Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
     Ardaynimo.
     ma ogtahay
     dad la dhaqan
     Buugaag soomaali ah.
     Qoraal nolosha qoyska ah.
     Hablaha oo keliya
     duruufo kuu yaal
     dooro dookhaaga
     maxaa loo guursadaa?
     Haasaawaha
     Nala soo xidhiidh
     Farriimaha
     marti u noqo
     Counter



Nolosha qoyska - Haasaawaha


Image by FlamingText.com
Ereyga haasaawe marka aynu macnayno, wuxu noqonayaa hadal ujeedada uu doono ha lahaado e dhex mara laba qof cidda ay doonaan ha ahaadaan da’ ahaan, aqoon ahaan, iyo jinsi ahaanba. Wejiga labaadna marka aynu tilmaan ka bixinno, haasaawe waa hadal macno xambaarsan oo si gaar ahaaneed u dhex mara laba qof oo kala jinsi ah, waa wiil iyo gabadh e. haasaawuhu waa tallaabada kowaad ee ay doobka iyo gashaantida guur meerka ahi ugu xadhko xidhaan safarkooga ay ku yagleelayaan guri iyo reer lagu diirsado; haddii la isa siiyo iyo haddii ay iyaguba iskood isku ilaaqdeen, waxa hubaal ah in aanay marnaba furaha noocani ah waa haasaawaha e ka maarmi karaynin.
 
top_logo_type_24 Love Sunset Heart Water LiebeIs fahanka iyo xidhiidhka aadamuhu wuxu si weyn salka ugu hayaa hadalka amma odhaahda la is weydaarsanayo oo noqotay waxa kowaad ee ay isku af garan karaan, halka xayawaanku urta iskugu af garto; wuxu leeyahay muhiimadda kowaad amma qaabka looga qiyaas qaato sida uu qofka aadamaha ah caqligiisu u shaqaynayo, dabeecaddiisu sida ay tahay, iyo waxa uu aamin san yahay. Tusaale ahaan, kaba soo qaad inad gashaanti tahay guur meer ah oo hadda wiil la haasawda, haddii uu inankaasi aalaaba kaaga sheekeeyo waxa uu sameeyo marka uu gurigooga joogo oo ah in uu walaashii karbaasho, hooyadii ay is dagaalaan, oo uu reerka idil kala xarraaso haddiiba cuntadiisa xilliga uu yimaadoba arki waayo iyada oo diyaar ah, ammaba dharkiisa oo aan u kaawiyadysnayn; muxuu yahay sawirka aad ka qaadanayso, waxad maankaaga gelinaysaa in haddii aad xaaskiisa noqoto adigana sidaasi oo kale kuula dhaqmi doono oo uu noloshaada mustaqbalka burbur iyo kala tag rabshado xambaarsan u horseedi doono. Sidaasi oo kale haddii ay inani kaaga sheekayso hadba gabadha ay isa soo dagaaleen iyo cidda ay dab ka dhex ridday, waxa maankaagu sawirayaa in haddii ay afadaada noqoto ay waxa keliya ee ay kuu soo jidaa yahay rabshad iyo xasarad maalin kasta lagaaga soo ashkatoodo. Inkasta gabadhu ha qurux badnaato, amma bilic la tilmaamo oo kale ha yeelato, wiilkuna qurux iyo maalba ha haysto e, waxa hubaal ah in aanay qofka indhihiisu qabanaynin muuqaalkani guud iyo dhaqaalaha, haddiiba ay xaallada dhaqan iyo dabeecadeed caynkani u ekaan doonto. Sida keliya ee aad ku ogaanayso dabadeedna go’aank ku qaadanayso in aad qaabili karto qofkani iyo in kale ayaa waxa kugu hagaya hadba sida ay maskaxdaadu u dhuuxdo hadallada afkiisa ka soo yeedhaya oo run ahaantii aad ka qiyaas qaadanayso inta uu yahay miisaanka caqligiisu.
 
