Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - dad la dhaqan


Dad la dhaqan.

1: Farxad geli quluubta dadka

Bini aadamka xiisohoogu aad buu u kala fogyahay, oo halqaadka sheekada ruuxba qayb buu u hanqal taagaa. Marka aad rabto inad bulshaawi noqoto qalbiyada dadka farxad ku abuura, waxa habboon in aad ogaato halka aad sheeko ka ambaqaadi karayso. Taasi waxay ku xidhan tahay aragtida aad qofka kale ka leedahay ee ah in aad ogaato waxay dhegihhisu xiisaynayaan. Tusaale ahaan; haddii aad la kulanto mid ka mid ah asxaabtaada, aadna ugu dhego nugul ciyaaraha; waa in aanad uga sheekaynin filimaan, siyaasad iyo wixii la mid ah. Haddii aad sidaasi yeesho waxa hubaal ah in aanu daqiiqadna kula sii joogayn, marka laga soot ago tixgelinta saaxiibtinimo ee uu ku siinayo.

Qof kasta u diyaari mawduuc uu ka helo, oo uga sheekee fardo fuulka, dhacdooyin taariikhi ah, suugaan, iwm, hadba qodobka aad is tidhaahdo xiise weyn ayuu ku qabaa si aad hiyigiisa u kiciso, hana dheeraynin sheekada yaanay kaa badhaysoobin e. taasi waxa ka marag kacaya qoraaga buugani aan inta badan wax ka soo dheeganayo, maalin maalmaha ka mid ah ayuu ededii booqday; waxa kale oo iyagana soo booqday nin kale. Booqdahani qoraaga iyo ededii u yimiday ayaa uga sheekeeyey sheeko si aada qoraaga u soo jiidatay. Markuu ninkii socday ayuu ededii su’aalay shaqadiisu waxa ay ahayd “waa qareen new york jooga” ayey ku tidhi. Qoraagii “Laakiin wuxuu ka warramayey maaha sheekooyinkii qareeenka iyo xeerar toona e” inta ay dhoollo caddaysay ayey ku tidhi “wuxu dareemay in aad xiisaynayso sheekadani; dabadeed wuxu kaaga sheekeeyey wixii ku farxad gelinayey”.

Fahanka dareenada xiisaha wata ee qofku waxay keenaan kalsooni xad dhaaf ah iyo tix gelin dhadhaab ka culus oo aad ka hantido quluubta ummadda aad la nooshahay. Ubadku waa ka mid dadka xiisaha iyo dareenkaba leh. Haddiise aad uga sheekayso iyaga laf ahaantooda qisooyin maankooga ka ballaadhan way kaa didayaan.

 Tusaalahani aan kaa siiyo e, maalin maalmaamaha ka mid ah ayaan booqday carruur aanu qaraabo nahay oo uga sheekeeyey sheeko xallad lahayd. Indhahoogu afkayga ayey ka tafeen oo waxabay ku dhowaadeen in ay ereyga uurkayga kala soo baxaan ka hor inta aanan afka ka soo saarin ee aanu dhegahoogaba gaadhin. May ogolayn in la qalin daaro. Dabcan dadka waaweyni ma xiisaynayaan waxani aan ka hadlayo oo waxabay igu tilmaameen nin carruurta la garaad ah. Sheekadii markaan dhameeyey ayey ubadkii iga dalbeen mid kale “habeen dambe I xasuusiya, kabtan maajid ayaan idiinka sheekayniye” ayaan ku idhi.

Habeenimadii xigatay ayaan anigoo booqashadaydii ku guda jira albaabka garaacay, markii la iga furayba waxay ciyaalkii la soo boodeen iyagoo dhinacyada I jiidanaya “kabtan maajid, kabtan maajid”. Sidaasi ayey ugu farxi jireen sheekada waxanay noqotay tarbiyad waalidku ku seexiyo ubadkiisa isagoo ugu hanjabaya in aan loo sheekayn doonin hadday hurdada diidaan.

