Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
     Ardaynimo.
     => Hammiga
     => Naftu seeto yay waayin.
     => Ilaali wakhtiga
     ma ogtahay
     dad la dhaqan
     Buugaag soomaali ah.
     Qoraal nolosha qoyska ah.
     Hablaha oo keliya
     duruufo kuu yaal
     dooro dookhaaga
     maxaa loo guursadaa?
     Haasaawaha
     Nala soo xidhiidh
     Farriimaha
     marti u noqo
     Counter



Nolosha qoyska - Ardaynimo.


Tacliinta iyo qiimaheega.

Nin gaboobay, qof fursad waayay, iyo mid ku ciyaaray ayaa garan kara maanta wixii tacliin iyo wakhti uu halleeyey isaga oo awood u lahaa, fursado qaali ahna haystay isaga oo ka qoomamaynaya aqoon darrada iyo jahligu halka uu geeyey. Kaagama sheekaynayo akhristeyahaw suubani qiimaha wax barashadu leedahay oo taasi hareerahaaga ayay ka muuqdaan. Subaxdaad toosto iyo tallaabadaad qaadoba mutacalimiin ayaa dunidani ku soo kordhaya, waxbay soo kordhinayaan. Iyagaa dunida ugu degan, iyagaana u fikiraya  oo sheekhu wuu kaa cilmi badan yahay xilliga uu dadka wacdiyo ayuu ka sii cilmi badan yahay, proffesar ku sidoo kale weeyaan, dhakhtarkuna markasta oo uu shaqada faraha kula jiro ayuu sii faa’idaystaa. Wax baro oo xafid, hana samaynin waxaad baratay, taasi ayaa dunida ugu nasiib xun. Waad dedaalaysaa xilliga aad dugsiga tegeysid, xilliga aad masaajidka diinta ka soo baranaysid, xilliga aad buugaag akhriyaysid laakiin dedaalkaasi halkee ayuu ku dambaynayaa haddiiba marka aad ka soo baxdo qolkii aad wax ku dhiganaysay ee gurigiina timaaddo halka aad ku tuurto buugaagta subaxa dambena ka soo qaado, maalinta imtixaankana maanka ku daaliso inaad xafiddo. Tacliintu gebi ahaanba haddii aad isku hesho fahan iyo ficil ayay kuu macaanaanaysaa oo jeclaysanaysaa inu qalinka iyo buugu saaxiibkaaga kowaad ahaadaan, maalaayacniga iyo wakhti lumiskuna cadawgaaga kowaad ahaadaan.

Marka loo eego soomaali gebi ahaanba meel kasta oo ay joogaan fursado badan ayay ka faa’idaysan waayeen; dhalliishana iyaga ayaa iska leh. Xilligii dawladdii Siyaad barre, goortii Ololaha wax barashadu socday ee dadka guryahooga loogu tegi jiray, reer guuraaga lala guuri jiray, faa’ido badan kamay soo hoynin dadkii xilligaasi joogay inay xattaa luuqada afka ay ku hadlayaan qori karaan oo akhriyi karaan. Xilliyadii ka horreeyey ee xataa quraanka loogu keenay ardaayadooda iyaga iska dhaafe ubadkooga inay xoolo u diraan ayay ka door bidayeen barashada quraanka. Way jireen duruufo ku xeeran xilligaasi oo wacyi gelin la’aani ka mid tahay, waanay jireen dad fursado u waayay inay faa’idaystaan, laakiin uma malaynayo in cudur daarkaasi manta jiro.

Tacliintu aaladda kumbuyuterka ee aad hadda isticmaalayso ee anigu waxaan qoray ka akhriyayso ayay ku jirtaa, oo internet meel kasta yaallaa maxaase inaga hor jooga isticmaalkiisa habboon. Waa su’aal jawaabteed leh. Meel dheer uma doonayo jawaabtani ee aan kaaga soo qabto halka ugu fudud. Hubaal ma tahay in haddii aanu internet jirin, oo kombuyuuterka oo qaawani ku horyaallo caajis inta aad ka qaadid iskaga kacaysid, oo dhinaca TV ga u leexanaysid, amma makhaayada u sheeko doonanaysid, amma ugu yaraan hurdoba la kala baxdo. Haddii aad intaasi mid uun igu diido waxan hubaa in aad xaqiiqada is diidsiinayso, waa marka aan la hadlayo dadka intooda badan, ee laga reebo inta si hagaagsan u isticmaalaysa. Yara diga rogo, internetkii wuu ku hor yaallaa, aaladiina waa tani oo gacmahaaga ayay ku jirtaa, maxaa kuugu horreeya ee aad furaysaa? Warka ayaad yara eegtaa oo woxoogaa ayaad ku nasataa waxa dunida iyo deegaankaagaba ka dhacaya. Wax baad ka dhagaysataa amma daawataa kuwaasi oo aan inta badan faa’ido lahayn. Ciyaarihii ayaa ku xiga, emailkaagana ma hilmaamaysid ee waraaqihii kuu soo dhacay ayaad inta akhrido u jawaabtaa. Maxaa ku xiga? Chatting, haasaawe, facebook, palltalk, skype, soo tiri inta social network ah ee aad gashid maalintii……………….. waad ka heshaa inaad xattaa u jawaabto oo u qorto sida ay adiga xaajo kula tahay, ee weli buug ma ka baadhay, cashar kugu adkaa ma ka baadhay Google ka, adigu wax ma ku qortay amma casharroba ma ka daawatay faa’ido kuu ah?

