Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
     Ardaynimo.
     ma ogtahay
     dad la dhaqan
     Buugaag soomaali ah.
     Qoraal nolosha qoyska ah.
     Hablaha oo keliya
     duruufo kuu yaal
     dooro dookhaaga
     maxaa loo guursadaa?
     Haasaawaha
     Nala soo xidhiidh
     Farriimaha
     marti u noqo
     Counter



Nolosha qoyska - maxaa loo guursadaa?


      animated roseanimated roseMaxaa loo guursadaa? animated roseanimated rose

Marka uu ereyga guur amma caroosba dhegahaaga ku soo dhacaan, waxad malaysanaysaa laba qof oo lamaane noqday, waa wiil iyo gabadh isku guursaday si ay u gutaan qariisadooda ku abuuran amaba shahwaadkooga, amma si kaleba aan u dhigno e, in ay iska ridaan karkii doobnimada iyo gashaantinimada ku saarnaa, oo aanay jirin dariiq kale oo aan kani ahayn oo ay ku gutaan. Arrintu caynkaasi iyo muuqaalkaasiba intaa ayey ka ballaadhan yihiin.

Dhisidda guriga iyo reer la abuuraa way adag tahay iyo xataa waxaba adkaata jiritaankiisa marka loo eego xilliyadani aynu hadda joogno ee xaadirka ah. Labadani qof ee isguursaday waxay ku biireen tiir ka mid ah tiirarka ay ku qotonto jiritaanka iyo ilbaxnimada umadi leedahay oo haddii guriga iyo guurka la waayo aanay jiraynin sida ay umadaasi u sii noolaato ilbaxnimadeeduna caalamkani u raadayso. Haddii aynu dhammaanteed dib u wada noqono waxa hubaal ah in lagu wada aroorayo laba qof oo keliya oo iyaga qudhooduna ku sii arooraya dhoobadii uu Ilaahay ka abuuray, waa Aadam iyoXawaa, taasina macnaheegu waxa weeyi in xikmadda ka dambaysa guri iyo reer la dhisaa tahay sidii uu u sii jiri lahaa aadamaha iyo dunidani ilaa laga gaadhayo wakhtigii rasmiga ahaa ee aan ka dib dhaca lahayn ee Ilaahii abuurtay ugu talo galay in uu ku gebogabeeyo, si uu u dhoco qiyaamihii. Halkaasi waxad ka garanaysaa in jiritaanka dunidani ku xidhan yahay jiritaanka aadamaha oo haddii Ina Nebi Aadam arlada laga waayo dunidanina wiida loo rogayo oo aanay kaba dambaynaynin.

Xilliga uu qofku guursado waxa loo tirsadaa si amma qaab ka duwan sidii markii hore ee aanu guursanin loo tirin jiray, waxa uu yeelanaya guri lagu soo hirto oo ay marti u hoyato, tolku yimaadaan, gacal iyo xigaalkuna ku indho doogsanaan. taasina waxay hubaashii u baahan tahay in uu qofku sideed uga taxadaro waxay leeyihiin qaabab kala geddisan oo dhaqan ahaan loo tiriyo qaabilaadda intaasi oo nooc ee kala geddisan ee ku soo hiranaysa guriga aad yagleesheen, waxa hubaal ah in aan la soo geleynin guri furan, laakiinse loo imanayo weji furan oo ay qaabilaadiisa iyo qadarintiisu firfircoon tahay raad weyna ku reebaysa cidda soo booqata. Tusaale ahaan, haddii adiga oo guursaday ay gurigaaga yimaadaan soddogaa, soddohdaa, ammaba seediyaashaa iyo dumaashiyahaaga, sida aad u qiimaynaysaa way ka duwan tahay sida aad u qiimaynayso cidda kale ee ku soo booqata ee ay ruuxaad nolol wadaagtaan woxoogaa yara kala durugsan yihiin.

