Adduunyada dhammaanteed haddii adi laguu dhiibo, hadduu aqalku kaa guda xun yahay aayatiin ma laha e.

qoraalkani waxa fasixi kara qoraaga oo keliya
 

 

Cilmu nafsiga guusha: Qaybtii 1aad

Qaybta kowaad:
Dhammaystirka suurad wanaagsan oo naftu leedahay.
Brayan trisy wuxu sheegayaa: in uu ku tijaabiyey macluumaadkani in ka badan 5000 oo qof, badhkood noloshoodu waxay iska beddeshay jahawareerkii iyadoo u gudubtay xagga guusha iyo xaqiijinta ididiiladooda, wuxu leeyahay 5% keli ah ayaa guulaysta laakiin waxa jiray suuragalnimo dhab ah –ninka raba- in uu ku guulaysto dhinacyo badan oo aan caqligiisa ku soo xaadirin sida dhinacyada maadiga ah, ijtimaaciga, iyo qoyska waxana laga yaabaa in uu ku guulaysto beddelaada caadooyinkiisa iyo raadaynta dadka dhexdooda uu ku raadaynayo.
Wuxuna xadaynaya lix astaamood oo lagu guulaysto:
1.       Deganaanshaha qalbiga, waa caqliga oo xasila, macnaheegu waxa weeyi in aanu qofku dareemin wax dembi ah iyo in aanu dareemin cabsi.
2.       Sugitaanka awood heer sare ah in aad leedahay.
3.       Xaqiijinta xidhiidha wanaagsan oo dadka kula dhaqanto, taasi waa shayga aasaasiga u ah in aad xaqiijinta nafsaani ee qofka.
4.       Dhaqaale oo aanad u baahanin. Baahidu shakhsi ilaa shakhsi ayay ku kala duwan tahay, qaar dadka ka mid ah ayaa waxa ku filan dakhli fududi inu soo galo oo aan dareemaynin inu wax badan u baahan yahay, qof kalena dakhligiisu wuxu noqon karaa toban lab, mana dareemayo inu u baahanyahay in ka badan.
5.       Helitaanka himilooyin sarreeya oo nolosha bini aadamka ku sugan.
6.       In la dareemo xaqiijinta nafsaani.
Wuxu is waydiinayaa trisy: in yar oo dadka ah ayaa xaqiijiya hadafyadooda, sidaasi oo casrigeenuna inoo dhammaystirayo derejooyin sare oo adeeg ah. Maxaa sababay xaqiijin la’aantaasi?
Jawaab: mid inaga mid ahi noloshani wuxu yimiday isaga oon lahayn waxyaabo haga oo ka shaqaysiinaya noolahani aynu nahay waa aadamaha e. qofkii keli ahaa wuxu noqonayaa sida kumbuyuuter aan lahayn bugaag haga iyo tacliin toona. Sidaasi ayaynu in badan oo nolosheena ah ugu qaadanaa isku dayga ah in aan ogaano awoodeheena, sidaasi ayay ku dhammaanaysaana noloshu iyada oo aan wax badan laga gun gaadhin. Laakiinse side baynu u sugi karnaa nolosheena? Side ayay nolosheenu u ahaanaysaa mid aynu xaqiijin karno oo jihayn karno? Side ayaynu u sugi karnaa oo uga faa’idaysan karnaa awoodaheena inaga qarsoon ee Ilaahay ina siiyey?
Jawaabta wuxu ku bilaabayaa trisy in uu xadido mabaadii’da aasaasiga ah amma qawaaniinta aasaasiga ah ee lagu fahmayo nafta marka laga eego dhinaca guusha.
 