Arrimahani aynu soo sheegnay ee haasaawaha ahi ma aha kuwo yimaada madasha lagu haasaawayo, oo waxay labada qofba dabeecadohooga rasmiga ah kaga yimaadaan halkii ay ka soo labbisteen, ammaba gurigoodii iyagoo soo ergisanaya dabeecado kale oo ay sida siliska luqunta u sudhaan, dulqaad badanaa, fikir saxanaa, oo ereyo macaanaa xilliga uu qofku haasaawayo.
 
top_logo_type_24 Heart Pump Herz I Love You LiebeMaxaa laga haasaawaa?
 
Gabadhu waxay ku caan tahay oo Ilaahay ku abuuray xishood, cod gaabni, hadal yaraan, iyo weliba in ay in badan wax dhegeysato, waxna addeecdo. Ninkuna wuxu ku caan yahay isagoo aan xishoodkii ka tegeynin amar uu bixiyo, oo inta badan uu hadlo, isaguna yahay ka weerarka ugu hor bilaaba. Sifahani hore ee aynu gabadha ku tilmaanay, wuxu wiilka ku dhalinayaa kalsooni, iyo kalgacal inu u qaado inanta waayo waa raalliya. Dhinaca kalena sifahani wiilku muujinayaa wuxu u saamaxayaa in uu xodxodashada fara badiyo. Wuxu ku nuuxnuuxsanayaa in uu qaadaa dhigo ammaanta gabadha, quruxdeeda sifeeyo, dadnimadeeda taataabto, iyo dhaqankeega walow aanay saxba ahayn, wuxu xataa gaadhsiiyaa heerar aanay jirin gabadh iyada la mid ah oo dunidani ku uuman, wuxu ku tilmaamaa raalliya aan qaniinaynin haddiiba uu afka gacanta ka geliyo. Hadalladani iyo qaabkani uu wax u dhigayo wiilka ayaa ah kuwa keliya ee uu ku soo jiidan karo kalsoonideeda. Wuxu uga sheekeeyaa oo kale jacaylkiisa 180 ka garaacaya, oo aanu garanaynin sida uu u ekaan doono haddiiba uu iyada waayo, guursan waayo, nolol la wadaagi waayo. Dhinaceegana waxay ku tilmaantaa in uu yahay nin raganimo badan, karti leh, qaabili kara nolosheeda, oo aanu jirin mid kale oo ay isaga ku doorsataa.
 
180% haddalladani runta ayey ka dheer yihiin oo waxa la hilmaansan yahay in aanay sheekadoodu ammaan uun noqon doonin oo ay arrimo fara badan, maamul, ubad, gacal, xigaal, iyo tol iman doonaan sidaasina aanay dabeecadoodu caynkaasi u sii socon doonin haddiiba buste qoyan lagu dedayo. Xilligani ay haasaawayaan wuxu ugu yeedhayaa magaceeda, oo uu ku lifaaqayo ereyo qalbiga wax jecel u macaan, sida gacalo, macaan, xabiibi, ikk marka uu la aqal galana waxaba uu ugu yeedhayaa “Nayaa” sidii oo ay dacawo tahay. Marka uu jaadka ama turubkaba ku raago ee uu gurigiisa xilli dambe yimaado ayuu albaabka xoog u garaacaa, haddii ay afadiisu “waa ayo?” tidhaana jawaabtiisu waxa ay noqonaysaa “waa kii ku qabay” marka ay tooyato halka uu ku soo daahayna indhaha ayuu kaga dhacayaa. Waxa laga yaabaa in xilligii ay haasaawayeen uu ugu sheekayn jiray inu yahay nin neceb dadka ereyadani adeegsada ee aan weliba wakhtiga dhowrin.
 