Marka ay sidaasi tahay ayaa waxay arrintani u muuqaataa in uu qofku si weyn uga taxadaro. Waxa ninka guursaday haddaynu tusaale ahaan u soo qaadano, marka uu xaaska leeyahay waxa laga qayb gelinayaa garta oo aan markii hore neef baadi ahna la weydiini jirin, barkhad iyo belaayo labadabana waxa uu noqonayaa qofkii la tirsado ee amma wax loo qabto amase gacan qabad iyo taakulayn laga doono haddiiba ay dhigiisa kale ee xaasaska leh wax gaadhaan, haddii uu dambi galo waxa loogu cararyaa oo loogu doodayaa si uu uga badbaado xadhigaasi xawli aan xilligii uu doobka ahaa loogu roori jirin. Sadarradani aan hadda qorayaa waxay i xasuusinayaan qiso beri la iiga sheekeeyey oo ku saabsan qodobkani laakiinse ka dhacday dalka Afrikaanka ah ee Maali. Marka ninka xaaska leh lagu soo oogo dembi uu galay oo askari loogu diro gurigiisa si uu u soo xidho, ayaa waxa difaacda afadiisa, waxay ku tidhaahda askariga iyadoo duruufo faro badan u bandhigaysa, "Hebel isaga ayaa reerka biiliya, isaga ayaa lagu tiirsan yahay, isaga ayaanay noloshayadu ku xidhan tahay, markaasi haddii aad xidho halkee ayaanu wax ka heleynaa? waa su'aal aan lahayn meel looga fakado, waxay u soo bandhigtaa askarigani xadhiga u socday laba arrimood oo kala daran laakiinse isa u kala fudud, waa tani kowaade, in uu qoyska sida uu u dhan yahay yar iyo weynba xidho mar haddii uu qofkii keli ahaa ee ay ku tiirsanaayeen xabsiga dhigayo. Ta labaadna waxa ay tahay, in wiilka qofkani dambiga galay ka weyn beddelkiisa loo xidho isaga ayaan shaqaynin oo aanay cidina ku xidhnayne" askarigu dabcan tani dambe ee fudud ayuu qaadanayaa, wuxuna xidhaa walaalkiisii yaraa, marka saldhiga la geeyo ee ay taliyaha isku qaban waayaan labadani magac ayuu askariga u sheegaa in aanu ahayn kani kii uu u diray, wuxuse askarigu ugu jawaabaa isla jawaabtii ay afadii uu dambiiluhu qabay ugu celisay isaga oo weliba rumaysan una garaabaya duruufahani jira ee meesha yaalla.

Aynu u soo noqono soomaalida e, marka uu nin xaas lihi dambi gaysto waxa judhaaba odeyaashu ugu doodaan inu saaxibal ciyaal yahay, sidaasina ay door roon tahay in la damiinto arrintana bannaanka lagu dhameeyo. Kani hore iyo ninka doobka ah isku si looguma wada cararo. Waxa kale oo iyana xusid mudan, in ninkani reerka dhistay lagaga tegeynin sidaasi oo aanu koolkoolintaasi uun ku jiraynine, waxa laga qaadaa qaadhaanka ay tolku iska ururiyaan, gabadhuna dab yar ma shidayso, waxa loogu cararaa haddii ay dambi gashay si ka qoto dheer sida ninkeega loogu gucleeyo oo iyada waxa u wada dacwooda reerkii ay u dhaxday oo masuuliyadeeda kowaad iyagu qaadaya, iyo reerkii ay ka dhalatay. Xaga dumarkana waxa lagu darayaa liiska amma diiwaanka Ilsaamaha oo loogu soo hagaagi maayo sidii xilligii gashaantinimadeed umana dhaqmayso qaabkii hore ay iyadu ugu dhaqmi jirtay, waxa laga qaadaa baahooyinka loo ururinayo hadba reerka aan waxba haysanin, iyo diiqooyinka labadaba.

Miyaanu guurka iyo guri la yagleelaa ka ballaadhnayn sida ay in badan oo dhallinyarada maanta joogtaa u fikirayaan? Hubaashii, labada qof ee is doortaa xilliga dadabgalkooga iyaga ayaa ugu farxad badan dadka oo xataa ma cabbiri karaan farxadoodu heerka ay garaacayso, waana gartood oo waxyaabo fara badan ayey ka nabd galeen, laakiinse maxaa ka farxinaya inta qof ee kale ee iyaguna kala soo qayb gelaya guurkooga, ma waxa ka qoslinaya ee ay la muusoonayaan baa ah casuumadani ay soo xaadireen, maxay kuugu sacab tumayaan ee ay hambalyo diirran kuugula soo cararayaan? dabcan qof kasta si gaar ah ayey farxadiisu u saamaynaysaaye, Aabahaa waxa ka farxinayaa waxa weeyi in uu ogyahay in uu awow noqonayo haddii Ilaahay waa deeqsiye ubad idin kala siiyo, Hooyadaana Ayeynimada ayaa ka farxinaysa, walaalkana marka loo eego hadba labada qof ka uu la dhashay waxa uu noqonayaa Adeer amma Abti, walaashaana sidoo kale Eddo amma Habaryar. Bulshada kalena waxa ay ku faraxsan yihiin in aad soo biiriseen oo xoojiseen uun tiir ka mid tiirarkii ugu wacnaa bulshada, waxa kale oo ay maanka ku hayaan in haddii Ilahay waa deeqsiye ubad idinku mannaysto ay noqonayaan ubaxii dalka ee difaaci lahaa diinta iyo dadnimadiinaba.