Waynu hadalnaa, wax baynu daawanaa, waynu dhagaysanaa, oo intaasi waxbaynu ku mashquulsan nahay ee weli wax ma akhrinay? Iska dhaaf qoraal e, xilliga aad buuga kala furto ayay xadhko badan oo maanka ahi cidhiidhi dareemaan, indhuhu isku rooraan, maskaxdu xisaabaad kale ku soo hor dhigtaa, buugga waynidiisa ka naxdaa, indhuhuna ku daalaan,oo  marka saaxiibkaa kuu yimaaddo amma chatting aad heshana dhammaan waxaasi oo dhami firfircooni halkii ugu sarraysay gaadhayaan.

Tacliintu ma aha inta macallinku ku hor joogo, miyaanad ogayn in 50% in ka badan adiga kugu xidhan yihiin, oo hadba sida aad u dedaasho aad u caano maalasho. Dunidani soomaalidu markhaati ayay ka yihiin wax aka dhacaya, oo haddii la waydiiyo waxay su’aalo badan jawaab uga dhigayaan, “Haa way jireen oo aniga ayaaba isticmaalayay”. Paltalk?, “aniga ayaa habeen oo dhan ka duryamayay”. Telephan iyo mobile?  “dhegaha ayaa igu casaaday sidaan ugu hadlayay”. Internet?, “kaasi haba sheegin, mid aan saacad laguu xisaabinaynin ayaa soo baxay oo habeen iyo maalin aad ku jiraysid” Baabuurta ka warran? “Kuwaasi dhul dhoweeye inta ay dhaafeen ayaa xarrago la iskugu faanaa, oo hooyo lacagtay hayso lagu soo iibsadaa”. Hubka ka warran? “Waad war laada’ay, kuwaasi anaga ayaaba isku dhamaynay”.

Waxaasi oo dhan xataa bariiska aad caloosha gelisid adigu ma lihid; bado iyo masaafo dheer ayaa lagaaga keenaa, rag baa inta ay ka ganacsadaan ka taajiray. Beeraan lahayn iyo xoolo oo labadaba abaaro iyo xaaluf baa daashaday. Nolosha oo dhan hurdo miyaynu kaga jirnaa, tacliinta lagu sameeyey baabuurta, amma heerkani lagu gaadhay ma iga xaaraan baa inaan helo.

Fursadaha tacliintu mar ayay ku soo maraan, in laga faa’idaystaana xilliga ay ugu macaan tahay weeyaan, dhallinyarnimada, meeshii aad wax ka heli kartoba tag oo faa’ido ka soo qaado. Haddii aad youtube ka raadisid sida birta loo dhalaaliyo miyaanad arkaynin. Culimadii quraanka guryaha inoogu keentay safar dheer inta ay u baxeen ayay inagu soo noqon jireen iyaga oo caalim ah oo dadku ka dambeeyaan. Quudkoogu xilligii ay halganka tacliinta ku jireen dawaro (tuugmo) ayuu ku xidhnaa, oo inta la siiyo loxoox (Cambuulo) amma canjeero ayaa eyda lagu diri jiray.

Dib u raac taariikhda oo imisaa inta ciidan (shaqaale) laga dhigay adhiga iyo xoolaha raaci jiray, imisaa waraabe dhanka ka cunay, imisaa naftoodiiba ku waayay sidii ay wax u baranayeen. Umad waliba waxa ay tabcato ayay dunidani kula tartantaa adiguna kaasi ka qayb qaado ardayahow suubani, hana ka qayb qaadanin tartanada fasahaadka, wakhti lumiska iyo aayo la’aantu ka dhex muuqdaan, dayaxa waad gaadhi kartaa, daawooyin waad samayn kartaa, gantaal iyo diyaarado, intuba gacmahaaga ayay ku jiraan haddii aad tacliinteeda soo qaadato.

 

Sii akhri Hammiga:


 

noloshaqoyska 48475 visitors (113658 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free