Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - Ku qaabil ninkaaga weji furan oo muusoonaya


 

   

                                           Ku qaabil ninkaaga weji furan oo muusoonaya:

Uma baahnid cid ninkaaga ku jeclaysiisa, geeduhuna faa'ido ma laha. Qalbiga aadamuhu wuxu u baahan yahay cunto u gaar ah in la siiyo si uu sharaf iyo qiimo u yeesho. Sida ay cuntadu gaajada u baabiiso, ayuu qalbiguna tacabka iyo mashaakilka ku illaawaa marka uu helo farxad joogto ah oo ka tirsan noocyada uu xiiseeyo kana imanaysa qofka uu ifka ugu jecelyahay. Sharraxaad hor dhac ah kaa siin maayo e, qisadani tusaalaha ah akhri dabadeedna eeg oo dabbaq haddii aad xaas tahay, haddii kalena dadka xaaska leh weydii, is beddellada yimaadda.

Nin baa ka yimiday camalkiisii isaga oo daalan. Wuxu la soo kulmay hawl culus oo mashaakil iyo dhib wadata, cadho faro badan iyo fikir xad dhaaf ah oo shaqadiisa ku xidhiidhsan. Intaasi waxa u dheeraa saxmadda suuqa oo uu u maray si uu alaab reerkiisa ugu soo gado. Wuxu yimiday gurigiisii uu sayga iyo abbaanka ka ahaa; albaabka ayuu furay isagoo raaxo u baahan si ay jidhkiisa iyo maskaxdiisuba u nasataan. Wuxu rabaa in uu farxad ka helo oo la wadaago xaaskiisa iyo ubadka ay dhaleen. Hore ayuu gurigii u galay, wuxuba isha qac ku siiyey gabadh sixiroole ah oo geedaha ay sidato oo aanay wadan odeyaasha wax sheegsheegaa. Taasi waa gabadhiisa, waxay wadataa qurux dhammaystiran, waxay ku salaantay salaan diirran oo dhoollo caddayn qalbiga farax gelisaa ku dheehan tahay, Dhunkasho iyo laab gelin u dhiganta tii uu ka heley xilligii ay carooska ahaayeen. Hareeraha ayuu eegay, meel kasta oo ishiisu qabato dhalaal ayaa ka muuqda, udgoonka uunsiga iyo cadarka ayaa uu sanka la raacaa. Wuxu galay suuligii, tuwaalkii, shaamboogii, iyo saabuuntii ayaa goor horeba loo sii diyaariyey. Wuu qubaystay amma maydhay, miiskii cuntada ayuu tegey, raashinka muu sugine wuxu arkay iyagoo diyaar ah oo isaga uun la sugayo.

Alla farxad badanaa oo Dejiyi wanaagsanaa. Waxa mahaddaasi iska leh Ilaaha dunidani abuuray, sharaf iyo qiimona waxa wadata musixiradaasi deganaanta iyo taabashada naxariista lagu dheehay ku firdhisay amma saaqday saygeega qaaliga ah ee aanu jirin cid ay la sinto oo dhulka korkiisa ku nool hadda.

Qisadani maxaad ka fahantay. Sow gabadhu ma kasban karto qalbiga ninkeega oo ma dejin karto, jacaylna uma hor seedi karto.

Qisadaasi tani kale barbar dhig.

Nin kaasi oo kale ah ayaa ka yimi shaqadiisa oo mashaakil iyo dhib badan wadatay. Gurigiisa ayuu soo galay, mise waxa uu albaabka kula kulmay habaar qabto qaylo badan, oo canaan iyo cabasho badan, oo mar kasta raadinaysa oo dhega dhegaynaysa haddallada ku tiri kuteenka ah ee ay haweenku ku sheekaystaan. Hareeraha ayuu eegay, mise waa dharkii, wixii ay ubadku ku ciyaarayeen, hanbooyinkii iyo wasakh meel kastaba saaran. Wuxu galay suuligii/musqushii, mise waxba diyaar ma aha oo isaga ayaa keligii diyaarsanaya. Wuu qubaystay, cunto ayuu doonay miiska ayaa ay ugu tilmaantay. Hurdadii ayuu tegey si uu u seexdo oo u nasto, halkuu ka seexanayaa, waxabay guriga keentay dumar ay sheeko wadaag yihiin oo qosol iyo qaylo badan, ubadkii ayey dilaysaa oo caayeysaa, markaasay iyagoo ooyaya aabbohood u geleyaan.

Alla xumaa noloshani oo qadhaadhaa, u dhib badanaa ninkani. Iyadoo ay sidaasi tahay ayey haddana is weydiinaysaa waxa ku dhacay ninkeegii ee uu ugu jeclaan waayey sidii uu awalba ugu jeclaa. Waxay u tegeysaa faaliye iyo musixir si uu u jeclaysiiyo. Daranaa nolosha caynkaasi ah.

Maxaad ka dhadhansanaysaa qisadani dambe, ma jeclaan lahayd inad noqoto gabadhaasi, ma jeclaan lahayd in aad talo ka qaadato gabadhaasi, mase jeclaan lahayd in aad la saaxiibto gabadhaasi aqalkeegii aaye xumada ka yeeshey. Uma malaynayo, waad caayi lahayd oo necbaan lahayd sow maaha.

Gabadha caqliga lihi waa ta garanaysa qaabka iyo sida loo kasban karo amma loo hantiyi karo qalbiga ninkeega. Waa in ay weligeed inta ay dunida ku nooshahay cadceedii Alle soo saaraba ahaataa Caroosad cusub oo xalay uun la soo hooyey, waagii beryaba da' yar. Ogow walaashayda suubaneey, ereyga macaani waa qurux, dhoollo caddaynta iftiimaysaana waa dejiya, udgoonka wacanina waa raaxada maanka, nadaafadda joogtada ahina waa dahaaro iyo cibaado.

la farax ninkaaga: riix halkani

noloshaqoyska 48437 visitors (113562 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free