waa duruufo yaalla oo kugu hagaya in aad guursato.
Waxa jira dareen ka soo yeedhaya badhtamaha qofka bini aadamka ah, waana qariisadiisa uu Ilaahay ku abuuray si ay u suuro gasho jiritaanka aadamaha iyo dunidaniba, inta wakhtigeedu idlaanayo. Qariisadani amma shahwaadkani waxay qofka ku hagayaan in uu guursado, su uu u demiyo kulaylka faraha badan ee ka soo yeedhaya jidhkiisa. Culimadu waxay ku tilmaamaan biyaha ragga ee Manida loo yaqaanaa inay ka abuuran tahay dhigii ay quudanayeen unugyada jidhku, waana kulayl naar ah. Marka ay qofka ku gaamuraan waxay ku keentaa cabudhaad faro badan; oo ugu dambeyntana natiijadiisu noqoto in ay dibada isaga soo baxaan isaga oon qofku ogayn waana tani aynu ku tilmaano riyada.

Ka sokow deminta hocani jidhka iyo maankaba dhibaya, waxa qofka ku abuuran lahasho kale. Dunidani shay kastaa waa lamaane, xataa walxaha caadiga ah ayaa isticmaalkoogu lammaane ku xidhanyahay, halkaasi waxa ka cad in aanay qawaaniinta Ilaahiga ah ku jirin qof keligii socda, wixii uu rabayna sidii uu ugu talo galay u hela. Kala wacan oo kala bilic san ninka salbateerka ah iyo kani xaaska leh. Tani kuma jirto mana fasirayso tilmaantani, galmada oo keliya, waxa laga yaabaa inay jiraan dad qaatay fikirka hooga badan ee saaxiibtinimada; marka uu qofku xeerkani ku dhaqmo waxa hubaal ah in uu mar uun ku dhaco shahwaad xaaraan ah; dadka caynkaasi u dhaqma iyo ninka xaaska leh weli farqi weyn ayaa u dhexeeya oo wuxuun baa ka dhiman qofkani salbateerka ah, walow uu siyaabo kale yeelo. waxa ka maqani waa deganaanshihii nafta iyo qalbiga iyo qof ay xalaal gogol uga soo wada toosaan oo weliba loo gelbiyey. Rabitaankani ah in uu qofku kelinimada ka baxo, waa kani kugu qasbaya inad guursato.
Inan kasta si toos ah ayey ugu abuuran tahay hooyonimadu, laga soo bilaabo raad qaadkeega ilaa xilliga ay dhalmo diyaar u tahay; haddana lab iyo dhidig waxa kale oo guur ku hagaa waa si ay ubad u dhalaan, waalid u noqdaan oo ay ku indho doogsadaan ubaxa quruxda badan ee Ilaahay ku mannaysto. Miyaanad arag hablo badan oo iyagoon la guursanin ilme yar "mamo" ku leh.
Haddii ay saddexdani rabitaan ee ku tacaluqa qawaaniinta Ilaahay dunidani u dhigay, waxa hubaal ah in aad si buuxda u fahanto nolosha qoyska. Marka ay kulaylka uun demi kaa tahayse, waxa la kulmaysaa mashaakil badan kol aad jacaylkaba u qaadato in uu haasaawaha ku idil yahay, amma marka ubad la dhalo uu baaba'o.
Guurku waa belaayo xijaab, waana deeq uu Ilaahay ku mannaystay aadamaha, wuxu kaa demiyey dabkii kululaa ee ku dhibayey, wuxu ku dareensiinayaa masuuliyad iyo inad ummad idil u tirsan tahay, wuxu kuu dhammaystirayaa qayb ka mid ah iimaankaagii oo inta hadhayna ku xidhan tahay uun Alla ka cabsi. Guurku, waa guurka e, wuxu kaa xijaabayaa cudurada AIDS ka ah, Jabtida iyo xanuuno xataa waalli ku gaadhsiiya mararka qaarkood.
Guurku waa shayga keliya ee aakhiro jiraya ee marka saxaro iyokaadi iyo khashin oo idilba Ehlu jannaha laga sifeeyo, waa raaxada keliya ee soo hadha laakiin kuma jirto in lagu dhalo Jannada.
Kalgacaylku waa qani caashaqa ka qaro weyn. Kalgacaylku gooram ayuu yimaadaa? Waa martabad ka sarraysa jacaylka. Waxa laga yaabaa in ay labada qof jacayl isku qabeen ka hor inta aanu meherkooga iyo guurkoogu dhicin. waana kani Ilaahay ku yidhi quraanka "Waxannu dhexdooda dhignay (Lammaanaha) kalgacayl iyo naxariis" Kalgacal waa derejo in badan ka sarraysa jacaylka. Ereygani markii aan dhinacyo ka eegay, waxa arkay, in uu ku kooban yahay lammaanaha oo aan lala wadaagin. Waxa hubaal ah inad tidhaa haddad tidhaa "shaygani waan jecelahay" waa suuro gal in la cabiri karo jacaylkaagaa, waayo jacayl cid kasta iyo shay kasta ayuu u dhexeeyaa, balse ka warran haddii aad tidhaahdo "shaygani kalgacal ayaan u qabaa" halkaasi waxad ka garanaysaa in uu kalgacalku gaar u yahay lammaanaha.
Ugu dambayntii, guurku waa nimco aanu garan karin ninka aan dhadhamin, kani gogol dhaafka ku foorora, iyo ninka suuqa iska joogaa, ee raadi dariiqiisa saxda ah.











Wixii talo ah fadlan: noloshaqoyska@yahoo.com