Xiisaha qofka waxad ku ogaanaysaa mudada aad sheekada ku dhex jirto. Haddii uu hiyiga la raacayo hadaladda waxad arkaysaa, in uu dhadhansanayo macaan ku dhibcaya qalbiga, dhegaha, iyo dhuuntaba. Labada dhaban ayuu qabsanayaa oo qiiro xad leh ayaa ka muuqanaysa, mararka qaarkoodna wuxuba suuraystaa muuqaalka sheekada, isagoo hadba ereyga afka ka soo baxaya aragti ugu rogaya. Haddii uu dhex gal yimaado waxad markaaba arkaysaa nacaybka iyo karahaadda qofkaasi ka qalin daaray sheekada loo qabo. Waaba dhegaystihii qisada oo kacaa fadhiisanaya, koona eeg eeg badan, oo aad moodo in waran qalbiga lagaga taagay, maxaa yeelay sheekadii aad wadday ayaanu si sax ah uga moganaynin inta uu qofkale hadba ka soo dhex gelayo.Tallaabooyinka labaad ee aad ku dareemayso xiisaha dadka waxa ka mid ah, iyadoo aanu ka hadhayn qofkaasi aad sheekada u waddaa qisada ilaa uu gebo gebada soo taabto. Waana sababaha keenay in ay jaraa’idada, idaacadaha, iyo telefishankuba ugu jaraan sheekooyinka ama maqal ah, muuqaal ah, amase akhriska ah, halka ugu macaan ee la wada sugayo maxaa dhici doona, taasina macneheegu waxa weeye waa in la sugaa inta ay ka gaadhayso maalinta maalinteeda oo toddobaad ku began. Tusaale ahaan waxa jira filimo ka soo gala telefishanada afka carabiga ah, Roosaliinda, Kasandra, iyo Gadaaluubi, dhammaan waa magacyada loo bixiyo e, waxay silsiladoodu gaadhaa ilaa 190 musalsal amma taxane. Taxanaha intaa leeg waxa tallaabo tallaabo ula socda qaar ka mid ah bulshadeena, dumarku ha ugu bataan e, qayb kastaa waxay ku dhammaataaa halka ugu macaan ee la is weydiinayo waxa xigi doona ee laga wada fikirayo. Falsafaddani ayaa dhalisay in aanay daawatadu maalina seegin filimkaasi oo ay diyaar u ahaadaan, kaaga darane waxa la macnaysanayaa ereyada oo loo dhigayo si ka duwan sidii ay u yidhaahdeen kuwani jilaya, ammaba ka sii macaan, maxaa kellifay in uu qof daawado, oo xiiseeyo filim aanu af garanaynin, jawaabtu waxa ay tahay, director ka filimka ayaa u dhigay qaab aan is idhi xataa dhagooleyaashu way u fahmi karaan.

Yar iyo weyn ruux waliba wuxu leeyahay qalbi furma marka muftaaxiisa loo helo, iyo hiyi uu kugu xiisaynayo marka aad ogaatid xiisihiisa gaar ahaaneed, ee maxaynu u siin weynay si aanu cidhiidhi iyo cuqdad qofkaasi midna u qaadin oo uu uga badbaado cudurrada nafta ku dhaca ee waallida, qulubka iyo cadaadisku ka midka yahay. Farxad gelinta quluubtu waxay masaxdaa cadhadii laguu qabay iyadoo fidhisa guntimihii caloosha ku xidhnaa oo dhan.

 Ugu dambayntii akhristeyohow suubani, haddii aad rabto in aad dadka jacayl mooyiye nacayb iyo wixii la hal maala ka helin, uga sheekee shay ay ku farxaan oo aad u malaynayso inay xiisaynayaan…………………………

2:-Sidee laguu jeclaan kalraa.
 

noloshaqoyska 48444 visitors (113575 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free