Qaanuunka sugitaanka iyo xukunka.
Trisy wuxu leeyahay: xaddiga aynu ka haysano sugitaanka iyo jihaynta aan gaar u leenahay ayaa wuxu xadaynayaa xaaddiga caafimaad ee nafsaani, lahashadeednu waxay xaqiiqowdaa iyada oo aanay nafteena khalkhal ku jirin sida murug oo kale. Taasi macnaheegu waxa weeyi in la inaga rabo in aan dareeno in hoggaanku gacmaheena ku jiro, oo aanu ku jirin gacan awood kale oo dibada ah. Inaga ayaa jihayn karayna nolosheena. Hase yeeshee in badan oo dadka ahi waxay dareemaan taasi liddigeeda, waxay dareeemayaan inu nasiibku xukumo noloshooda. Mana awoodaan qorshaynta noloshooda. Waxay sugayaan uun waxa ugu dhici doona si adag side ayaanay u suurto geleysaa inu bedelo taasi. Jawaabtu waxa weeyi aynu barano qaanuunka sababta iyo natiijada. Sababta iyo natiijadu waa qaanuunka dhaqdhaqaajiya caalamka. Waxa dunidani ka dhacayaa sabab ayay leeyihiin. Haddii aynu si fiican u fahamno waxa qasab inagu noqonaysa in aynu garano in wax kasta oo dhacayaa qaanuunkaasi ku salaysan yahay, wuxu leeyahay sabab, oo haddii aynu sababta helno waxa suuro gal ah in aynu natiijada beddelno. Sababta ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo gorgortanka iyo hammiga nafta ku dhex sugani yahay uun garashada sababta iyo natiijada.
Iyada oo uu ku salaynayo trisy qaanuunka sababta iyo natiijada wuxu leeyahay: fikirkeena hadda ayaa natiijo u ah wax kasta oo hore u soomaray caqligeena, oo shuruudda nolosheenana waxaba samaynaya fikirkeena. Haddii aynu beddelno fikirkeena waxaynu beddeli doonaa shuruudda nolosheena (jihada ay hadda u socoto). Waxa uu qofku u aaminsan yahay inay sax tahay ee u gudbaya shucuurteena ayaa saamayn ku yeelanaya noloshiisa. Xataa haddii waxa uu rumaysan yahay yahay khalad natiijadu waxay ku salaysnaanaysaa uun rumaysadkiisaasi. Sababtuna waa waxa uu rumaysan yahay ayaa isaga la saxsan. Wuxu halkani ku sheegayaa tusaale: arday derejooyinkiisu sarreeyeen xilligii dugsiga sare, deedna u fadhiistay imtixaankii jaamacadda lagu geleyey, imtixaankii gelistana waxay jaamaddu siisay derejo 98 ah, wuxu u maleeyey ardaygii in ay derejadani tilmaamayso qiyaasta maskax wanaagiisa, qiyaasta intelligence ka lagu eegaana waa 98, taasi oo ka yar 100. Fasalkii ugu horreeyey ee jaamacadda derejooyinkiisu waxay ka yaraayeen 100. Macallin ayaa la hadlay, oo ogaaday in ardaygu u malaynayo in natiijadii imtixaankii gelista jaamacadda ee uu heley uu 100 ka yaraa. Laakiin macallinkii ayaa u saxay khaladkiisii oo fahamsiiyey in derejadii uu heley markuu jaamacadda soo geleyey ahayd uun in uu ka fiican yahay 98% ardayda. Fasalkii labaadse derjooyinkii ardaygu kor ayay u kaceen.
Wuxu trisy leeyahay waxa aynu nafteena ka rumaysanahay waxaynu ka soo qaadaanaa hareeraheena, gaar ahaana xilliga carruurnimad hore, wuxu caqligeenu u diyaar noqdaa in uu aqbalo waxa waafaqaya waxa aynu fateena u rumaysanahay wuxuna diidayaa waxa aan waafaqsanayn fikirkeena, macnuhu waxa weeyi waxaynu rumaysanaa inta ugu badan ee ah waxa uu fikirkeenu ku suganyahay hadda.
 
