Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
     Ardaynimo.
     => Hammiga
     => Naftu seeto yay waayin.
     => Ilaali wakhtiga
     ma ogtahay
     dad la dhaqan
     Buugaag soomaali ah.
     Qoraal nolosha qoyska ah.
     Hablaha oo keliya
     duruufo kuu yaal
     dooro dookhaaga
     maxaa loo guursadaa?
     Haasaawaha
     Nala soo xidhiidh
     Farriimaha
     marti u noqo
     Counter



Nolosha qoyska - Ilaali wakhtiga



Ilaali wakhtiga:

Ilaahay ayaa ku dhaartay wakhtiga oo halkaasi ayuu qiimihiisu gaadhayaa. Adiga bini aadamka ahi haddii aad is eegto waxad ogaanaysaa inaad gebigaaguba wakhti la isku keeney tahay. Waad abuurantay oo wakhti ayaad soo martay, marxalado kala duwan ayay ahaayeen xilligii aad biyaha ahayd ee riximka ku abuurantay ilaa xilligii aad soo baxday ee ifkani is aragteen. Sagaal bilood oo saddex xaaladood ku sugnaa ayaad ahayd, mar candhuuf ah sida Ilaahay quraanka ku sheegey, mar xinjir yar ah, marna inta lafo laga dhigay cadna la huwiyey kaasi oo gebi ahaantiiba noqday abuur kale. Saddexdaasiba wakhti ayay ku salaysnaayeen, markii nafta lagugu afuufayna marxalad kale ayaad ku sugnayd, waxana la sugayay in sidkaagu dhamaado deedna dunidani u soo baxdo.

Intaasi kumaad hadhin ee xasuuso sida aad wakhti ugu qaadatay xoolka dhexdiisa ee xataa aanad dhinaca aad mar isku rogto iska rogi jirin. Imisa jeer ayaad beerka ku siqday adiga oo rabay inad gurguurato, imisa jeer ayaad gurguuradkii ku faraxday waayo socod ayaa kuu hadhay. Imisa jeer ayaad ilkuhu inay kuu soo baxaan sugaysay oo saluugsanayd naaska aad caanaha ka nuugayso adiga oo rabay inad ilkaha sida dadku wax ugu goosanayaan ugu goosatid. Waa xaalado mid waliba tiro iyo saacado ku socday, marxalado kala geddisana ku salaysnaa. Kamaad boodi karteen ee sida ay iskugu taxan yihiin ayaad u fulinaysaa.

 

Tiro ayaad bilowday sannadle ah, afar baan jiraa, maya siddeed ayaan gaadhay, mayee waaban qaan gaadhay, waan dhallinyaraaday, waan duqoobay, dhinaca ayaan u aalaa oo geeribaa I dul taagan. Waa waxaad ka kooban tahay, sida xassan albasri sheegay “Bini aadamow gidigaaguba waxad tahay ayaamo la isku keenay, haddii wakhti ku dhaafo gobol adiga ah ayaa galbaday, haddii gobolkaa galbadona dhamaantaaba socotay”.  

 

Sida saacaddu u wareegayso ayaad u wareegaysaa, mana joogsan kartid, ma soo noqon kartid, laakiin waad sii socotaa. Wakhtigu waa caynkaasi oo kale oo waxa la sheegaa in aanu joogsanin, dib u soo noqon laakiin uu kugu soo socdo uun. Bal u fiirso, berri ma dhamaato oo way soo taagan tahay, shalayna kaama tagto oo maantoo ku dhaaftay weeyaan, waa qulqulkaasi aan joogsanaynin ilaa qiyaamaha. Wakhtigu waa ka kugu hagaya inad ku xisaabsanto, maxaad qabanaysaa maanta, qorshe deji xilliga aad soo toosto dib u wada eeg baylah wixii kuu taalay; waa wakhtiga waxa ku hagaya. Waa isaga kaasi kula socda ee inta uu ku dedejiyo ku haleelsiin waaya waxyaabo kale qabashadood.

