Noloshani ma ah mid dhayal inta ay ku dhisanto haddana si dhib yar ku burburta..... inad fahantid oo keliya weeyaan.
Nolosha qoyska - Cilmu nafsiga guusha Q.3aad.


Qaybta 3aad.
Qaabee naftaada si ay u guulaysato.
Sadarradii hore waxan ku ogaanay in aan u socono hadba sida aynu u fikirayno uun, wii aan hadda ku fikirayo ayaa dhaqankayguna xaqiijinayaa, waxa aan ku fikirayo hadda ee arrimaha taagan ah ayaa dhammaan koobay fikirkayga oo dhan, mana awoodayo in aan wax mustaqbalka ah iyada oo aan kaashanayo jidhakayga laakiin aan kaashaanayo awoodaha caqligayga.
 
Halkani waxan ku soo bandhigaynaa qaaciidooyin waawayn oo ina soo bara badhkood inaga oo laba qaacido oo keli ah uun ku kordhinayna.
 
1.       Waxa aan si xoog ah u aaminsanahay ayaa la falgeleya shucuurteena deedna noqonay wax aynu ka sal gaadhno ha ahaato shucuurteenu mid dhinaca wanaaga u janjeedha amma mid kakanba e, haddaan si kale u dhigo ha ahaato wax dani inoogu jirto amma aanay inoogu jirin, amma ha ahaado rumaysadkeenu mid ku qotoma xaqiiqooyin amma hawo aan jirinba.
 
2.       Qaanuunka filashada: waxa aan si wayn u filanayno ayaa isku beddela shay laga sal gaadho, sidaasi ayay muhiim u tahay in aynu nafaheena u filano wax lagu liibaanayo.
 
3.       Qaanuunka soo jiidashada: waxa aad ku fikiraysaa dad ayuu soo jiidanayaa, iyo dhacdooyin iyo weliba duruufaha ku wajahan fikirkaaga eek u habboon. Fikirkaagu wuxu ku faafayaa cidda kugu xeeran wuxuna soo jiidanayaa waxa ku habboon.
 
4.       Qaanuunka u fiirsashada. In waxa aynu ka fikiraynaa noqodo mid aan u fiirsanayno si uu caqligeena ugu duxo. Sida dhirtuba ugu baahan yahay biyaha ayaa waxa aynu ka fikiraynaana ugu baahan yahay in aan joogtayno ilaa uu muquurto caqligeena, deedna uu noqdoba qayb habdhaqankeena ka mid ah.
 
5.       Qaanuunka bandhigista. Caqligu wuxu awoodaa uun ka falanqaynta amma bandhigidda fikrad keli ah xilli keli ah, haddii aynu caqligeen dhex gelino fikrad wax ku ool ah waxan meesha ka saaraynaa tii kakanayd. Fikirkuna waa wax ku ool – anigu tusaale ahaan waxan ku jiraa xaalad wanaagsan -- waa sida biqilka oo kale. Fikirka kakanina tusaale – murugta iyo cabsida – tusaale ahaan waa sida haramaha oo kale, biqilka dhibaatada watana beerta laguma daayo, halka fikirrada faa’idada lihina ugu baahan yihiin in la xanaaneeyo oo la daba galo. Caqligu waa sida atmosfeerkani inaga sarreeya umana baahdo in uu firaaqoobo, haddii aynaan ka buuxinin fikradaha horumarka keenayana waxa ka buuxsamaysa uun fikradaha kakan.
 
Fikradda aan shucuurta iyo lahashada ma shaqaynayso, shucuur bilaa fikir ahina way jahawareeraysaa uun.
 
Haatani laba qaanuun ayaan ku kordhinaynaa:
 
1.       Tabobar: awoodeena aan hawl ku qabanaa waxay ka bilaabantaa xirfad deedna waxa raaca in gacanta laga qabto xirfadii taasi oo ugu dambayntana noqon doona caadadeena. Haddii aan rabno in habdhaqanka kakan meeshiisa galo mid wanaagsan, waa in aan in badan taasi ku fikirnaa ilaa ay caadi ahaan uga mid nonayso qayb caqligeena ka mid ah.
 