Maxaa is beddeley? Sow kuwii shalay isku jam iyo macda ahaa, ma dadka ayaan dadkii ahayn, mise nolosha ayaa qaabkii ay filayeen noqon wayday oo ay saluugsan yihiin?
Aqalku seeska ayuu ka dhismaa, geedna haddii uu yaraan ku qalloocsamo lama toosin karo, geelna wada sibir godan, dhowrkani qodob ayaa saamaynta yeeshey
 
1: Sawirkii qof kastaa maskaxdiisu duubtay iyo waxa is noqon waayey dabeecadani hadda lagu dhaqmayo. Waxay runtii la daboolayey bannaanka u soo baxday markii makhsin keligood la iskugu xereeyey ee ay noloshooda maamulkeega iyo maaraynteeda iyagu u madax bannaanaadeen.
2: Deegaanka ayaa saameeyey: guri dhisidii iyo reer dhiqidiisuba waxay u baahan yihiin waayo aragnimo qoto dheer iyo haddii ay suurto gasho daraasado la sameeyo. Labadani qof ee is guursaday, may helin waayo aragnimo ay ka dhaxlaan bulshada ay ku dhex barbaareen. In yar aynu hoos u jalleecno nolosha qoyska soomaaliyeed sida uu yahay, waxa la gaadhay heer xilliyada qaarkood aan gabadha wu’aalba la weydiin jirin oo ay iyadu tahay tii fulinaysay wixii loo yeedhiyo oo qudha, heer inta la garaaco oo laf kasta la jebiyo, inta neefkii lagu buulayn lahaana halkani lagu soo xidho ninkii lafaha jabay kabayeyna la soo diyaariyo, waa hawl axmaqnimo ku dheehan tahay. Marka aynu taariikhahani ka nimaadno, waaaqica hadda jiraa wuxu yaay in ay reeruhu is dagaalaan oo maxkamadaha hortooda la is jiidjiito, maamul xumo doc kasta buuxda iyo weliba furriinkii oo noqday wax fudayd ku yimaada, waxad moodaa in sida aayad quraan ah loo aaminay maahmaahda soomaaliyeed ee in badan dadka hoddey ee ah “nin iyo naagtii colna maaha nabadna ma aha”. Dhinaca kalena markii mashaakilku faro batay ee dumarku furka tuureen ayaa waxay iyaguna isku qanciyeen “silic ku nool soddon guursataa dhaanta” “oo haddii la I furo ma feedh baa I jabi” Raxmadi furan ayey ku mashxaraddaa gabadhu marka uu qaadigu warqadii siiyo, ee la furo, xilliyadii horena waxa cad in si kasta mashaakilku ha u badnaado e, haddana ay ceeb ahayd gabadha la soo furaa, ninkuna marka uu dhowr dumar ah soo furo ee weliba wada hablo yaryar oo gashaantinimo ahaa ah, ayaa aakhirka waxa ku dhegta naanaysta la yidhaa “dhaylo laaye”.
Fikir oo dhacdooyinkani iyo kuwo ka daranba qofka ku soo dhex koray ee aan haysanin duruus iyo casharro kuwaasi ka badan, ma u malaynaysaa in uu mari doono dhabadii uu ka sii muuqdo raadkii kuwii hore? Jawaabtu waa maya, waxana cad in haddii wax laga qaban waayo oo qorsheyaal loo dejin waayo nolosha reeruhu noqon doonto heer ay baaba’do waalid iyo wiilkiisa oo isku xidhnaada ama iska naxaa.
 
Qodobadabi waxay soo geli doonaan marka aynu mashaakilaadka ka hadlayno e, aynu tilmaan kooban ka bixino sida ugu habboon ee loo haasaawo:
 
1: Garo adigu in waxa aad sheegaysaa amma ku hadlaysaa yahay kuwo run ah oo aad adiga qudhaaduna rumaysan tahay.
 
2. Soo bandhig waxa aad neceb tahay iyo waxa aad jeceshay marka loo eego nolosha qoyska. Naftaada adiga uun baa og oo qofkani kale warka uu kaa hayo ayaaba iska yar. Ceeb ma aha inad sidaasi yeesho oo sida ay xaafadiinuba kuu baratay ee ay kaaga ilaalinayaan waxayaabo badan oo dhac dhac xagaaga ka ah ayaa ruuxa aad nolol rabto in aad wadaagtaana kaaga ilaalinayaa wax yaabo faro badan.
 
