Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
     Ardaynimo.
     => Hammiga
     => Naftu seeto yay waayin.
     => Ilaali wakhtiga
     ma ogtahay
     dad la dhaqan
     Buugaag soomaali ah.
     Qoraal nolosha qoyska ah.
     Hablaha oo keliya
     duruufo kuu yaal
     dooro dookhaaga
     maxaa loo guursadaa?
     Haasaawaha
     Nala soo xidhiidh
     Farriimaha
     marti u noqo
     Counter



Nolosha qoyska - Naftu seeto yay waayin.


Naftu seeto yey waayin:

Haddii hammigaagu niyada ka soo burqanayo looguma yeedho hammi ee waa shucuur, shucuurtuna woxoogaa ayay kula deris tahay deedna way kaa guurtaa ogowna inaanay meel ku gaadhsiinaynin. Dadkeena intooda badana taasi ayaa ku dhacda oo inta ay woxoogaa ruxdo dariiq ku hagto ayay ban cidlo ah kaga dhaqaaqdaa. Hammiga caynkaasi ahi wuxu ku siinayaa dareen cidhiidhi ku jiro, raaxo kama dareemaysid oo mar walba degdeg ayaa xaajadaadu ku jirtaa, adiga oo aan su’aalo faro badan iska waydiinin ayaad ku tallaabsataa. Waxad isticmaalaysaa awood ka badan tii caadiga ahayd xilliga maanku hammoonayo, oo quwadda intaasi leegina xilliga ay burburto ee meel aad iska soo qabato waydo ayaad ku calaalaysaa wixii hore kuu dhaafay. Marba meel inta aad u booddo ayaa ugu dambayntana cidlo inta aad fadhiisatid ku celcelisaa inad guul darraysatay. Maya maad guul darraysanin, waxad illowday inuu maanku hadlo, oo inta uu sheekeeyo go’aanka uu gaadhay shucuurtaada, xubnahaaga iyo qalbigaagaba u gudbiyo si ay u fuliyaan. Su’aalo xasaasi ah ayuu qofku iswaydiiyaa xilliga uu maankiisu fikirayo, markase shucuurta iyo lahashadu sidato webi ayuu ku dhex lumay yaxaaska iyo bahaluhu kuu kala tartamayaan.

Bal dib u eeg dagaalada soomaali daashaday, waxa hagayaa muxuu yahay, sow shucuur qof inta lagu kiciyay la tusinayo dariiqii uu ku dhiman lahaa ee dunidani inta uu uga tago aakhirona wax aanu filaynin kala kulmayo. Yaa yidhi qabiil ayaa loo dhintaa oo janno lagu galaa, yaa yidhi is qarxin ayaa janno lagu tagaa. Sow shucuurta qofka inta la xidhxidho isaga oo xiimaya naftiisii masuuliyadu ka saarnayd ma halligayo. Wax kasta oo shucuurtaada iyo lahashadaadu ku siiso waa inuu maanku sifeeyo oo inta uu kala hufo u sheego sida ay arrini sax ku tahay.

Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin.

Tixdaasi hadraawi leeyahay aad ayaan ugu bogay, iyada ayaan ku wax qaataa, iyada ayaana igu kelliftay inaan akhristeyahow suubani kula qaybsado waxa maankayga ka guuxaya. Waa run qori rasaasi ka dhacdo iyo qori laan jaad ka baxayba god ayay kugu ridaan, hadday ku dili waayaana mugdi ayay ku geliyaan; qalinku se meel sare ayuu ku geeyaa oo duni iyo aakhiroba adiga oo faa’idaystay ayaad is arkaysaa.

Inta aanan qaybtani dhamaystirin, su’aal aan ku waydiiyo. Ma jirtaa dunida cid inaga hadal badan oo inaga qoris yar? Meel kasta oo aad joogsato soomaali way hadlaysaa, inay wax qoraana ma doonaan. Waxa yar qof maanta dhaxal iiga tegeya oo aan ka heleyo wax aan akhristo oo ku intifaacsado. Marka oday soomaaliyeed dhintoba waxa duma maktabad camiran. Wax uu reebay oo qoraal ahi ma jirto, cid ka reebtayna ma jirto marka laga reebo woxoogaa cajalado laga duubay mooyaane.

Aynu qalinka badino, qoriga dhigno, qabiil daaqad ka tuurno, ubadkana qiimo fiican ugu dhaafno dunidani.

Sii akhri Ilaali Wakhtiga:

noloshaqoyska 48480 visitors (113666 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free