Hammiga:
“Haddii aanad hammoon noloshu waa mooyi dabadeede” tixdaasi gabayga ah ee timacadde tiriyey meel ayay igaga taallaa. Waxay ii sheegaysaa haddii aanan hammiba lahayn in hadhow xilliga xeedho iyo fandhaalba kala dhacaan jawaabtaydu noqoto “MOOYI”. Hammigu qofka aadamaha ah wuxu ku dhalliyaa awood aanu lahayn, wuxu gaadhsiiyaa meel aanu niyadaba ku haynin inuu gaadhi karo, wuxuna ku hagaa dariiqa uu raadinayo. Hammigu ma aha sida mirqaanka qaadka oo kale ee inta uu qofku laantaasi cagaaran raamsanayo ku fikirayo inu guryo dhiso, daaro dhaadheer isaga oo dhex mushaaxaya kolba is arko; xisaabaadka uu ku jiro aanad malaynaynin; waxad moodaa xilligaasi in xubnaha jidhkiisa oo dhammi u adeegayaan waxa uu ku fikirayo, maxaase ka dambeeya, sow marka uu tufo jaadkaasi wixii oo idil ma kala daataan sidii oo inta gantaalo lala beegsaday amma dhul gariir ku dhacay isla wada dumay.
Hammigu ma aha in qofka oo xaglo laabani ka sheekeeyo wixii uu samayn lahaa, halka uu ka soo cabbi lahaa iyo sida uu dunidani uga mid noqon lahaa qof wax ku soo dara. Dabcan waynu hadalnaa oo intaasi maankeena ayaynu la sheekaysanaa, weliba ku darsoo aad ayay u macaan tahay marka aad keligaa inta fadhiisatid maanka tuujiso oo sheekadaadu iskugu kaa duba dhacdo, laakiin caajis kugu habsado xilliga ay gaadho inaad fuliso fikirkii. Waa sidii aad tahay shimbir rabta inay duusho iyada oo bilaa baalal ah, amma ilme raba inuu socdo isaga oo aan weli gurguurad baranin.
Hammiga dhabta ahi waa ka kugu dhaliya inaad xaajo rogrogto, oo inta dhiigaaga ay dhex qaado habbeen iyo maalin ka seexan waydo, xataa la arko adiga oo ku hadaaqaya. Kaasi ayaa hammi ah. Ninkii miyaanad xasuusnayn tacliinba iskaga tegey ee isaga oo cidlo maraya arkay dhagax dawlisku gooyay, deedna inta uu meel fadhiistay yidhi “dhagaxaasiba xadhiga ka awood yar ayaa gooyay, aniguna ma tacliin ayaan ka adkaan waayay”. Hammigu wuxu kuu noqdaa shidaalka iyo tamarta aad ku socoto, wuxuna kugu hagaa halka aad doonto, haddii uu dhexda kaaga dhamaadona su’aal jawaabteed waxay noqonaysaa MOOYI. Dabcan, waxyaabo qadar jabiya ayaa jira oo dunida shay keliya laguma hamiyo, fikirka meel keliya laguma xidhxidho waase la ballaadhsadaa inay is garab socdaana waa lagama maarmaan, laakiinse mid waliba inu yeesho majiire u gaar ah oo uu maro ayaa muhiim ah. Haddii arrimuhu iska kaa jiidhaan, maalinba weel madhan ayaad dhaamin doontaa. Qiso yar aan ku siiyo, nin ayaa beri is yidhi digaag dhaqo oo inta uu xero u samaystay ayuu ku xanaaneeyey, ayaa cudur kaga dhacay, isagu ma garanaynin waxa u sabab ahaa, nasiib darrona digaagii ayaa wada dhintay. Suuqa ayuu soo galay isaga oo isla hadlaya, oo qofkii arka ee xaalada ganacsigiisa la socdayba wuxu su’aalaa, digaagii ka warran? Marka su’aashaasi la waydiiyona wuxu ku jawaabaa “Digaag xoolo maaha, caano lagama listo, hilibna lagama cuno” Miyaanu hammigiisii qadar jabinin? Waad ila fahmi kartaa in haddii hammigu majiire yeelan waayo jawaabtu dawakhayso oo ugu yaraan MOOYI ku dambaynayso.
Nebi muxamed scw hammiga uu qaaday ayaa ku hayay inu Maka dhex joogo iyada oo asxaabtiisii la garaacayo, qaar la laynayo, qolo kale firxad qaarad kale u hayaameen; sidaasi ay tahayna wuxu u sheegayay inay guushu soo socoto, inay samraana ay u baahan yihiin. Hammigaasi ayaa bilaal ku samirsiiyey in lagu ciqaabo isaga oo addoon madow ah, kaasi ayaa reer Aala Yaasirba lagu laayay, kaasi ayaana rag badan habeen madow ka qixiyey xoolohoogii, ubadkoogii iyo hantidoodiiba.
Hammigu marka uu ku galo isaga oo hufan oo kuu kala qeexan, uma baahnid inad gaajo cabato, jidhku bukoodo, cayda iyo canaantu wax kaa qaado, waxad noqonaysaa qof aan damqanaynin, qof waxa uu u socdo garanaya oo majiire aanu ka habaabaynin maraya.
Sii akhri: Naftu seeto yay waayin.