Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - La farax ninkaaga


                   

Kanina waa qayb ka mid siyaabaha lagu kasban karo ninkaaga ee sixirka xalaasha ah ka tirsan, dhallinyarad guur raadinaysaa waxay sheegaan in ay rabaan gabadh furfuran oo qosol iyo weji furan wadata. Waa shuruudohooga kowaad ee ugu badan, waa kelmedo iyo dhollo caddayn macaan oo buuxinaya amma dhisaya dhismaha guriga iyo tiirarkiisa. Xasuuso ereyadii uu ku yidhi nebigeenii Muxamed ee suubanaa (NNKHA) ku yidhi Jaabir markii uu guursaday ee su'aalay cidda uu guursaday "miyey da'yaraato oo bikir ahaato kula ciyaarta ood la ciyaartid, oo aad la qososhid adigana kula qososha" ma xasuusanaysaa xadiiskani. ciyaarta iyo qosolka lagama rabo ninka oo keliya ee adiguna kaalin muhiim ah ayaad ka qaadanaysaa.

Waxay keentaa kalgacayl dheeraad ah iyo in uu kuu soo dhodhowaado, la fadhiisigiisa iyo taabashadiisuba waxay sakhraaminayaan indhaha saygaaga, qalbigiisa iyo jacaylkiisaba waad hananaysaa mana eegayo gabadh kale oo aan adiga ahayn.

hadalku waa seef laba af leh: riix halkani

noloshaqoyska 48452 visitors (113615 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free