2.       Qaanuunka deganaanshaha: qaanuunkani wuxu leeyahay awoodda dheeraadka ah ee la saaro hawsha caqligu qabanayaa way burburtaa uun. Waxan naqaanaa in camalka gacanta laga qabto –sida geed la gooyo amma wax la qodo oo kale—markasta oo aan libinlaabno dedaalkeena waa markasta oo natiijadu fiicnaanayso. Cammalada caqliga laga qabtaase si buuxda ayay taasi uga duwanyihiin. Oo markasta oo aan u raaxayno amma dejino caqlineena waa markasta oo natiijadu fiicnaato, laakiin markasta oo aan degdeg ku abuurno caqligeena si uu u gaadho natiijada ka hor inta aan wakhtigeeda la gaadhin waan khasaarnaa. Waxa inagu waajib ah in aan aaminsanaano in deganaan iyo u raaxaynta caqliga arrinku ku hagaagayo haddii aynu u sabirno wakhti ku filan.
Side ayay inoogu suurto geleysaa in aan u beddelno habdhaqanka kakan mid furfuran, qof kastaa waa sida shimbirka la yidhaahdo sayroon, hadhow iyo haddeerba wuu isbedbedelaa. Ma awoodo inu arrin joogteeyo ka gungaadhisteeda. Haddii aynu taasi si fiican u fahamno waxa suurto gal ah in aan u digarogano wax muhiim ah oo faa’idona leh.
Si aan arrinkaasi u helno waxa inagu qasab noqonaysa in aan ka guulaysano labadani mushkiladood:
1.       In la ilaaliyo isku dheerlli tirnaanta waxa jooga.  Mushkiladani macnaheegu waxa weeyi in dadku u iishaan in aanay beddeli karaynin marxaladda ay hadda ku jiraan. Oo markasta oo ay dareemaan inay isbeddelayaan waxay hummaagtaan inay hakanayaan. Waxa laga raabana waa in aan meesha ka sarno shakhsiyadeenii gabowday una gudubno mid qaab fiican iyo joogtaynba leh kana sarraysa xaaladda aan hadda ku jirno.
 
2.       Mushkiladda (Jaldata) nafta: mushkiladani waxay soo ifbaxdaa marka uu qofku isku dayo inu wakhtiga ku koobo qodob cayiman oo keli ah, sidaasi darted ayaanu dhaqdhaqaaq u samaynaynin ilaa uu gaadho saacaddii uu arrinkaasi qabanayay oo keli ah. Labadaasi cilladood waxay joojiyaan korriinka nafsaani.
 
Helitaanka isbeddelka caqliga iyo qaabka uu u fikirayo ma aha wax adag, keliya waxay kaaga baahantahay (21) cisho. Waa inan u fikirno una sheekayno una qabano wax hadba sida habdhaqankeenu ina farayo. Si uu taasi u gaadhona waxa ku waajib ah inu qofku muuqaal buuxa ka bixiyo sida uu rabo inu ahaado, tusaale ahaan qofka uu rabo inu noqdo. Tusaale ahaan wuxu rabaa inu noqdo shakhsi la jecelyahay oo naxariis badan, amma qof hogaamiye ah, amma qofka qaata go’aamada ad adag, waa inu u fikiro sidii oo uu yahayba qofkaasi. Haddii aad suuraysato inad gaadhayba qaabkii aad rabtay inad noqoto taasi waxay qunyar iskugu beddeli doontaa xaqiiq jirta. Dhab ahaana dariiqani waa qaabka aan ku kasbano caadooyinka cusub ka salgaadhidooda.
 
Waxa jira saddex qaab amma jid oo dedejiya sida lagu heli karayo habdhaqanka cusub:
 
Dariiqa kowaad waa adkaysi: waa in aad adeegsato hubinta iyo xaqiijinta ah inad aqbasho wakhtigani hadda, waana inad adeegsato damiirka keli ah ee hadlay (aniga) ku celceli adiga oo si xamaasadaysan ugu adkaysanaya. Xaqiijintaasi –masalan waxan awoodaa in aan hadlo oo saameeyo kuwa jooga ee I dhagaysanaya—suuto suuto ayay u geleysaa oo ay ugu negaanaysaa caqliga weeleeya wax. Filim ayaa lagu soo bandhigay diyaarad madhan oo la shaqaynaysa caqliga, in ay akhrido waxa ku jira caqliga duuliyaha dabadeedna kaasi ku hagmaysa. Diyaaradani way madhantahay, laakiin nolosheena ayaa dhab ahaantii diyaaradaasi cajiibka ah ee ku dhaqdhaqaaqaysa hadba sida caqligeenu yahay. In badan oo waxa aan ku fikirayno inu dhaca ayaa beddelaya waxa inagu xeersan waaba sidiiyoo uu leeyahay shucaac amma sidiiyoo uu leeyahay birlab. Ku adkaysigana raadkiisu xadba ma alaha. Si ay hubintaasi u rumowdana waxay u baahan tahay inay saddex shardi oofiso:
 
1.       Adeegso ereyga aniga ah ilaa uu noqdo mid aad shakhsi ahaan u hubto.
2.       Waa in waxa aad hubisay yihiin kuwo wax ku ool ah, ha odhanin anigu sigaar cabbi mayo, laakin dheh: sigaar la’aanta ayaan ku raaxaysanayaa.
3.       Adeegto amminta joogta hana adeegsan amminta soo socota. Dheh: waan ku guulaysanayaa hawshani. Ha odhanin: waan ku guulaysan doonaa. Dheh: hawshani waan qabanayaa.
Dariiqa labaadna waa suuraynta caqligu sameeyo: tani waa awoodda ugu wanaagsan ee uu bini aadamku haysto. Suurad kasta oo bini aadamku si cad ugu sawiro maankiisa wuu ka salgaadhaa. Dhig naftaada sidii oo ay Suuraysanayso shaqadii oo wanaagsanaatay, amma xidhiidhka shakhsiyaadka muhiimka ah oo aad ku guulaysatay, amma dhinaca kasta oo aad rabtay oo aad ku guulaysatay. Laba daqiiqo fadhiiso ka hor inta aanad camal qabanin kaasi oo karti u baahan, kuna soo xaadiri caqligaaga suurad muuqata waxad rabtaa wuxu yahay. Si aan dheeh ku jirin u suurayso natiijada sidii oo ay u xaqiiqowday qaabkii aad u rabtay. Haddii aad rabto inad soo sexeexdo heshiis ganacsi suurayso heshiiskii oo aad sexeexday. Haddii aad rabto inad khudbad u jeediso dad badan suurayso dadkii badnaa laftoodii oo soo fadhiya hortaada amma isa safay.maankaaga ku sawir muuqaal cad ka har inta aanad gelin hawshaada.
Dariiqa saddexaadna waa in aad metesho qofka aad rabto inad noqoto: waxa cajaa’ib ah haddii aad muujisato inad tahay qof si dhab ah isku beddelay waxad hananaysaa habdhaqanka qofkaasi muddo ka yar shan daqiiqo. Haddii aad buug akhriyayso aanad mawduuciisa dhadhansanaynin laakiin ay qasab tahay inad akhrido ku qanci naftaada in aad heli doonto mid kani ka qurux badan, una iilo dhinaca buugaasi adiga oo faraxsan waxad arki doontaa isaga oo aad ku raaxaysanayso e. sidaasi oo kale ayaa waxa la mid ah marka aad muraayadda hor taagan tahay ee aad leedahay: waxan ku raalli ahay naftayda xataa haddii ay taasi tahay mid aad samaysanayso waxa run ah inay xaqiiq isku beddeli doonto. Raadaynta iska yeelyeelidaasi waxay tahay sida raadka qofka muuqaalkiisa la ammaanayo ku reebo, sababtoo ah waxan u wanaajinaa muuqaalkeena hadba sida la inoo ammaanayo xattaa haddii ammaantaasi aanay mid xaqiiq ah ahayn.
Dhidibka ugu muhiimsan ee aad ku kasban karto habdhaqan wanaagsan ayaa ah dariiqa ah in aad samaysato shakhsiyad, waana jidka uu daahfuray nin Germaney ah sannadkii 1905 kii ee ay adeegsadaan ciyaartooyada Germalka bari, taasina waa sirta ay ku hanteen koobab badan oo germane ah. Macnaha dariiqa lagu samaysanayo shakhsiyadda: waa in uu qofku ku raaxaysto kuna  qanciyo maankiisa isaga oo si qoto dheer u gelinaya oo naftiisa u suuraynaya isaga oo guulaystay. Haddii uu qofku ciyaartoy yahay wuxu la sheekaysanayaa gacantiisa iyo lugtiisa sidii oo ay u shaqaynayaan sida uu rabo, wuxuna sawiranayaa isaga oo ku guulaystay jaa’isadii kowaad.
Fadhiiso oo si qoto dheer u neefso deganaana muuji konton jeer in gaadhaysa adiga oo taasina tirinaya: konton, sagaal iyo afartan………. Ilaa inta aad gaadhayso lambarka 1aad, ku celceli tiradaasi marar fara badan adiga oo naftaada u suuraysanaya inad metelayso shakhsiyaddii aad rabtay inad ahaato.
Wakhtiga ugu wanaagsan ee taasi la sameeyaana waa hurdada ka hor iyo waabariga, xilliga hore ah. Subaxda hore waa wakhtiga ugu wanaagsan ee caqliga lala sheekaysto. Xilligaasi fadhiiso oo ku adkayso shucuur ah ruux macnawi ah oo wanaagsan. Ha ahaato taasi fikradda ugu dambaysa ka hor inta aanad seexanin iyo xilliga aad toosayso. Ku celceli fikradaasi ilaa uu galo caqliga weelaynta. Ha odhanin xilliga aad baraarugto waxad u baahan tahay hurdo adiga oo aan dhab ahaan hurdo u baahnayn, sidaasi oo aad yeeshaa ma wanaajiso xaalladdaada nafsaani.
Saacadaasi ha dhagaysanin radiyooga hana akhriyin jaraa’idka. Ha akhriyin xilligaasi jaraa’idada si aanay caqligaaga uga buuxsamin hadallo madhan. Baabuurka dhexdiisana dhagayso cajalad in ka badan inta aad radyowga dhagaysanaysid. Ha u danaynin qaab keli ah mooyaane. Dunidana dhammaanteed mar keli ah ha beddelin. U fikir si kalsooni ku dheehan tahay oo hubaal ah, deganaan, iyo qaab xamaasadeed, ha u ogolaanin caqligaagu inu abtirsado hoggaan la’aantii.
Hana illaawin awoodda dhiirranaantu leedahay. Waxa muhiim ah in aad awoodaasi u adeegsatid qaab faa’ido leh.   Wax kasta oo aan akhriyayno amma aan ka maqlayno TV ga iyo raadyaha iyo saxaafadduba dhiiranaan ayay leeyihiina. Saldhiga ugu muhiimsani waa in aan dhiirri gelino shakhsiyaadka aan xidhiidhka la leenahay. Waxa soo if baxay in dadka isku deyeya inay beddelaan dhaqankooga ay ku noqdaan shakhsiyaadka ay xidhiidhka la lahaayeen, deedna wax kasta oo ay gaadhaanba wuu burburaa. Waxay noqon karaan dadka aan la saaxiibaynaa amma xidhiidhka la yeelanaynaa qaar qoyska ka soo jeeda, amma meel ka wada shaqaysaan, amma ardayba iyo meel kasta. Doorashada aan dooranayno qofka aan rabno inan la saaxiibnaa wuxu u baahan yahay in muhiim ahaado fikirna ku salaysnaado, raad wayn ayuu leeyahay si aan u xaqiijino waxaan hadafkeena, saaxiibka dayacan iyagu wax kasta oo aad dhistoba way duminayaan.
Markasta oo aad suuraysato xaaladda ay ku jiri doonto shakhsiyadda aad rabto inad noqoto ee aad kula hashaashaqdo naftaada ayaa waxay kugu dedejinaysaa inad ka sal gaadho qaabkii aad u rabtay. Waxa ugu muhiimsanina waa caqliga oo sugnaada si uu u ahaado mid hadaf ku fikiraya oo weligii xasuusnaanaya. Jooji fikirrada kale. Haddii aad khalad samaysona ha noqon mid ku mashquula kana muruugooda sababta uu khaladka u galay.
Wixii ku dhaafayna ha uga fikirin si murugo leh, mustaqbalkana ha ugu fikirin sidii oo uu leeyahay rajooyin aan suuro gal ahayn. Ka buuxi caqligaaga aqoon iyo kalsooni faa’iido leh. Sidaasi ayuu is farayaa caqligaagu subax iyo galaba oo aad u dhaqmi doontaa shakhsiyadii aad rabtay inad ahaato. Xasuusnow in wax kasta oo aad rabitaankaaga ahi wixii caqligaaga ka guuxaya natiijadiisa uun.

