qoraalkani waxa fasixi kara qoraaga oo keliya
|
![]() |
|||||||
Tacliinta iyo qiimaheega. Nin gaboobay, qof fursad waayay, iyo mid ku ciyaaray ayaa garan kara maanta wixii tacliin iyo wakhti uu halleeyey isaga oo awood u lahaa, fursado qaali ahna haystay isaga oo ka qoomamaynaya aqoon darrada iyo jahligu halka uu geeyey. Kaagama sheekaynayo akhristeyahaw suubani qiimaha wax barashadu leedahay oo taasi hareerahaaga ayay ka muuqdaan. Subaxdaad toosto iyo tallaabadaad qaadoba mutacalimiin ayaa dunidani ku soo kordhaya, waxbay soo kordhinayaan. Iyagaa dunida ugu degan, iyagaana u fikiraya oo sheekhu wuu kaa cilmi badan yahay xilliga uu dadka wacdiyo ayuu ka sii cilmi badan yahay, proffesar ku sidoo kale weeyaan, dhakhtarkuna markasta oo uu shaqada faraha kula jiro ayuu sii faa’idaystaa. Wax baro oo xafid, hana samaynin waxaad baratay, taasi ayaa dunida ugu nasiib xun. Waad dedaalaysaa xilliga aad dugsiga tegeysid, xilliga aad masaajidka diinta ka soo baranaysid, xilliga aad buugaag akhriyaysid laakiin dedaalkaasi halkee ayuu ku dambaynayaa haddiiba marka aad ka soo baxdo qolkii aad wax ku dhiganaysay ee gurigiina timaaddo halka aad ku tuurto buugaagta subaxa dambena ka soo qaado, maalinta imtixaankana maanka ku daaliso inaad xafiddo. Tacliintu gebi ahaanba haddii aad isku hesho fahan iyo ficil ayay kuu macaanaanaysaa oo jeclaysanaysaa inu qalinka iyo buugu saaxiibkaaga kowaad ahaadaan, maalaayacniga iyo wakhti lumiskuna cadawgaaga kowaad ahaadaan. Marka loo eego soomaali gebi ahaanba meel kasta oo ay joogaan fursado badan ayay ka faa’idaysan waayeen; dhalliishana iyaga ayaa iska leh. Xilligii dawladdii Siyaad barre, goortii Ololaha wax barashadu socday ee dadka guryahooga loogu tegi jiray, reer guuraaga lala guuri jiray, faa’ido badan kamay soo hoynin dadkii xilligaasi joogay inay xattaa luuqada afka ay ku hadlayaan qori karaan oo akhriyi karaan. Xilliyadii ka horreeyey ee xataa quraanka loogu keenay ardaayadooda iyaga iska dhaafe ubadkooga inay xoolo u diraan ayay ka door bidayeen barashada quraanka. Way jireen duruufo ku xeeran xilligaasi oo wacyi gelin la’aani ka mid tahay, waanay jireen dad fursado u waayay inay faa’idaystaan, laakiin uma malaynayo in cudur daarkaasi manta jiro. Waynu hadalnaa, wax baynu daawanaa, waynu dhagaysanaa, oo intaasi waxbaynu ku mashquulsan nahay ee weli wax ma akhrinay? Iska dhaaf qoraal e, xilliga aad buuga kala furto ayay xadhko badan oo maanka ahi cidhiidhi dareemaan, indhuhu isku rooraan, maskaxdu xisaabaad kale ku soo hor dhigtaa, buugga waynidiisa ka naxdaa, indhuhuna ku daalaan,oo marka saaxiibkaa kuu yimaaddo amma chatting aad heshana dhammaan waxaasi oo dhami firfircooni halkii ugu sarraysay gaadhayaan. Tacliintu ma aha inta macallinku ku hor joogo, miyaanad ogayn in 50% in ka badan adiga kugu xidhan yihiin, oo hadba sida aad u dedaasho aad u caano maalasho. Dunidani soomaalidu markhaati ayay ka yihiin wax aka dhacaya, oo haddii la waydiiyo waxay su’aalo badan jawaab uga dhigayaan, “Haa way jireen oo aniga ayaaba isticmaalayay”. Paltalk?, “aniga ayaa habeen oo dhan ka duryamayay”. Telephan iyo mobile? “dhegaha ayaa igu casaaday sidaan ugu hadlayay”. Internet?, “kaasi haba sheegin, mid aan saacad laguu xisaabinaynin ayaa soo baxay oo habeen iyo maalin aad ku jiraysid” Baabuurta ka warran? “Kuwaasi dhul dhoweeye inta ay dhaafeen ayaa xarrago la iskugu faanaa, oo hooyo lacagtay hayso lagu soo iibsadaa”. Hubka ka warran? “Waad war laada’ay, kuwaasi anaga ayaaba isku dhamaynay”. Waxaasi oo dhan xataa bariiska aad caloosha gelisid adigu ma lihid; bado iyo masaafo dheer ayaa lagaaga keenaa, rag baa inta ay ka ganacsadaan ka taajiray. Beeraan lahayn iyo xoolo oo labadaba abaaro iyo xaaluf baa daashaday. Nolosha oo dhan hurdo miyaynu kaga jirnaa, tacliinta lagu sameeyey baabuurta, amma heerkani lagu gaadhay ma iga xaaraan baa inaan helo. Fursadaha tacliintu mar ayay ku soo maraan, in laga faa’idaystaana xilliga ay ugu macaan tahay weeyaan, dhallinyarnimada, meeshii aad wax ka heli kartoba tag oo faa’ido ka soo qaado. Haddii aad youtube ka raadisid sida birta loo dhalaaliyo miyaanad arkaynin. Culimadii quraanka guryaha inoogu keentay safar dheer inta ay u baxeen ayay inagu soo noqon jireen iyaga oo caalim ah oo dadku ka dambeeyaan. Quudkoogu xilligii ay halganka tacliinta ku jireen dawaro (tuugmo) ayuu ku xidhnaa, oo inta la siiyo loxoox (Cambuulo) amma canjeero ayaa eyda lagu diri jiray. Dib u raac taariikhda oo imisaa inta ciidan (shaqaale) laga dhigay adhiga iyo xoolaha raaci jiray, imisaa waraabe dhanka ka cunay, imisaa naftoodiiba ku waayay sidii ay wax u baranayeen. Umad waliba waxa ay tabcato ayay dunidani kula tartantaa adiguna kaasi ka qayb qaado ardayahow suubani, hana ka qayb qaadanin tartanada fasahaadka, wakhti lumiska iyo aayo la’aantu ka dhex muuqdaan, dayaxa waad gaadhi kartaa, daawooyin waad samayn kartaa, gantaal iyo diyaarado, intuba gacmahaaga ayay ku jiraan haddii aad tacliinteeda soo qaadato.
|
|
|||||||
![]() |