Qaanuunka filashada.
Waxa aynu filanayno inu dhaco ayaa sabab u noqda in aynu u jihayno nafteena dhinaca waxaynu filayno. Haddii aan fisho tusaale ahaan in aan noqonayo mid guulaysanaya oo si xoog ah ugu adkaysanaya taasi kaasi ayaa samaynaya guusha. Waxan ka hadlayaa naftayda waxan filanayo mararka qaarkoodna dadka kale ayaan ka hadlaa, taasina waxay yeelaysaa fikrad guulaysata oo in badan suurto gelinaysa jihaynaysana habdhaqankayga aan ku xaqiijinayo arrinkaasi. Kuwa fisha shay guni waxay u dhaqmaan uun wixii ku haboon waxa ay fisheen, xataa dadku haddii ay fishaan lugooyo – in kata oo filashadoodu khalad yahay asal ahaan – filashadoodaasi waxay samaynaysaa lugooyo uun, waana wax baadhitaan lagu xaqiijiyey. Waxa aan ka filayo inu noqdo habdhaqankaygu wuu rumoobayaa, xataa haddii filashadaydu asal ahaan ku salaysan yahay khalad.
Wuxu trisy soo qaadanayaa tusaale: maamule dugsiyada sare mid ka mid ah dugsiyada sare ayaa ku yidhi macallimiintii: maadaama aad tihiin saddexda macallin ee ugu wanaagsan waxa dhab ah in aanu idiin soo xulnay soddon arday oo ah kuwii ugu maskax wanaagsanaa si aad si gaar ah wax ugu bartaan, haseyeeshee ha uga warramina ardayna hana uga waramina dadkooga, taasi tacliintooda ayay kharibaysaa e. si caadi ah ayay ugu dhigayeen ardayda manhajkii caadiga ahaana way adeegsanayeen, laakiin waxan filansiinay natiijooyin wanaagsan. Run ahaantiina natiijooyinku kuwo fiican ayay noqdeen, waxay sheegeen macallimiintiina inay arkeen ardaydii oo u fahmaya una si aanay weligood arkin, deedna , macallimiintii ayaa looga warramay in arrinku ahaa uun tijaabo, ardayduna kuwo caadi ah ahayeen oo magacyadooda la isku soo dhex qasay iyada oo aan la kala soocin, macallimiintuna caadi ahaayeen oo magacyadooda loo qori tuuray uun, waxan halkani ku arkaynaa in filashooyinku ahaayeen uun kuwa natiijooyinkaasi keenay xataa haddii macluumaadka la adeegsaday asal ahaan khalad ahaa.
Wuxu trisy sheegayaa: in waxa ay aabeyaasha iyo hooyooyinku ka filanayaan awlaadoodu saamayn wayn ku yeelanayo dhaqanka ubadkaasi. Waxa ay kuwa kale inaga filanayaan ayaa xukumaya hawlaheena, shardi ayaa ku xidhan ah in filashadoodu awood badan tahay oo caddahay. Haddii la isku waafaqo in hawl wanaagsan la qabto sidaasi ayuun buu noqonayaa, haddii la fisho guuldarrose sidaasi ayuunbay u dhacaysaa, sidaasi darted labada waalid waa inay u foojignaadaan waxa ay ka filanayaan ubadkooga.
Qofka ugu muhiimsan ee filashadiisu u xaqiiqowdaana waa aniga. Waxa aan naftayda u filanayo ayaa in badani ka suuro gashaa amma xaqiiqo noqotaa, ha ahaado filashadaydu mid sarraysa amma hoosaysa e, sidaasi ayaa muhiim ah in aan fisho uun shay wanaagsan.
 
