Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - Qurux u muuji ninka ku qaba:


  

      

Qurux u muuji ninka ku qaba:

Tolow waa sidee? Dhallinyaranimadaadii dib ugu noqo. Marka aad baxayso ee aad dano kale qabsanayso, xaflad tegeyso, amma lagu casuumo sideed u ekaataa. Kaba kaalay oo marka aad kulmaysaan wiilka ay naftaadu u boholyowday sideed u ekaataa? Waxa hubaal ah in aad saacad ka hor xilliga ballanta muraayadda hor taagnaato, hadba dhan iska eegto, timaha kolba qaab ugu feedho. Waxa laga yaabaa in aad dharka kala beddesho oo aad is tidhaahdo labadani iskuma soo baxayaan, haddii aanad dhar haysanina waxad ka soo ergisan jirtay gabadha saaxiibadaa ah amma kula jaarka ah. Makiyaash, Xamuurad, Indha kuul, iyo wixii kale ee la is marin jiray ayaad ku mashquulaysaa muddo dheer. Waxa keliya oo aad sidaasi u yeelaysaana waa in aad ninkani hantido oo aanu cid kale u hanqal taagin, kama dhoohanid haweenka caynkaaga oo kale ah, ee qaabkaaga u labista ee kula socda, hadba ilqoodha ayaad ka eegaysaa saaxiibadaada kula socota.

Taasi waa sheeko hore, haatani iyo dhab weeyaan, waxad hantiday ninkaagii, sidee ayaad u eeg tahay. qaabkee ayaad tahay, sideed u qaabishaa maanta oo aad tahay xiddigtii gurigiisa, ooridiisa dhabta ah ee haddii aad dariiq wada martaan aanad ka fikiraynin in lagu fadeexadeeyo. Waxad tahay basari!!!!!!! oooohhhhh, waan ka xumahay, kuma caayayo, kulamana kaftamayo ee runta ayaa kuu sheegayaa. Waxad ku qaabishaa diriac shiid ah oo jeex jeexan, dhidid basali ka soo butaacayso, qoosh iyo faardaacii ilmuhu ku masaxan yihiin. Cunto ayaad u soo dhigaysaa, ka rabtaa in uu kuu mahadiyo, ku soo eego oo uu inta uu soo kaco ku dhunkado "xabiibi iyo qalbii" cod debecsan oo naxariisi ku dheehan tahay kugu yidhaahdo. Miyaad ka filaysaa intaasi adiga oo caynkaa u eeg? Jawaabtu waa maya.Su'aal baan ku weydiinayaa. Ma waxad ka werwersan tahay in aanu ninkaagu ku jeclayn maadama uu kuu qaabili waayey sidii uu kuu qaabili jiray dhallinyarnimadii, xilligii haasaawaha.? Inad werwerto looma baahna. dib u noqo oo sideed ahayd dhallinyaronimadii.

Guriga caynkaasi ayaad ku tahay, dibada marka aad u baxayso ee adiga oo xaas leh aad xaflad tegeyso sidee ayaad u qaab ekaataa, sow alaabihii ma qaadatid. Yaanay xafladaha iyo bannaanku ninkaaga kaala qiimo badnaanin, ha is tusin dadka kale si loo yidhaahdo, "heblaayo sidii loo guursadayba way da' yaraatay" ninkaaguna leeyahay "maxaa quruxdeedii ku dhacay". ee uu werwerayo. Labbisku meel buu ku qurux badan yahay, indhaha iyo noloshuna qurux bay u baahan yihiin, quruxdiina waa adiga gabadh yahay soomaaliyeed.

Haddii aad ninkaaga oo shaqo tegeya is qurxiso, cadar iyo uunsi iska buuxiso, sidii dhallinyarnimadaadii noqoto. indhihiisu waxay eegayaan adiga, maankiisuna adiga ayuu kugu maqnaanayaa, hammigiisuna xagaaga ayuu u jeesanayaa. quruxdaada ayuu ammaanayaa. Huga iyo labbisku waxay ka qayb qaataan raaxada ninka, cadarkuna dareenkiisa ayuu kiciyaa. Dhowaanshahuna deganaan iyo kalsooni ayuu keenaa. Gabadh carbeed oo xilligii jaahiliyadda inanteeda oo la soo doonay la dardaarmaysay ayaa tidhi ' nadaafadda badso' . Ilaan soddoh ah ayey inanteedii u cabasho timiday oo ku tidhi "hooyo ninkaygii iimaba hammoodo" waxay ugu jawaabtay eeg, talada ay siisay dhuux, waxay ku tidhi oo keliya "dirac xidho oo xagga iftiinka ka mar" sidii ayey yeeshay, maxaa dhacay, waad dareemi kartaa. Xaaraan maaha in aad dhar dhejis ah amma gaagaaban, amma kuwa gudahaba dheh oo xidhato xilliga aad adiga iyo ninkaagu isku kelliyeysataad. Wax kuu diidayaa ma jirto, xarakaad quruxeed samee, muuji halka jidhkaaga ugu aragti fiican ee aad markii aad dhallinyarad ahayd muujin jirtay sir ayaa ku jirta e.

Jidhkaaga qurux ku ilaali: riix halkani

 

noloshaqoyska 48502 visitors (113697 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free