











Jidhkaaga qurux ku ilaali:
Muddo badan ayaad eegaysaa sawirkii carooskaaga. "allaa yaraydaa, dhexdu qabatin ayey ahayd, halkani sidani ayey ahayd, ahey ah alleylehe islaan ayaad noqotay oo waad isku dhex daadatay". hadalladaasi iyo kuwo kale ayaa maankaaga ka guuxaya, jawaab uma haysid ee niyad jab ayaad la jiiftaa. ha murugoonin, hana doonan wixii dumarku ku ba'anaayeen ee sixirka iyo faaliyaha ahaa. Ufiirso, inan kasta oo qurux iyo qaab ku faanaysay waxay naaxdaa oo fool xumaataa marka ay dhowr dhasho. weli waad da' yartahay, mushkilladu waxa weeyi cuntada aad cunto oo u badan walaxda qofka buurnaysiisa, Fadhiga faraha badan, iyo adiga oo aan jimicsi iyo is qaabayn aan samaynaynin. Dumarku waa isku mid, bal carabta eeg, weli wey da' yar yihiin, bal gaalada kale eeg inay wax dhaleenba lama moodo. Waxan arkay dumar faro badan oo cunaya kiniinka Vtop inu sidaasi u qoran yahay ayaan u malayniye cunaya oo raba in ay is naaxiyaan, waa faan iyo dhaqan ay dumarku isugu yaboohaan buurnidani.
caafimaad ahaan iyo nolol qoys ahaaneedba way u daran tahay e, quruxdaadu kuma xidhna baruur iyo in aad is caddaysid e, hilibka yaree.
Ku qabil ninkaaga weji furan oo : riix halkani: