Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - Fahan dareenka laguu qabo:-



5:- Fahan dareenka laguu qabo:-


Sida aad dareen u leedahay marar badan kugu dhaqaajiya (Hagaya) inad go’aan cayiman qaadato amma aad ra’yi gaar ah dejiso, ayey qayrkaana ugu sugan tahay lahashadaasi oo klae, oo sidaad ugu hanweyn tahay inay dareenka kugu duugan u dhowraan ayey iyaguna u jecel yihiin inad lahashadooda ayey iyaguna u jecel yihiin inad lahashadooda ilaaliso. Waxa laga yaabaa inu ruuxu qaldamo, ha canaananin, maskax degan iyo samir u yeelo, ku dheh:- fiiri maxaan samayn lahaa haddaan halkaaga jog? Haddaad dariiqaa u su’aasho qayb ayaad hanatay, qayb baana kuu hadhsan, si aad u ballaadhisana waa inad hab la yaab leh u hansiisaa.

 Marka aad qof canaanato waxa aad jabisay qaybo idil oo hawlo ah oo uu kalsooni kuugu qaban lahaa. Waxad ku dhalisaa inu naftiisa go’aan u gaadhi waayo oo uu canaan darted uga noqnoqdo. Waxaasi oo dhami waxay burburiyaan awooddii iyo kalsoonidii agtaada ka heley. Marka ay niyadaada ka soo baxdo inad qof wax u sheegto hoga-tusaalee, isaga oo cadhoonayana waxba ha ku odhan; waxad markaa demisay qalbigiisii karayey. Tusaale ahaan Islaan xanaaqsan oo kooxo badan wadata kugula soo dul dhacday oo ummadda dhamaantood kugu kicisay. Gar bay u yeelaty oo xoolo ayey kugu leedahay. Laakiin in kastoo aad arkayso inaanay dhabbo sax ah ku socon; waxa habboon in aanad la qaylin oo aad dejiso, dhegeyso intay hadlayso oo idil, marna hadalka ha ka dhex gelin, fadhiisi oo markay wax kasta dhammayso u shub sharaab kana cudur daaro lugooyada aad u geysatay, oo waxay rabtayna sii, amma hadal macaan oo qanciya ku sagooti. Markaad dariiqaa marto waxad ilaalisay dareenkeega iyo lahashadeeda.

Adiga oon awood u adeegsanin dad burbur wada difaacooga, ayaad ka badbaadin kartaa inay falkaasi ku kacaan. Ku cibaaro qaado tusaalahani uu bixinayo qoraaga buugga aan nuqullo badan ka soo qaadanayo. Isagoo tamashlaynaya kayn dhexdeed ayuu arkay qaybo keynta ah oo gubanaysa. Ma awoodayn inu bakhtiiyo geedaha ku macaan daawashada. May ahayn qaar uu sigaar nin caajis ahi ku tuuray u gubanaya. Laakiin carruur ayaa dabka shidday iyagoo rabay inay cunto ku karsadaan waxanay illaaween inay bakhtiiyaan…. Maalin kale ayuu arkay uabadkii oo dab shidaya. Markaasuu dareemay khasaraha ka iman kara. Wuxu u rooray xaggii askarigii kaynta ilaalinayey. Wuxu qoraagu u hadlayey sidii nin uga dedaal badan ilaalad kaynta. Intuu si la yaable indhaha uga tafiyey ayuu ku yidhi askarigii “Maxaa kugu kellifay inad ka mid noqoto kooxda ilaalada danta guud” kaddib wuxu u dhaqaaqay dhankii carruurta, intuu u muusooday (dhoolla caddeeyey) ayuu ku yidhi “aah…… eega carruureey maxaad cunto karsateen………… dabkiinaa wanaagsan…….sidaasi oo kale ayey u karsan jireen aabbayaasheenii hore. Waxaanan filayaa inad ku faraxsan tihiin, laakiin nasiib xumo badhkood ayaan ilaalin jirin maslaxadda guud. Bal eega, iyagu kuma dhiirradaan inay dabka demiyaan markay ku adeegtaan. Olol ayaa kordha, markaasay geeduhu sidani oo kale u gbtaan. Miyeydaan arkayn inay geedo qurux badan yihiin, oo ilaalo u baahan. Farxad baa ka iftay wejiyadii carruurta oo waxay uga mahadiyeen naxariistiisa iyagoo mahadiyey naxariistiisa cuntadiina badh ayaabay siiyeen. Taasi waxa ka muhiimsan inay ballan qaadeen inay bakhtiiyaan dabka markay xaajadooda ku dhammaystaan.

 Sidaasi ayuu askarigu ugu gaadhay u jeedadiisii hab ka fiican kii hore ee qoraaga. Taasi kumay imanin waxaan ahayn inu fahmay lahashada carruurta, markaasuu uga sheekeey wuxuu rabay. Haddii uu amar ku bixiyo waxa laga yaabaa inay oog dab ah ka shidaan goob ka fog indhaha askariga; intaasi oo dhanna abaal dhigaan xad gudubka loo geystay.

 Fahamka lahashada dadku waxay ku hanadsiisaa saaxiibo badan, abaal marin suuban, iyo khasaaraha ood yarayso.

6:-Maxay dadku rabaan?
noloshaqoyska 48456 visitors (113626 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free