noloshaadu dhinac kasta qalalaase kagaa jirto oo ay naftaadu gasho khafis cidhiidhi ah oo u eeg kani shimbiraha amma xayawaanka carbiska ah lagu hayo. Ha ku degdegin dhaawac culus waayo furriinku kuma fiicna haweenka, inta aad yartahay raadi arrimaha guurka, oo baro, jaarkaaga eeg hab dhaqankooga, fiiri dacwadaha maalin kasta maxkamadaha ceegaaga; la saaxiib haweenka wanaagsan oo la xidhiidh dumarka waawayn si aad khibrad uga hesho. Ka fogow filimada hindiga ah, heesaha dareenka kiciya, iyo filimada afka carabiga lagu turjumay ee talyaaniga ah. Waxaasi oo dhami way ku nuglaynayaan, oo boholo ayey kuu qodayaan.



Nooca haasaawaha.

Haasawaha sida tooska ah u dhex mara wiil iyo gabadhi ee ay isku kelliyeystaan waa xaaraan, ma san banana. Shaydaan ayaa sddexeeya. Ma jiro wiil iyo gabadh cidlo ku kulmay oo ka badbaaday dbinada shaydaanka. Dhexdooda aynu fadhiistaa. Laga yaabaa inu maankaaga ku soo dhaco nin akhlaaq leh ayaan ahay oo waxan xajin karaa irbadayda, laakiin inte ayaad xajin kartaa . nafta shawaadka ugu way nee ku duugani waa dareenka jinsiga ah. Haddii rabitaanka labada qof yahay ka isku soo jiida oo xubin kasta oo jidhka ka mid ahi ka qayb qaadanayso waxa hubaal ah in aanad ka badbaadi Karin. Nebigeenii suubanaa (SC) ayaa ka digay in ay laba qof oo kala jinsi ahi isku keliyeystaan. Tusaale ahaan haddii aad wiil tahay gabadh la keliyeystay adigoo haasaawe u socda oo cidina ku arkaynin ishaadu kama badbaadayso inad gabadha quruxdeeda eegto xataa haddii ay inta muuqataa wejiga yahay, qofka aad jeceshay qurux siyaado ah ayaa fuusha marka damac iyo hammi kaa gasho, inanta xishood ayaa ka muuqanaya kaasina ninka ayaabu soo jiidanayaa oo wuxu maankiisa ku soo ururinayaa in sababta ay u xishoonaysaa yahay rabitaan ay isaga rabto, waxa kale oo xishoodka gabadhu keenaa qaab eegmo oo gaar ah, laga yaabaa in ay foororsato iyada oo hoosta kaa soo eegaysa, laga yaabaa in ay jeedsato iyada oo taabashadaadana diyaar u ah, laga yaabaa in ay waxyaabo badan ficil ahaan kuu tusiso oo kugu hagaya in aad ku dhacdo. Dumarka shaydaanku wuxu ka fuulaa marka ay kugu soo socoto labada hore, marka ay sii jeedona labada qaar ee dambe ayuu lulaa, si kasta ha ahaato e wuxu shaydaan kuu dirayaa in aad isha la raadsato labada cambaruud. Marka qalbiga, isha, iyo hadalka soo jiidashada lihi is raacaan gacantu inay shaqayso ayaa hubaal ah. Nebi Muxamed (SC) ayaa sheegay inay ishu daymada ku sinaysato, luguhuna u guclaynta xumaanta ku sinaystaan, gacmuhuna taabashada ku sinaystaan, qalbiguna ka fikirka waxyaabaha xubnihiisu u soo gudbinayaan ku sinaysto, oo intaasi oo dhan ay ka run sheegaan amma beeniyaan xubnaha taranka.