3: Haasaawuhu kuma idla xilliga la isa soo jiidanayo oo ha u malaynin in aanu sii soconin, waa doqoniimo haddii aad tidhaa gabadhayda maxaan kala haasaawaa. Ma ogtahay in hadba sida uu wada hadalkiina iyo haasaawihiinu yahay uun ay niyadiinuna ku xidhnaanayso? Maalin ayaa nin iyo gabadhiisii is dagaaleen, waxay iskugu luuqaynayeen aflagaado aanay dhegahaagu u adkaysan karaynin, markii ay cadhadaa ku kala tegeen ayuu ninkii habeenimadii gabadhii inta uu dib ugu soo noqday sasabo iyo ereyo laabta soo jiidanaya oo cadhadii iyo caydii hore masaxaya gabadhii muddo dheer kula hadlayey, farxadii ay qaaday gabadhiisii ayaa toddobaad gurigu ku noolaa oo aanay wax rabshad ahi uga dhicin. Mar haddii ay ereyadani suubani farxadda intaasi leeg abuurayaan, maxaa kuu diiday in aad sidii aad awal ula haasaawi jirtay ula haasawdo adiga oo aydin is qabtaan. Bal eeg qisani runta ah ee la iiga sheekeeyey, waa odey iyo islaan iskula gaboobay noloshoodii saynimo, galabtii waxay laba gambadh soo dhigtaan aqalkooga hortiisa iyagoo mid waliba koob shaah ah uu wato, sheekada, qosolka, iyo farxadda ka dhacaysay waxad haddii aad aragto moodaysaa in ay cajuuskani iyo cajuusadani hadda 15 jirro yihiin oo ay shahrul casal ku jiraan, amma toddoba boxoogii. Sidaasi ayuu reerku ku dhisnaan karaa ee haasaawaha joogtee.
 
top_logo_type_24 CococinelleMa godlado jacaylku haddaan la xoodaamin, qofku uma baahna raaxada jidhka oo qudha ee waxa uu u ooman yahay raaxada qalbiga, waana hadalka kiisa wanaagsan ee qadarinta iyo tix gelinta wata, iyo ammaanta waxa la isku raacay. Labadani is furaya ee rabshaduhu ka dhex aloosmeen may waayin raaxadoodii jidh ahaaneed, waxa ay waayeen ayaa ah raaxadii uu qalbigu u baahnaa, qalbigii ayaa ka arradan amaantii, hadalkii suubanaa, iyo weliba qadarintii awal loo hayey, taasi ayaana ku kallifaysa inu qarxo. Waxad ogaataa akhriseyohow suubani, in aanad degeynin haddii aad haasaawaha joogtayntiisa iska mamnuucdo, oo aad aaminto in aanay jirin wax aydin ka haasawdaan. Miyaanad ogayn in aad hadda haysataan aqal idinku leedihiin, halkii awal aydin dhaxamaha u taagnaydeen. Miyaanad ogeyn in haddii aad hadda is raacdaan aanay cidina idin qabsanaynin, halkii aad awal ka dhuumaalaysan jirteen. Haasaawuhu waa rukunadii guriga xajin lahaa udub dhexaadkoogii markaasi ha illaawin dhaqaale iyo hanti waxba kama taraan haddii ay quluubtu arradaane, Imisa lacag haysta ayaad aragtaa oo amma nolol cidhiidhi ah kaga jira dhaqaalohoogii, amma arror kasta iska lusha, imisa nolol maalmoodkooga uun ka adag ayaa jira oo haddana farxadooda aadan malaynaynin. Markaasi waxa maamulayaa ee ugu wayni muxuu yahay.
 
Noloshaadu waxay fiicnaanaysaa hadba sida aad dhaqankaaga iyo hadalkaaga u wanaajiso, waxanay xumaanaysaa oo burbur raad kugu yeesha ugu dhacaysaana waa marka intaasi lagaa waayo.
 
top_logo_type_24 pandaWaxa qoray Cumar Cali Ciidletop_logo_type_24 I'Ve Fallen For You!
 
Haddii aad wax talo ah hayso fadlan noogu soo dir noloshaqoyska@yahoo.com  Image by FlamingText.com
noloshaqoyska 48438 visitors (113565 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free