Qaanuunka guusha.
Macnaheedu waxa weeyi bini aadamku waa sida birlabta, duruufta ayuu soo jiidanayaa iyo shakhsiyaadka iyo weliba dhacdooyinka ku munaasibka ah qaabka uu u fikirayo. Haddii uu doonayo inu beddelo dhacdooyinka iyo duruufaha wax ku waajib ah inu beddelo qaabka uu u fikirayo. Ka ay wegertiisu ku wareegayso guushiisa wuxu naftiisa u soo jiidayaa waxkasta oo natiijo xun leh. Haddii ay fikiradaydu ifayso oo xagga wanaagsan u jeeddo waxan soo jiidanayaa xaaladaha, dhacdooyinka iyo shakhsiyaadka ii xaqiijin karaya natiijo wanaagsan. Fikirka naftayda aan ka qabo ayaa rumoobi doona, fikirka aan naftayda ka haystaa wuxu ii dhamaystirayaa uun xaaladaha ii rumaynaya wax wanaagsan amma mid xun. Waxa sugnaaday in 94% oo kuwa guulaystay xilliyada ay hawsha ku jiraan aanay ahayn guushoodaasi cilmi ay barteen, laakiin mawqifka ay naftooda u qabeen ayaa ahaa mid wax ku ool ah. Haddaba muxuu u noqon waayay mawqifka dad badani naftooda u qaabaan mid wax ku ool ah? Halkee ayuu ka yimaadaa mawqifka nafteena ka soo go’ayaa macnaha ku wajahan nafteena? Wuxu ka imanayaa filashada. Filashada aynu iska dhaadhicino in arrinku noqonayo mid xun sida ay inoola muuqato ayaa ka dhigaya mid xun runtii. Taasi macnaheegu waxa weeyi haddii aad awoodo inad ku qanciso naftaada in aad awoodo qabashada wax wayn, xattaa haddii ay assal ahaa hawo uun yihiin waxa aad filanayso (wax aan dhici Karin) sidaasi noqon mayso ee wuu dhacayaa. Mawqifka naftaada aad ka qabtaa xaqiiq ayuu noqonayaa. Dadku ma fishaan wax qancinaya naftooda, sidaasi ayaanay u xaqiijin in ka badan shan arriimood oo awoodooda ah.
Hadda haddii aan rabo in aan kor u qaado tayada fikir ahaaneed ee aan naftayda ka haysto waa in aan beddelo qaabka aan u fikirayo.
Sawirka aan naftayda ka haystaa waa sawir guud uun. Laakiin waxa la heleyaa boqolaal suuradood kala geddisan: sida aan u fikirayo ka walaal ahaan, ka aabbe ahaan, ka qof sheekeeya meel, sawirka aan ka haysto dhinaca barashada luuqadaha. Guud ahaan marka la isku geeyo suuradahaasi kala gedisan ee nafta amma fikirka aan naftayda ka qabo waa fikir guud.
Waxa jira saddex qaybood oo suuradda nafta ah:
1.       Fikirka uu qofku iska qabo: guud ahaan fahamkayga iyo muuqaalka aan ismoodayo, ayaa ah fikirka aan iska qabo. Waxan jecelahay inan noqdo. Arrinkaasi wuxu raad ku yeelanayaa qiyaasta habdhaqnkayga iyo inta aan u dhowahay hadafkayga. Haddii aan soo koobo hadafka, aadame kastaa wuxu doonayaa in uu guulaysto, laakiin mid kastaa wuxu leeyahay fahamkiisa gaarka ah ee uu ku macnaysanayo guusha.
2.       Sawirka uu hadda haysto: macnuhu waxa weeyi waxa aan u malaynayo amma ka aaminsanahay naftayd xilligani. Waxa dhab ah inaynu u dhaqano hadba sida aynu nafteena u rumaysanahay. Taasi macnaheegu waxa weeyi in qofka guulaystaa u dhaqmo sida ku habboon ee lahashadiisu sheegayso oo ah in uu guulaysanayo, ka isku murgiya xumaana ka fisha lahashada kuwa kale sidaasi uun ayay u noqotaa, wuxu rumaysan yahay in aan la jeclaanaynin hawl kasta oo uu qabto. Haddii ay is beddesho fikirka aan naftayda ka haysto ee gudahayga ku duugan waxa isbedelaya habdhaqankaygaa oo ku salaysan hadba sida aan suuradayda u beddelo amma fahamkayga.
3.       Ka raalli noqoshada nafta. Kaasi waa caqliga nafta aadamaha. Waa hawl geliyaha ugu muhiimsan gudashada hawlaha iyo soo saaristoodaba. Qaddarinta naftu mar walba waa xaqiiq dheeldheel ma aha. Waa hadba inta aad naftaada ku kalsoon tahay, intee in leeg ayaad naftaada ku kalsoon tahay shaqaale ahaan, say ahaan, ka qof urur ka dhex hadlaya. Hadba inta aad naftaada ku kalsoon tahay ayaa waxa ku xidhan gudashada hawlahaaga. Mar kasta oo aad tidhaahdo: waxan raalli ku ahay naftayda amma ku kalsoonahay naftayda waxay kuu wanaajinaysaa gudashada hawlahaaga. Taasi dheh adiga oo ku qanacsan. Dheh in badan oo ku cel celi maalin kasta ilaa ay caqligaaga hoos ugu duxayso ilaa iyo inta aad naftaada ku kalsoonaanayso ee naftuna u laylsamayso.
Waxa jira khalad soo if baxa: in kalsoonida nafta amma raalli ka ahaanshuhu yahay shay xun oo wax kharribaya. Taasi waa khald. Raalli gelinta naftu iyo tixgelinteedu ma aha lugooyo mana aha isla waynaan iyo kibir. Raalli gelinta nafta amma ku kalsoonaanta naftaadu waa arrin sax ah iyo awood kugu xidhaysa jacaylka dadka intooda kale. Lugooyadu se waa mid kakan. Lugooyada kala dhinaan ayaa ku sugan. Ka naftiisa qadarinayaa iskama sarraysiiyo kuwa kale. Waxa mustaxiil ah in aad u jeclaato qofna sida aad naftaada u jeceshahay marka laga reebbo Nebigeena suubban SCW, waxana kugu waajib ah in aad ogaato in aanay dadku ku qadarin doonin weligaa haddii aad naftaada qadarin waydo.
 
Sidaasi ayaa waxa korkaaga ah in aad ku tidhaahdo marar badan naftaada maalin kasta: naftayda ayaan raalli ku ahay. Waanan aqbalayaa. Taasi waxay keenaysaa natiijooyin qurux badan. Dheh taasi ka hor inta aanad qaadan go’aamada ad adag kuna celcli daqiiqado dhowr ah deedna tijaabi intee ayay faa’idadu tahay. Sababaha dhaliya mushkiladaha bulshada haleela waxa ka mid ah iyada oo aanu qofku naftiisa qiimoba siinin.

La soco qaybta labaad.
 

SIRTA NOLOSHA:


Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye
Kol hadday silloonaato
Samaheedu waa dhiige
Sumuc talada loo dhiibye
Sida sida sidaas weeye
Si la yeeli jirey weeye

Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa
Bal sallaankan fuul laalan
Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali
Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho

Raqda solan lafaa soogan
Bal su'aal u celi meydkan
Sababtuu u go'ay raadi
Bal dhegeyso saylaanka
Iyo salowga beer-qaadka
Iyo sebiga yeedhiisa
Waxaad aragtay oo saasa
Waxaad maqashayoo saasa
Maxaad odhan lahayd Suudi?

IDHO BADAN

God abeeso ninkii
Illinkeeda degow
Taladaadu iyaa
Ma allow sahal baa?

Arraweelo markay
Laba eefka lahayd
Igadh geela haddii
Nin aroorsan lahaa
Amarkeedu hor yiil
Odhan mayno kolkey
Awooddii rag dhintay
Sii agaasimatoo
Aakhiruu ku maqnaa
Ugaaskay dhaxashoo
Arrimii dhacay qaar
Utintooda haddeer
Lama oogi karoo
Abba looma hayoo
Sheekadaaba iskeed
Ma amaahan karee
Halka aahdu ku taal
Waa la sii axadhaa
Godob oofa ruqdaa
Aabudhkeeda riddoo
Alolkay jaratoo
Ibahay furatoo
Aslimayno dhaliil
Odjamleedi durkee
Immankaynu hubnaa
Waxa eegga jirree
Awgayow taladii
Ifka maw rogannaa

HOOYO:

Hooyoy la'aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.

 
noloshaqoyska 37500 visitors (95304 hits) bogani
=> Do you also want a homepage for free? Then click here! <=
Garashiyo sugnaan yeelo, falka sami ha kuu raaco, mana jiro sed kaa baaqday.