Hadalka kiisa jilicda san waxa laga mamnuucay haweenka. Wuxu soo jiidanayaa oo damac gelinayaa raga kuwa qalbiga ka buka. Bukaankani ma aha mid jidh ahaaneed, laakiin waa bukaan nafsaani ah. Marka gabadhi ku hadasho ereyo jilicsan oo rag ku wajahan, kuwaasi oo ka baxsan macaamilaadka caadiga ah, waxa damac geleyaa qalbiga nin kasta oo niyadiisa in yar oo xumaan ahi ku jirto. Tusaale ahaan, haddii ay gabadhi adiga oo nin ah kula hadasho maalin kasta oo ku tidhaahdo “Walaal beryahani waa lagu waayey, xageed ka dhacday” iyada oo weliba dhoollo caddaynaysa, maxaad u malaynaysaa in ay kaaga jeeddo, waayitaankaaga waxba kagama xidhna iyada, laakiin waxa hubaal ah in aad is odhanaysaa “ tani adiga ayay gab kugu tahay” waa run in damacaasi ku geleyo, sidaasi ayaanay uba wanaagsanayn gabadhu inay hadal jilicsan kula hadasho cid aan saygeega ahay. Isagu wuu u baahan yahay hadalka debecsan oo naftiisa ayaa xageeda ugu hilloobaysa. Xadiiskani aan soo sheegnay ma kala saarin in aanay gabadhi la hadlin raga tilmaamahaasi leh iyo kuwa aan lahayn iyo in ay mid uun ku gooni tahay, waxan ka qaadanaynaa oo qudha in aanay la hadlin nin kasta oo aan saygeega ahayn.

Hadalku waa tilmaamaha aadamaha iyo jinku kaga soocan yahay xayawaanka. Waa afgarasho. Waxana lagu qiimeeyaa qaabka ay maskaxi u fikirayso. Tusaale ahaan nin ayaa yimiday meel aad fadhidaan, kaba soo qaad dugsi wax barasho. Ninkaasi wuxu gashan yahay suudh, muraayad, waxana daba socda rag dhowr ah, marka uu idin soo hor istaago maxaad ka fikiraysaa inu ku hadli doono, hadal wanaagsan oo soo jiidasho leh oo dadka anfaca, ka warran haddii uu idiinka sheekeeyo heesaaga dunida ugu caansan, sheekadii diin iyo dacawo, iyo kuwo kale, run ahaantii waxad ogaanaysaa in aanay isku qiimo ahayn sida uu u yaallo iyo ereyada ka soo fulaya, sidaasi ayaa waxay maskaxdaadu ku tusinaysaa in aanu caqligiisu ku filnayn. Ka hor inta aanad eegin qaabka uu u yaallo qofka aad la haasaawayso ee quruxda ah, labiska ah, iyo kabaha dhalaalaya amma cadarka ka soo kankamaya, waxad eegtaa hadallada uu ku hadlayo, kuwaasi ayaa adiga ku hagaya e.

Ma jiraan laba qof oo iyagoo kala aamusan doorta nolol inay wadaagaan. Waxa hubaal in ay rabaan inay is fahmaan; marka inani leedahay waxan rabaa inan ogaado dabeecadihiisa inta badan waxay dumarka soomaaliyeed ku qiimeeyaan hadba sida uu u ammaano, kaasi ayaa af tahan ah, hadal macaan leh, oo qalbigeega dejin kara, miyaanay baadhin in ammaantani afka baarkiisa tahay, miyaanay wax ka waydiinaynin hadba sida uu u arko nolosha guurka dabadii sida ay noqon doonto. Dariiqooyinka laba jinsi u haasaawaan ayaa ku yimaadda sidani soo socota ee dhowrka qodob aan u kala saaray.