Guurku waxa weeyi:

1:Meel lagu nasto:- Ma ogtahay in qofka guursadaa dhammaystiray qayb Iimaankiisii ka mid ah, kala badh oo itna hadhayna looga baahan yahay in uu Ilaahay uun ka baqdo||| Hore waxa u hadhaynayey daruuro kala geddisan iyo duruufo faro badan oo hadhaynayey. marnaba dhegahaagu kamay madhnayn in ay wax dareenkaaga kiciya maqlaan, kuwaasi oo ay la mid yihiin indhaha oo iyaguna arka wax dareenka kiciya iyo carrabka oo kuba hadla isagu waxyaabahaas. Waxa cad markaasi in haddii aanad xaaraan ku dhicin sino ah ay waxyaabahani dhinac kasta kaa hadheeyaan. Xilligaasi jidh ahaan iyo nafsaani ahaanba uma deganid. Biyaha ragga tusaale ahaan, waxay culimadu ku tilmaamaan in ay ka soo abuurmeen amma ka soo go'een dhammaan unugyada jidhka, waxanay ka kooban yihiin bay yidhaahdaan waxyaabihii uu jidhku quudanayey, waa dab kulul oo dhamac ku noqonaya jidhka oo marka ay waayaan halkii ay ku dhici lahaayeen ayey inta ay cabudhaan ugu dambayntana qofka oo aan iskaba war haynin oo hurda ay dibadda uga soo boodaan, waana kani riyoonaya, intaasi ayaa nafisaad yar u ah. Sidaasi ayaanu qofka guursadaa uga werweraynin dab guba oo uu la meero iyo weliba mashaakilkani ay doobnimadu leedahay.

2:- Dugsi lagu aasaaso bulshada:- Hore waxaynu u soo sheegnay sababaha ay ugu farxayaan noloshooda saddexaad ee dunidani noocyada kala geddisan ee bulshadu. Waxa dhalanaya ubad kaaga baahan tarbiyadooda, akhlaaqdooda iyo weliba maamulkooga adiga oo ku hagaya dariiqa saxda ah ee uu Ilaahay jideeyey. Dugsiga ugu ballaadhan ee uu ilmuhu wax ka bartaa waa guriga, oo hadba dhaqanka iyo sida uu ka arko labadiisa macallin ayuu isaguna isku deyeyaa in uu u dhaqmo maxaa yeelay waxanu haysanin indho kale oo aan iyaga ahayn. Hooyada ayaa ah tani ugu badan ee uu ilmuhu wax ka bartaa maadaama ay iyadu tahay, qofka gacan ku hayntiisa ugu badan. Qaybtani mar gaar ah ayeynu ka hadli doonaaye, gurigu waa meesha laga barto maamulka, waalidnimada, qadarinta, iyo is xoojinta. Waxana xusid mudan in aanu qofku umad hogaamin karaynin haddiiba uu dab ka holcayo aqalkiisa oo aanu garanaynin qaabkii uu u maarayn lahaa; waa kii C/laahi suldaan ku lahaa tixdani "Adduunyada ideylkeed haddii adi laguu dhibo, Hadduu aqalku kaa gudo xun yahay aayatiin ma laha e" Hoygii aad dunidani mashaakilaadkeega kaga nasan lahayd haddii ay isaga qudhisaba mashaakil ka oogan tahay,ased garan weydo sida loo xallinayo waa mid subxaana Allaah, oo Ilaahay laga hoos galo. Ugu dambayntii, guurku waa raaxo dunidani lagu sheego teeda ugu macaan, ee uu Nebigeenii suubanaa (NNKHA) ku tilmaamay in gabadh wanaagsan oo uu qofku helaa tahay dhaldhalaalkani dunida ta ugu fiican. Aakhiro xilliga xisaabtu dhammaato ee Ehlu jannuhu nimcadii Ilaahay durduurtaan, waxa qofka ka hadha dhib kasta oo dunidani lahayd, xataa saxaradii, kaadidii, iyo dhididkiiba way ka hadhaan laakiinse ma ogsoontahay waxa aan hadhin ee ka mid nimcooyinka Ilaahay waa Guur. Xuural cayn ah.

Waa inoo qodobka kale, haddii Ilaahay yidhaahdo,

                                                                                   

waxa qoray: Cumar Cali Ciidle.

                                            noloshaqoyska@yahoo.com

noloshaqoyska 48515 visitors (113722 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free