Weligaa adiga oo ballan leh in lagu yara hakiyo ma la doonay oo cid aan ogayn inaad degdegsan tahay ma ku joojisay, imisa jeer ayaad saacadda eegtaa oo uga yara sanqadhisaa in wakhti kugu socdo. Wakhtigu muhiimadaasi ayuu leeyahay. Waa shay kula socda, umana malaynayo inuu cid kale la socdo. Haddii aan ku su’aalo wakhtigaagii hadda xaguu joogaa, waxad ii sheegi doontaa inaad wax akhriyayso oo sadaradani aad ku foororto, aniga wakhtigaygii halka uu joogo haddii aad ii sheegi lahayd waxa laga yaabaa inaan wax kale ku fooganahay. Qofkii ku su’aala inaad dan u filiso waxad ugu jawaabaysaa inaanad wakhti u haynin. Halkee wakhtigu joogaa. Waa kani kula socda ee aniga ila socdaa wakhtigu midkeenba si ayuu u khuseeyaa, haddii aynu meel iskugu nimaadno tusaale ahaan makhaayad ah, labadeenaba wakhtigeenu makhaayadaasi ayuu inala joogaa, xilliga aynu kala tagnona midba goonidiisa ayuu u raacay.

Wakhtigu wuxu kaaga baahan yahay inaad ula dhaqanto sida qayb adiga kaa mid ah oo kale, inaad xannaanayso oo aanad soo dilin, haddii aad disho adigaa is dilay, haddii aad lumisona adigaa is lumiyey, adiga ayay kuu taalaa sida aad ka yeelayso, laakiinse waxa qurux badan inaad qorshe ku socoto. Dib u noqo oo waxaad yara dhex martaa magaalooyinkeena soomaalida, ummad waxa indhahaaga buuxinaya saddex, afar, ilaa shan iyo in ka badan oo saacado ah meel ka sheekaynaya, maxay qabanayaan.

Qorshe la’aan dunidani kuma socoto, looma abuurin dheeldheel, faakidaysi ama hawlo kale, waxay u abuurantahay xisaab ayaa kow ka ah, waa la isla xisaabtamayaa oo waxa ugu horreeya ee jadwalka soo gala ayaa noqonaya wakhtiga iyo halka aad ku lumisay. Dhallinyaranimadaadii waxaad qabanaysay oo wakhtigaasi qaaliga ah ku haysay. Waan sheekaynayay, waan haasaawayey, mayee waxbaan daawanayay su’aashaasi jawaabteed ma aha.

Ma ogtahay in jahawareerku ka hadho haddiiba qofku garanayo waxa dantiisu tahay, sida uu u fulinayo iyo weliba goorta uu fulinayo. Isku beeg xisaabaadka, xilliga aad wax dhiganaysid yaanay kaaga khaldamin xilliga aad kubadda ciyaaraysid amma xilliga aad seexanaysid midna. Waa inay kuu gooraysnaadaan, waxad ku faraxsanaanaysaa adiga oo garanaya saacadda la joogo wixii aad qaban lahayd. Waxa jirta farriin maskaxdu gudbiso xilliga ay qadada gaadho adiga oo aan xataa gaajoonaynin ayay kuu sheegaysaa inaad cunto u baahan tahay, kuma laha sowdigii macmacaanlaha hadda uun ka soo baxay, waxa keliya oo ay ku hadaaqayso ayaa ah qado, qado, qado.

Wakhtigu waa dariiqa koowaad ee guusha iyo guul darrada labadaba, haddii aad ka faaidaysato wuu ku hagayaa haddii kalese god inta uu kugu rido ayuu weliba ku canaanan doonaa. “Waad gabowday oo hadda waxba taransan maysid markaad yarayd ayaad igu ciyaartay” ayuu ku odhan doonaa. Haddii aad ka faaidaysatona isaga oo qoslaya ayuu ku odhanayaa “Waan ku saaciday, adiguna waad iga faaidaysatay, waa taasi aad guusha midhaheegii maanta guranayso ee farax oo ku raaxayso”. Xataa aakhiro canaantaasi way taagnaanaysaa uun. Miyaanay gaalada iyo kuwa naarta galaa Ilaahay ka dalbanaynin in did loo celiyo si ay wixii ay gabood faleen u soo hagaajiyaan; kaasi waa wakhtigii ay ku dheeleen ee aanay ugaga faa’idaysanin aakhiro. Miyaanu muslimku ku faraxsanayn nimcada Ilaahay siiyey ee aanu isa su’aalaynin inay geeri dambe hadhay, ee marka loo sheego in noloshani lagu waarayo farxad Ilaahay ugu mahad celinaynin.

Waxa kugu habboon akhriste inaad xisaabiso inta daqiiqadood ee aad ku tegi karto meel, inta daqiiqadood ee aad hal bog ku akhriyi karto, inta daqiiqadood ee aad sheeko iyo hadal u hayso, inta aad hurdo u hayso, inta aad ciyaar u hayso. Afar iyo labaatanka saacadood min lixdanka daqiiqo ee ku jiraa hadday kuu qeexnaan waayaan marka talo faraha ka baxdo ayaad MOOYI ku hadaaqi doontaa.