La soco qaybt 4aad.
noloshaqoyska 48473 visitors (113655 hits) bogani

Barnaamijkani wuxu in badan taageerayaa dhallinyarada raadinaysa in helaan qaabka ugu wanaagsan ee uu qoys u shaqayn karo, iyada oo aan dacwad iyo qaylo la isla saro kicin.

Run ahaantii kuma siinayno qorshayaal sax ah oo ti buuxda u hagi kara noloshaada qoys ahaaneed, laakiin waanu kuugu dedaalaynaa in aanu ku tusino dariiqii aad u mari lahayd arrimahani, Website kani kama hadlayo wararka Idaacadahu sheegaan ee khuseeya arrimahani, waxase aanu kuugu soo koobi doonaa buugaag la sameeyey, muxaadarooyin, iyo wixii talo ah ee aanu kuuhayno.

Ha illaawin in aad nagala soo qaybgasho sida aad is leedahay way ku hagaagi karaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee uu muranka iyo iska daba wareegu salabeeyey. noo soo dir: waxaanu diyaar u nahay in aanu ku soo bandhigno website kani fikirkaaga una soo saarno sida ugu quruxda badan.

SOOMAALIDU HA

ILAALISO QAABKA GUURKA

EE DHALLINYARADA
haddii aad rabto in aad ku qorato mawduucyo waxanu diyaar kuula nahay in aan kuugu soo qorno, fadlan ha illaawin magacaaga iyo sawirkaaga labadaba This website was created for free with Own-Free-Website.com. Would you also like to have your own website?
Sign up for free