1. Dariiqa telefoonka: wiilka iyo gabadha ku haasaawa telefan intooda badan hadalladoru waxay u dhaadhcaan meelo hoose oo xataa gasha lahashada iyo xidhiidhka dhex mara laba jinsi. Kani wuxu dhex maraa labada is raba ee la hubo guurkooga, labada is guursaday iyo laba cilaaq doon ah sheekadoodana hadafka ka dambeeyaa yahay karka iska rid oo keli ah. Haasaawaha noocaasi u dhacaana wuxu qofka xishood ku beeraa marka ay is hor yimaadaan. Haasaawahani waxa isna la mid ah amma kaba daran ka msn ka lagu wada hadlo.
2. Haasaawaha wada jooga: labada qof haasaawahoogu wuxu qurux badan yahay marka ay joogaan. Wuxu ku tusinayaa xaqiiqooyinka dhabta ah, wuxu kuu sheegayaa shucuurta iyo dareenka qofkani hadlaya ka soo fulaya; wuxu keenayaa in su’aalo la is waydaarsado jawaabteeduna kuu tilmaamayso ka run sheegida hadalka iyo dareenka.
Kani labaad ayeynu falanqaynaynaaye, labada qof ka hor inta aanay go’aansanin aqbalaada guurka waxa habboon inay qaabkani u haasaawaan. Waxad rabtaa qofka aad nolol la wadaagaysid waxa uu ka aaminsan yahay guurka marka haasawahani dhacayana waxa habboon in lagu haasaawo habka diintu bannaysay, waana in ay labada qof joogaan meel la arkayo sida daarada amma geedka guriga amma maqsin albaabadu furan yihiin oo aan codkooga la maqlaynin. Cidda loo haasaawe imanayaa waa gabadha, waxa wiilku ugu imanayaa gurigooga amma guri maxramkeega ah. Hawl fududayntaasi waxa guudka u ridanaya waalidka raba in aaanay inantiisu sino ku dhicin oo iyada oo dhawrsoon calafkeega ku doorato nidaamkani, hana siiyo xorriyadeeda doonis iyo diidmo labadaba oo yaanu ku canaanan, haddii ay is beddesho. Halka canaanta iyo qasbidda waxa ka habboon talo siinta iyo in inanta laga tusiyo dhinacyo faro badan oo aanay iyadu arki karaynin hadda oo wanaag iyo xumaanba iskugu jira, kuwaasi oo ka tarjumaya doorashadeeda. Waxa looga fadhiyaa inay inantu sababaha caddayso si ay talo uga hesho waalidkeed siiba hooyadeed.

Qofka aanad saacad ku baranin sannad kuma baratid; haasaawuhu haddii uu daba dheeraado waxa si tartiib tartiib ah u yaraanaya xiishii la isku qabay, iyo xiisihii dadka idin danaynayaa idiin qabeen ee ahaa inay mar uun arkaan idinka oo lammaane noqday, labada qof waxay rabaan haw lee hadal uma baahna. ‘halyeyow waxa jira, meel hawl u baahan, heedhe kuma bogsootee” ayey tidhi gabadhii heestay, waa runteed, haddii hadalo la qurxiyey la iskula soo kallaho, waxa hubaal ah in aanay bogsiinaynin meeshi la rabay in la abbaaro, hadallada macaanina waxay qofka ku beeraan walaf aad u daran.

In badan oo dhallinyaradeena ah waxa ka dhaadhacsan in shedaku muddo badan socon karto, sidaasi arrin wuu ka duwan yahay e, haddii cunto lagu soo hro dhigo oo muddo saacad ah lagu yidhaahdo daawo, oo uri udgoonkeega afkana ha saarin waxa hubaal ah in aad dhisanayso cunis la’aanteeda, waxa laga yaabaa inad woxoogaa is tidhaahdo dhadhami laguma arkayo e. haasaawaha dheeraada ayaa caynkaasi ah. Qolooyinka fikirka wada socodka aamminsan waxan waydiinayaa ‘ma la hayaa laba qof oo oo haasaawa oo aan waxba isku xadin, xataa dhunkashona ha ahaato e? xadida waxan uga jeedaa waxay xadayaan shay Ilaahay xaaraan yeelay ilaa dariiqiisa dhabta ah loo soo maro mooyiye.


Maxaa laga haasaawaa?

Waa su’aal jawaabteed leh. Dhallinyaro faro badan ayaan waydiiyey waxa laga haasaawo, maanaan helin qof sideeda

noloshaqoyska 48451 visitors (113614 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free