Way adagtahay in qofku wakhtiga la dhaqmaa laakiin qodobo ayaa jira ku caawinaya oo haddii aad fuliso guul kuu horseedi kara:

1.      Ka baaraan deg waxa kuugu muhiimsan ee aad qaban karto, waxad leedahay awood aad wax walba ku qaban kartid, laakiin mar keliya ma wada qaban karaysid ee sida ay kuugu kala muhiimsan yihiin u kala saar. Tusaale ahaan, waxbarasho, shaqo, cibaado, hurdo, cunto. Sidaasi u wad oo mid walba muhiimadiisa derejo sii, keed awoodda saari doontaa, intee in  leegoo wakhti ah ayaad siinaysaa. Ka fikir.

2.      Marka aad sidaasi yeesho soo qaado warqad aad jadwal ku dejiso oo saacadahaaga xisaabi. Mar kasta oo aad hawl qabato u dhaxaysii xilli aad ku nasato, ha isdaba dhigin tallaabada waad saluugi doontaa waxaad qabanaysid e. Tusaale ahaan haddii aad rabtid inaad cashar akhridid saacad gudaheed, ku kalena saacada dambe bilaabaysid u dhaxaysii ilaa shan daqiiqo oo aad isku kala bixiso, amma wax kale nafta u dirto si ay maskaxdaadu diyaar ugu noqoto kani xiga. Haddii aad shaqaale tahay iyadana sidoo kale same. Haddii aad meel tegeysid ku xisaabtan inta u dhaxaysa laba hawlood oo aad u kala safraysid, inta basku kuula sii soconayo goobta iyo inta uu kaala soo soconayo.

3.      Gidaarka ku dhejiso, amma jeebadda ku qaado oo cidii rabta inay dano kaa yeelato u eeg goorta aad firaaqo u hayso, haddii aanad u haynina ballan kale u dhig.

4.      Ha ku degdegin inaad ka caajisto nidaamkaaga, waayo naftu waxa aanay la qabsanin way ka caajistaa e, adiga ayaa caado ka dhigan doona ee sidaasi isku maamul kuna samirsii naftaada; ogolaysii inay guushu dedaal ku xidhan tahay, waydii waxay rabto iyo faaidada ka soo geleysa oo la xisaabtan naftaada.

5.      Waxa laga yaabaa in dad badani kula qabsan waayaan oo dacaayado laguu sameeyo. Dheg ha u dhigin, shayga dunida ugu qaalisani waa wixii dantaada ah. Adiga ayaa wakhtigaagu kula socdaa, cid kale lama socdo, adiga ayaa garanaya waxaad rabto cid kale kuuma yeedhinayso. Adkayso iyagaa marka dambe ku soo dhici doona jidkaaga e.

6.      Ugu dambayntii inaad xad gudubto iska ilaali. Haddii aad wakhtigaaga ka saarto asxaabtaada, waalidkaa amma xilliyada jidhkaagu u baahan yahay nasashada amma ciyaarba waxad garaacaysaa dhagax aan kala jabaynin. Isku dey inaad salka ka adkaato baarkana sida geedka oo kale u liicliicdo, hadba dhextaal samayso oo ha ku dheeraanin e ku soo noqo goobtaadii.

 

Waxa ugu badan ee aad ka fikiraysaa waa guushaada, dunidani tartan ayaa lagu jiraa inaad ka hadhid tartankaasina ma rabtid, laakiinse jahawareer ayaad ku sugnaanaysaa haddii aanad nidaamin karaynin afar iyo labaatanka saac ee aad haysato oo sidii aad dunidani u leekaysiin lahayd aanad falowgeeda qabanin. Waxad u baahantahay in aanad ilaawin marwalba hawsha aad qabanaysaa halka ay kugu hagayso iyo himilada aad ka leedahay; taasi ha ku hagto oo yaanay wax kale kaa leexinin. Haddii hawshu xaaraan tahay kugulama talinayo ee wixii duni iyo aakhiroba ku anfacaya ayaan kuu sheegayaa. Marka dadku MOOYI jawaab ka dhigayaan adigu waad muusoonaysaa amma dhoolo caddaynaysaa, marxalad kugu dhici lahayd ayaad ka badbaadaysaa markaad is nidaamiso oo jahawareer ah. Majiire lahaw weligaa, jidkaaguna ha toosnaado.

noloshaqoyska 48471 visitors (113652 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free