Nolosha qoyska
nolosha qoysku waa ta keliya ee ugu wanaagsan marka dhinacyo badan laga eego ha ahaato qaab deganaanshaha qofka, tarbiyadda, isku dheelli tirnaanta diinta qofka aadamaha ah, iyo weliba isku xidhnaanta iyo abuuridda bulsho dhamaystiran oo wadata akhlaaqdeeda, tarbiyadeeda, iyo ixtiraamkeega. Ninka isku deyeya in uu guursadaa waxa uu masuul ka yahay ummada inteeda kale oo wuxu soo saarayaa jiilal uu isagu si khaas ah u barbaarinayo hadhowna u ula soo bixi doonta waxa ay kala yimaadaan guriga dhexdiisa bulshada. Waa in aanad ka fikirin gudashada shahwaadkaaga oo qudha laakiin aad in badan ka fikirtaa nimcada Ilaahay ku siiyey sida aad ugu hagayso dariiq sax ah oo ah kani ka madhan burburka, qaylada, niyad jabka iyo weliba muuqaal xumida in badan oo qoysaska soomaaliyeed hadhaysay.
websitkani wuxu ka hadli doonaa dhinacyo badan oo saameeya nolosha dhabta ah ee qoyska wuxuna in badan la hadli doonaa dhallin yarada.
waxa leh Omar Ali Idleh
wixi is jeceli ha noladan
Nolosha qoyska.
wixii talo ah fadlan noogu soo dir
noloshaqoyska@yahoo.com
